Sidaa Maan Moodayn!!!– W/Q. Ladna Rashiid Cabdillaahi

0
148

Intaad odhan kari la’dahay ee aad afka u diidayso aniga ayaa garanaya. Dhibka labadeenna ina kala haysta ana garanaya kuuna shegaya. Dhibkaa iyo xaalkiisa ayaan caawa ku wada sheegaya. Kadib way dhammaanaysaa

dhibaatadu. Qoraalkaan caawa kuu so qorayo waa mid xaggayga ka taariikhiya, waa qoraal u baahan geesinnimo. Waa qoraal aan inoogu gar qaadayo ee u fiirso.

Xabiibi Cadnaanow, Caawa waxaan rabaa inaan ku sheego sawirka maskaxdaydu kaa sawiratay sheekadeena ee ay iila muuqato siday wax u dhacayaan.

Cadnaan Waa wiil ku nool dalka Norway Waxaa ay kala tageen ooridiisii muddo sannad iyo badh ka hor waxaa uu leeyahay laba carruura .Waa qof ay kala tageen xaaskiisii Waa qof arkay dhibaato kaga timi u dhaxeysa laba qof kala jooga laba qaaradood. Waa nin halka uu ku noolyahay waayihiisa adduunyo ay ku gadaamanyihiin wuxuu dagaal ugu jiraa siduu wax u qabsan lahaa iyo duruufaha qurbaha isuwada biirsadeen siduu uga bixi lahaa. Caasha waa gabadh da’yar calaf doona raadinaysa rajada nin ay nolosha qaybsadaan.ku nool magaalada Nayroobi. Waxa jirtay markay kala tageen. odaygeeda ay baratay ama heshay qof u muuqday inu rajo wayn galiyay kaso siiyay kalgacal aad u wayn dareensiyay in ay nasiib keedu wacanyahay . Waxay u muuqatay inay si fudud uga soo kabatay dhaawici kaso gaadhay guurkeedi burburay. Niyad jabki soo gaadhay u muuqday inuu badalay rajo quruxbadan.. Run ahaanti dhawacani wuxuu ku riday sas ay ka qaaday ragaba .Caasha. Inta kadib waxa ku dhacay mooral jab aad u wayn nooc kamid ah dhawacyada ay adagtay in qofka laga dhayo. Qofkano kale waxa dhici kara inuu niyad jab ka qaado xidhiidhada mustaqbalka u mid kasto danbe ka niyad jabo ama is dhaho ha isa si raac raacin. Xaaladan markay gashay umay baahnayn xidhiidh cusub. Xiligano kale qalbigeeda wax boos ahi ugama banaanayn xidhiidh cusub . Sidaas ay tahay waxa isla marki niyad jabkasi dhacay nolosheeda damcay inuu ku so dhawaado wiil kale malaa isku qanciyay inuu iyada u baahanyay. Haba u baahnade isaguna qudhiisu ma ahayn mid fayaw e wuxu aha mid noloshisu qabyo tahay intu wax jeclaaday muddo raadiyay jacaylkiisa kadib wayay isago dhaawaca qaba guursaday mid aanu isna mahadin. Ninkan wax daweeya raadinaya ayaa ka helay iyadoo wali xidhinba dhiig bixii so gaadhay. Caasha u baahan wax la saxiiba ka tira ilinta ku qarsoon qalbigeeda ay xitaa is diidsiiso inay ka hadasho ayuu isna ka doonayaa inay isaga dhaydo. Waa laba qof labaduba damqanaya midkasta u baahanyay wax dhaya.

