Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dhalinyaradii reer Somaliland Ee Ay Magafeyaashu Kasoo Duubeen Muuqaallada Jidh-dilka wata Ee Ay Madax-furashada Ku Dalbanayaan
“Dhalinyarada Sii Yaacaysa Waxaan Leeyahay Illaahay Baa Wax Bixiyee Dalkiina Aamina, Waalidiinta Waxaan Leeyahay Carruurtiina Dhibta Ka Ceshada”
++++++
“Annagu Intaas Oo Jeer Baanu Qabanay Shirar [Tahriibta] Lagaga Hadlayay, Shir Kun Qof Lagu Shaqaalaysiin Doonona Waa Kii La Qabtay Laakiin Dee Haddana Tamarteena Kama Boodi Karno”- Wasiir Cabdi-dheere
Hargeysa(Hubaal):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Dhibaatada Tahriibta ee dhalinyaradu ku dhammaatay iyo Maggafayaasha Liibiya Muuqaallo ay ka duubeen Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdho ah oo Soomaaliya iyo Somaliland ka kala tahriibay oo ay garaacayaan, kana dalbanaya Lacag Madax-furasho ah oo ay toddobaadyadan dambe soo dhigayeen Baraha Bulshadu ku kulanto ee Internet-ka.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Cabdi Daahir Camuud, ayaa Weriye Cabdiwahaab Cabdirashiid oo ka tirsan Universal TV waxa uu wax ka weydiiyey arrimaha Tahriibta iyo halka ay ku dambaysay Guddigii La-dagaallanka Tahriibka ee uu Madaxweyne Siilaanyo Sannado ka hor magacaabay oo ay Wasaaradda Arrimaha Bulshadu hoggaaminaysay.
Waxa uu Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshadu ugu baaqay Waalidiinta inay Ubadkooda la socdaan dhaqdhaqaaqyadooda, si aanay u tahriibin oo aanay naftooda ugu biimaynin Saxaraha iyo Badaha ay Maggafayaashu Isbaarooyinka u dhigteen. Waxaanu intaa ku daray inay Xukuumaddu abuurayso Shaqooyin wax lagaga qaban karo Tahriibta marba marka ka dambaysa sii kordhaysa.
Weriye Cabdirashiid Oo wasiiru dawlaha waydiiyey su’aal u dhignayd muuqaallada ay Magafeyaashu soo geliyeen baraha bulshadu ku xidhiidho ee ku saabsan dhalinyarada ay madax furashada u haystaan iyo jidh dilka ay u geysanayaan, farriinta ay wasaarad ahaan dirayaan waxa uu Wasiir Cabdi Dheere kaga jawaabay “marka u horeysa waanu ka xunnay dadkaas yaacaya ee iyagu is biimaynaya, mar labaadka waxaan farriin udirayaa waalidiinta, waayo dhulkaasi [Liibiya] waxba ma yaallaan oo waadigaa arkaya sida loo jidh dilayo, marka ay halkaas ka sii baxaanna wax kale ayaa ay la kulmaan, wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadana shaqadeeda waa kamid in ay tahriibta jjoojiso oo waa ka guddoomiye gudida joojinta tahriibta sharcina waa laga soo saaray oo haatan goleyaasha ayaa la gaynayaa simagafeyaashaasi loo qabqabto oo loo xidh xidho, dawladduna siyaasad ayay ka leedahay oo waxna waanu ka qabanay sharcigeediina waa la wadaa, waxbadan oo kalena waanu ka qaban doonaa haddii alla yidhaahdo, hawlna waa laga qaban doonaa waxyaallahaadi dhacaya waana la dabar goyn doonaa”. Sidaas ayuu yidhi Wasiiru dawlaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadu, waxaanu intaa ku daray “guddida ka hortagga tahriibta ee qaranku waa toddoba wasaaradadood oo uu guddoomiye kayahay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadu, farriinta aan udirayaana waxa weeye dadka ehelka ah ee ay dhalinyaradoodii sii yaacayso Illaahay wax bixiya oo waxba waayi maysaan ee dalkiina aamina, waalidiintana waxaan leeyahay carruurtiina dhibta ka ceshada”. Geesta kale Mar uu weriye Cabdirashiid Cabdiwahaab waydiiyey wasiirka su’aal ku qotonta istaraatiijiyadda wasaaraddoodu ka leedahay qadiyadan waxaa uuwasiiru dawluhu yidhi “ wasaaradayadu qorsheway ka leedahay oo intaas oojeer baanu qabanay shirar oo shirkii ugu dembeeyey ee imika lagaga hadlayay shaqada waa kii aanuku qabanay Maansoor,mid ka horreeyey oo Kun qof lagu shaqaalayn doono iyadana waa kiila qabtay [Laakiin] dee shaqada waala abuurayaa ee haddana kama boodi karno tamarteena”. Ayuu yidhi Wasiirku.