Siciid M. Gahayr oo Maxkamadda la Horgeeyey & Xeer-ilaalinta oo Dalbatay in Waaran loo Jaro Maamulaha Madaarka Hargeysa

0
43

Hargeysa (Hubaal/Aftahannews):- Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa Sabtidii Maanta la hor-keenay Qoraa/ Macallin/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo 36 maalmood Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa ugu Xidhay Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ka dib markii Maqaal uu qoray oo ay dhibsadeen Agaasimaha Wasaaradda Duulista Somaliland iyo Maamulaha Madaarka Cigaal, kaasoo sababtiisa loo xidhay.

Fadhiga Maxkamadda ee Dacwadda Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ahayd mid furan, waxaa dhegaysigeeda ka qaybgalay Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Ehelladda Abwaan Siciid iyo sidoo kale Weriyeyaal ka hawlgala Hay’adaha Warbaahinta qaarkood, Xeer-ilaalinta, Garyaqaanno, Qorayaal, Abwaanno iyo Xubno kale.

Xeer-ilaaliye Farxaan oo Akhriyey eedda loo haysto Macallin/Abwaan/Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), oo uu ku sheegay kicin dadweyn iyo inuu digniin amni u diray, Diyaaraha Itoobiya iyo Fly Dubai. Eeddaas oo uu Siciid Gahayrna iska difaacay, isla markaana ku dooday inaanu qabin gebi ahaantoodba eedahaas Maxkamadda laga hor akhriyey.

Hase-yeeshee, Siciid Maxmauud Gahayr, ayaa qirtay inuu Maqaal uu qoray kaga faallooday arrimaha kala ah, Shaqaalaha Madaarka, goob Dakhliyeed ku taal Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo sidoo kale arrimaha ku taxalluqa Shaqaaleynta Shaqaalaha Cusub ee Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal iyo qaabka loo qaato ama lagu qoro, isla markaana in uu fikirkiisa cabbiro Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland u Dammaanad-qaaday isaga iyo Muwaaddiniinta kale ee reer Somaliland-ba oo Qalin, Hadal iyo Sawir intaba ku muujin kara aragtidooda.

Geesta kale, Maxkamadda ayaa dhegeysatay eedda Xeer-ilaalinta, halkaana ka caddaysay in Maamulaha Madaarka Hargeysa uu Markhaati ka yahay Kiiskan. Balse uu si cad uu diiday inuu hor-yimaaddo Maxkamadda Sharafta leh, isla markaana isagu hore Booliska uga soo dalbaday in la xidho Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi).

Hase-yeeshee, waxay markaas ka dib Xeer-ilaalintu dalbatay in Xabsiga loo soo taxaabo Maxamed Yuusuf oo ah Maamulaha Madaarka Hargeysa ee Cigaal, haddii uu fadhiga 2-aad ee Dacwadda diido inuu yimaaddo Maxkamadda horteeda, maaddaama uu isaga u xidhanyahay Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr.

Waxaanay markaas ka dib Maxkamaddu muddaysay in Dacwaddan mar kale loo fadhiisan doono 27 September 2016 oo ah bishan aynu hadda ku jirno ee socota. Sidaas ayaanu ku xidhmay fadhiga Sabtidii Maanta ay Maxkamaddu u fadhiisatay ee Dacwadda awood-sheegashada ah ee loo hayso Abwaan/Qoraa/Macallin Siciid Maxamuud Gahayr.

Aftahannews.com

qoraa-siciid-maxamuud-gahayr-hargeysaawi-2016

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here