ladna1-331x330Caasha waxaa ka muuqda in ay u baahantay qof qaaliya ay ku kalsoontay. Waxay u baahantay qof fahma dareema arkana inay tahay inan dhalinyara ah kuna nool qurbe nacas dhibka haysta badan yay. Waxay u baahantay xidhiidh ay ka hesho degnaashiyo. Uma baahna xidhiidh ay la yeelato mid neerfis ah gubanaya. Anigu qalad ka ugu wayne ee sameeyay wuxu ahaa markan ka dalbaday jacaylka. Looma baahnayn in an malinta ku idha sidan ku idhi . jacayl ka la sheegayaba maalintasu jiray. Maalinta waxay ahayd in an si wado xidhiidhkan kula lahaa. Wuxu ahaa xidhidh ku dhisna walaalnimo. U midba ka kale ilinta katiro. Jacayl ka lashegayaba markasaynu wadadisa haynay. Waxay ahayd inago sidaasa inaan hoosta ka xariiqno in aynu nolol wadasgno. Waxay ahayd inago sidii ah in aan agtaada imaado kadib anoo ku dhaw aan maalin maalmaha kamid ah ka dalbo inaan is guursano Nasiib daro taasii may dhicin. Igamay maqnayn taladasi wan arkayay iyado waxa ta i dhaafiyay cadho iyo cuqdad an ka qabay dareenka oo la qariyo.Mid kale dhab ogaaday. Waxan aminsana taada waad iska ilaabi karta tiisa ayaad raali galin. Taasi haday dhabtay kaaman cawden’e xaqiiqada i muuqata waxay tahay in aan u baahanay qof i jecel ina siin kara jacayl. Waayo waxa dhici karta in qofku kuba rabo laakiin u isagu u baahanyay qof jeclaada. Qof in la jeclaado u baahan ayuu mid kalana isaga ka raba inuu jeclado. Jacayl markan leeyay waxa muhiim ah in la fahmo. Jacaylku ma ah mid lagu garto sida u qofku u hadlo. Wixi ladoono lagula hadllo.Jacaylku waa mid laga arko sidu qofku u dhaqmo. Waday waday is idhi adigu isaga jacayl sii. Ma jirto anigo isaga ka raba ayuun ban arkaya. Cadnaan ma qaldana. Aniguna ma qaldani. Qadar kuna ma qaldana. qaladkoo dhami wuxu ka imanaya qof gajoonaya ayaa qof kale oo qudhiisu gajoonaya ka raba inuu gaajo tiro. Anigu waxaan raba in an agtaada ka fiicnaado oo layga xiiso ma rabo in agtada layga karho.

Duruufo kala duwan ayaa ina haysta. Ana xagayga wan ogay in qaylada iyo canaantu ku badantay tana wan garanaya waxa igu wacan. Matalan kol hadan ka helay kugu qancay wan ogay ilayn facebook dhexdiisa wall -ka dhexdiisa iskuma aroosayne waan ogay in an u baahanay in aan tago yurub si ay inoogu suuro gasho inaynu midawno. Hadaba tagitanki muu ahayn wax aan haabkaba galiyay. Wuxuu ahaa nolol igu cusub. Halka aan inta badan kaa cananta waxay tahay.anigu go’an baan gaadhay. Go’an kan gaadhay waxa weeye in aan Norway tago. Si taasi u dhacdo waxaan badalay qorshahaan mustaqbalkayga u dajiyay. Anigu ganacsi ayan rabay aan galo. Markaan sidan doonay ilayn laba qof ma ihiye midna Nairobi joogo midna agtada e. Waxay noqotay in an safar u diyar garoobo. Diyaar garawgasi wa mid khilaf i leh. Waad ogtay xagan hooyaday inay keligay haysto . Ugu horayn waxaan rabay inaan iyada meel ku hubsado. Sida markay tahay. De anigu qorshan ku socda tagitaankayga inta ka hadhayna qofka aan jeclay ayaan la si sheekaysanayaa. Sabab aan ugu hagradana ma jirto markay waxaan i qaban igula kaco wan ka hadlaya. Marka aad tan ay cawa ugu danbaysay igu dhacdo waxa i gala niyad jab. Matalan wan kujira khadka. Anu adigan inta kula hadlaya adiguse jawabo yar yar aad aragto inanu qofkani ku jeedin ayad dirqi ku so diraysa. Qushiged. Bal haso baxo horta ee sug.

