Siciid Sulub Oo Xukumadda Ugu Baaqay Inay Ka Fiirsato Wareejinta Dekedda Berbera

0
19

Hargeysa(Hubaal)-Siyaasiga Siciid Sulub Maxamed, ayaa Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ugu baaqay in si aada looga fiirsado wareejinta Dekedda Berbera. Waxa uu sheegay in Xukumaddu ku fashilantay Warshadihii Laydhka ee ka sahlanaa, balse haatan loo baahan yahay in dekedda si qoto dheer looga arrinsado wareejinteeda.

sulub.jpgSiciid Sulub, oo u waramay Geeska Africa ayaa yidhi “Arrinta dekadu sida ay aniga iigu muuqato waxa weeyaan arrin xasaasi ah, qaranka Somaliland-na dekada Berberi waxaa ay ugu jirtaa hadaanay qarankaba wada ahayn qayb ayaa ay ka tahay, markaa arrin hawl yar maaha arrin lagu deg degana maaha, maadaama aynu maanta ictiraaf raadinayno oo dadkeenii iyo dalkeenii urursanayno oo nabad galyo la wado, in si fudud oo u eeg in dhaqaale uun la raadinaayo, loo galo arrinta maanta maaha, waa in aad looga fekero, oo aad looga baaraan dego ayey u baahan tahay”

Siciid Sulub, Waxa uu intaasi raaciyay “ dekadaa ay xukuumadu leedahay waxaan ku wareejinaynaa cid kale dee dekad xor ahba maaha oo dusha ayaa la innaga haystaa oo shalayba waa kii Xasan Sheekh Maxamuud uu lahaa waxaa aanu u fasaxnay quwadaha Ajanabigu in ay isticmaalaan, bal horta inta aynaan dekada xaraashin ama aynaan iib u doonin ama aynaan wareejinin aynu hubsano oo ama aynu ka baraan degno innaga iyo dekedaanaba waa la sheeganayaayee sidaynu u xoroobi lahayn, arrinta waxaan u arkaa in laga fiirsado oo dhaqaale qudha aan loo galin, waxaan kale oo dekadan maanta dhisan leeyahay ama nidaamkan maanta jira, waxaad u taag heli waydeen warshadii shamiitada ahayd, waad waydeen cid inoo maal galisa, kuna heshiisiin kari waydeen dadka dhaqaalaha haysta ee reer Somaliland dekaduna arrinta waa ay ka hawl badan tahay oo waa ay ka dhib badnaanaysaa, marka waxaan leeyahay arrinta dawladu dib ha uga fadhiisato, waliba maanta waxaa aynu ku jirnaa oo aynu galnay sanad doorasho, markii haddii xili doorasho la galayna maaha in waxyaabaha hantida waaweyn ah iyo arrimaha muhiimka ah ee heshiisyada ah aan la gali karin.”.Ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed.

Hadalka Siciid Sulub, ayaa imanaya iyadoo dhawaan Xukumaddu iftiimisay in Shirkaddo tartan ugu jiraan la wareegista Dekedda Berbera islamarkaana haatan Wefti ku maqan yahay heshiiska wareejinta Dekedda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here