Siciid Cilmi Rooble Oo Ansixintii Wakiillada Ee Wada-hadallada Khaatumo Ku Tilmaamay Tallaabo Furi Karta Albaab Qaranka Dhiig-bax Ku Noqon Kara

0
42

Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo kamid ah mudaneyaasha golaha wakiillada ee kasoo jeeda gobolka Saaxil, isla markaana katirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa eedo culus dusha ka saaray golaha uu katirsan yahay ee wakiillada, waxana uu sheegay inay faraha la geleen arrimo aan shaqadooda ahayn oo sharciga baal marsan.

siciid cilmi rooble

Xildhibaan Siciid oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa cambaareeyey tallaabadii ay golaha wakiilladu codka gacan taagga ah ku ansixiyeen wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo, waxana uu xusay inay arrintaasi iska lahayd waaxda fulinta oo xukuumadda ahi, “Mudaneyaashu ma fahamsana inay gacanta la taagayaa sharci tahay, xukuumadduna iyada ayey xilkeeda distooriga ah tahay inay tabashada dalka gudihiisa ah dhammaystirto, wax allaale iyo wax la inooga baahnaana ma jirto, golehayaguna shuruucdii way ku tunteen,” ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.

Siciid Cilmi Rooble waxa uu ka digay in dariiqa ay wakiilladau wada-hadallada maamulka Khaatumo lagula jiro ku ansixiyeen furaan dariiq dalka dhibaato badan ku keeni kara oo cid kasta oo wax tabataaba dalbato in arrintooda halkaas la mariyo, waxana uu yidhi, “Shacabkana waxan leeyahay dalkiina xejista oo diintiina ilaashada, cid allaale iyo cid aynu ku kalsoonaano ama gole ha ahaato ama shicib ha ahaatee ma jirto, haddii dalka sidan laga deyn waayo berrina Saaxil State baa Salle calee, golehayagii baana sharci darro samaynaya.”

Waxa uu xildhibaanku sheegay inay xukuumaddu waajibkeedii ka gudatay wada-hadallada, isla markaana aanay jirin meel golaha arrintaas uga bannaani, “Hadii goluhu wax walba gacanta u taago qalad baynu gelaynaa, meel allaale iyo meel aanu gole ahaan kasoo galnaana ma jirto, waajib bay xukuumaddu leedahay oo way gudatay, Cali Khaliif-na way u yeedhay oo wada-hadalladii meel fiican bay marayaan,” ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here