Siciid Cilmi Rooble Oo Sheegay Inaanay Maraakiibta Ganacsigu Berbera Iman Doonin Haddii Saldhig Militeri Laga Hirgeliyo

0
31

siciid cilmi rooble

Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo katirsan mudaneyaassha aqalka wakiillada, isla markaana hormood u ahaa xildhibaanadii dhawaan ka dareeray fadhigii labada gole ee lagu meel mariyey nuxurka heshiis ay xukuumaddu doonayso inay dalka Imaaraadka carabta saldhig militeri kaga siiso Berbera, ayaa eedo u jeediyey labada gole, waxana uu sheegay inay gacmihii ay taageen dhaafsadeen lacago.

Xildhibaan Siciid oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa xusay in xukuumaddu ogaatay inay xildhibaanadu lacago la siiyo codkooda ku bixiyaan, waxana uu yidhhi, “Labadii gole waa la ogaaday oo waxa la yidhi  lacagtaa codaynaysee haddii aynu xaaraan kasta keeno’e waxba heshiisna ha keenina lacag uun baa la tusaa oo lacagtaa codaysa, markaa lacagtii baa codaysay.”

Waxa uu ka dayriyey xaaladda dalku geli doono marka la dhamaystiro heshiiska Berbera lagaga dhisanayo saldhigga Militeri, waxana uu caddeeyey in noloshada bulshadu halis geli doonto, isaga oo shacabkana farriin u diray, “Berbera ma iman doonaan maraakiibtii ganacsigu, caymiskuna cirkuu inagu mari doonaa, inaga oo markii horeba Adhi  la’ayn ayaa imikana baddii inaga xidhmaysaa, kuwanina waxa ay inoogu talo galeen inaynu is cunee intaynaan is cunin shacabow soo baxa oo AMAY dhaha”ayuu yidhi xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay in bulshada looga baahan inay isku tashadaan oo ay aayahooda ka fikiraan, waxana uu ku baaqay inay cod midaysan ku diidaan wax kasta oo aanay dantoodu ku jirin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here