“Si Kudka Loo Daweeyo Oo Aan Dhibaato Innooga Soo Gaadhin Waa In Madaxweynuhu………”

0
29

Gud. Cirro Oo Ka Hadlay Xiisadda KULMIYE Iyo Goorta La Dooranayo Musharraxa WADDANI

“Toban Sannadood Haddaanu Hal Mar Dagaal Samaynay Wax Badan Maaha Waayo Adduunka Waxyaabo Badan Baa Intaas Ka Dhacay”

Hargaysa(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland   Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga Kulmiye ka dhex taagan  iyo is casillaada wasiirradii ka tirsanaa xukuumadda Somaliland ee dhawaan istiqaallada dhiibay. Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay inay duruufaha Somaliland ka duwan yihiin kuwa caalamka, waxaanu tilmaamay in la eego waxa meesha jira ee aan isku bedel uun la samayn. Sidaasina waxaa uu ku sheegay waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo guddoomiyuhu siiyey Telefishanka Afka Soomaaliga ku baxa ee SOMALI CABLE. Waraysiga Cirro waxyaabihii uu kaga hadlay  ee uu jawaabta ka bixiyey waxaa kamid ahayd su’aashan:  Cabdiraxmaan Cirro“Inkastoo  guddoomiye aad kasoo maqantay wadankii [Somaliland] oo aad booqasho hadda ku joogto wadanka Natherland, haddana waxaa jiray xiisado siyaasadeed oo ka dhex taagan xisbiga KULMIYE,  oo ah xisbiga talada Somaliland haya, tiro wasiirro ah ayaana iska casishay xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, markaa sidee ayaad u aragtaa xiisaddaas iyo is casilaada wasiirrada”, waxaana guu Mr. Cirro su’aashaasi kaga jawaabay “ MArka hore xisbiyada qaranku waa hanti uu qaranka Somaliland wada leeyahay, waxaanu jecelnahay inaanu dhexdhexaad ka noqono siyaasadda xisbiyada, waananu ka xunnahay wixii khilaaf ah ama dhib ah ee soo gaadhay xisbi qaran, waxaana aanu jecelnahay in khilaafkooda iyagu iskood ay u dhamaystaan” sidaa ayuu yidhi Mr. Cirro, waxaana uu intaa ku daray isaga oo is casilaada wasiirrada ka hadlaya “ ta xukuumadda [iscasilaada] iyada lafteedu arrin murugo badan bay ahayd oo caadi may ahayn intaas oo wasiir oo mar qudha xilka iska wada casila, xalkana ummaanu arkayn in hebel, hebel lagu beddelo ama magacyo la doon-doono, laakiin waxaanu u arkaynay xalka in dhibaatada jirta la baadh-baadho. Waxaanu jecelnahay in madaxweynuhu arrintaa xilkeeda dib ugu noqdo oo xukuumaddana la adkeeyo wixii dhib ah ee jirana laga saaro meesha, si arrimaha doorashada iyo amniguba aanay dhibaato innooga soo gaadhin” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro. Mar uu ka jawaabayay sababta uu filayo in ay salka ku hayso is casilaadda wasiirrada waxaa uu yidhi guddoomiyuhu “ waxaa ay ila tahay waxyaabo badan oo ay dadku ka caban jireen wasiirrada qaar kamid ah ayaa afka ku dhuftay oo caddaaladda ayaa ka mid ah, markaa arrimaha cabashoyinku waxaa ay u baahan yihiin in la daweeyo oo wax laga qabto, ruuntiina adduunyada caadiga ah marka ay intaas oo wasiir is casisho xukuumaduhu waa ay dhacaan laakiin duruufaha aynu ku jirnaa waa ay ka duwan yihiin kuwa caalamka”.  Mar la sii weydiiyey aragtidiisa ku qotonta Madaxweyne Siilaanyo in ay la qumman tahay mar haddii wasiirro intaas leegi ay is casileen in uu xilka ka dego, sida hadalkiisa ka dhadhamaysa, waxaa uu guddoomiyuhu ku gaabsaday “waxaa ay ila tahay oo aan hadda ku koobi lahaa dhibka jira in la eego oo aanu xalku noqonin hebel hebel lagu beddelay si cudurka jira iyo kudka meesha galay loo daweeyo”. Geesta kale su’aal ka duwan kuwaas hore oo guddoomiyaha la weydiiyey ayaa nuxurkeedu ahaa mid ku dhereran xisbigiisa WADDANI oo aan illaa hadda wax shirweyne ah qabsan isla markaana dooran musharraxiisa uga qayb galaya doorashada, waxaana uu yidhi isaga oo ka jawaabaya su’aashaasi “wax hor taagan oo caqabad ahi hadda ma jiraan, waqtigii arrintaasi [musharraxnimada] iman lahaydna dhakhso ayaanu u iclaamin doonaa haddii alla yidhaahdo…. Amma inta sanadka ka hadhay bay noqon doontaa ama sanadka kale horraantiisa ayay noqon doontaa. Waxyaabaha xusida mudan ee Waraysigan uu Cabdiraxmaan Cirro kaga hadlay waxaa ka mid ahaa gacan ka hadalkii dhex maray isaga iyo ku xigeenkiisa BAashe Maxamed Faarax, qaddiyadaas oo su’aal la xidhiidha uu weriyuhu ka weydiiyey in wixii gacan ka hadalkaas ka dembeeyey aanu golaha wakiillada fadhiyadiisa shir guddoomin, waxaana uu yidhi isaga oo tafaasiil ka bixinaya arrintaasi “arrintaas wixii ka dhacay dadka iyo baarlamaankaba waan ka raalligelinay, dee toban sannadood haddaanu hal mar dagaal samaynayna wax badan maaha ayaan u malaynayaa waayo adduunka waxyaabo badan baa intaas ka dhacay. Immikana waxaa ay arrintaasi ku soo beegantay xilligii uu baarlamaanku fasaxa galayay, oo laba bilood buu fasax galay, bili way tagtay, bilina way hadhay, markaa fasaxiisii caadiga ahaa buu baarlamaanku ku jiraa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here