Markaad kalmad kalmad soo qorto aad akhirkana tidhaa waan lulooday. Waliba aad i sheegayso inaaad filin daawanaysay. Dee walaal haddaad filinka iga jeceshay anigu noloshaydaan ka jeclay. Shaqadaydan ka jeclay. Sawa caawa waxaan lajifa jabnin maaaha. Saw kumaan odhan kulayl bay ahayd shaarab ayaan doonanayay. Been baan ku sheegay. Ma taqaana sababta aan u idhi sharaab ayan doonanayay. Nacas nimada i haysa ayaan diiday inaan ku sheego. Runtu waxay tahay. Adiga i jabiyay wallaahi. Wase i doqonimo aan ka gubanayo. Habeenadano dhan anoo layaaban hadalkan aad moodo inaad iga iibinayso ayaa anigo kaxun waliba aad shalay duhurkii tidhi waaan baxayaa waa inoo fiidka ayaa sidii anoo ku sugaya xitaa intaad maqnayd inbox kaaga lasii sheekaysanaya intaaso qoraal isaga sii diraya ayaad anigo arkaya furtay ood eegtay qoraalkaygii Ilayn qoraalka marka la eego wata lagu sheegaye. waan u qadanwayay adoo sidaa u sugaya ugana warwaraya intood eegto iska baxdo ayad gor danbe ila hadashay. Ano arkaya inay tahay arrin aan ii qalmin in qof ila balamay u warwarayo ma nabad qaba inuu intu arko farimaha ila xiliga u so jeeday iska dhaafo ayaa haddana waxba ka odhan wayay ilayn ada wax jecelo dan leh. Nasiib wanaag si kaduwan sidii hore dhawrkii daqiiqo mar jawaaabta yare gaaban aad u soo diri jirtay si ka duwan yara nool ayaad ila hadashay. Ano ku faraxsan ayaa wayay connectionkii markaasu dhahay lacag ku shubo. Kadib intoo deggdeg u booday ayaan idhi ku garaac tukaan hortayada kuyaaal. Kaabadan kadhacay waliba sidan u dhacay haddi gacan qudha aan ka jabay waa ilaahay mahadii. Maxaa xiliga i eryay ee igu kalifay inaan nin seexday ku garaaco ma hooyadayaba sakaaarad ahayd. Saw adiga may ahayn cidaan xiiasaynayay. Markaan qadadka ku istagay een dhulka gaadhay ayaaan arkay dayaanka igu dhacay. Anoo is arkaya sida xun ee aan wax u noqday ayaa wallaahay ilmo isku kay soo tagtay. Sabab? Ma xanuunka aan dareemay dartii? May. Wallaahay Waxa naftayda ku soo dhacday bal eeg sida wax ku gadheen Cadnaan imikuu kula hadli waayi. Taasa ilinta iga keentay. Waa nacasnimo mug leh.

Niyad jabka iga ka haysta anoo aan wax si kula hayn oo ku soo socda xumana aan kula soo socon kuna jira diyaar garaw ilayn waxaa i hadhaye waan kaba bixi la facebook baryadiise waa baqiga yar hagbade aan rabo in aan ku daro lacagta dhulke. Inta ayaa i gaadhayso ma waxaan ka kasbaday Ninka i hogaminaya aan xagiisa u sii jeed inuu isagoo og sida wadkiisa u hubo online yahay isagana sugayo intuu filin daawado hadalka igu cashuuro markuu u dhamaadayn i yidhi waa luloonaya. Dareemada niyad jabka badan aad i tustay ayaa igu dhaliyay in an ka sir qarsado anigo ilaahay hadduu caawa nafta iga qaado ina dhaho maxaad ku soo jabtay u ogyay in anan salaad ku ordayn aan qof qoraal kula xidhiidhayay ku ordayay is idha ha u sheegin inad isaga dartii uga booday sariirtaada. Ilahayna waa caadali laga yaaba in la arkayay aan waxaan dani igu jirin xiligaa u kacay. Haddaba Cadnaanow . Waxaad tidhi waxaan u baahanay isbedel dhab is bedel waan u baahanay Laakiin uma baahnid viber ama skype aad igula hadashide waxaad u baahantay inaaad iga takhalustid. Dhibka aad ila hadda iga takhalusi kari waydayna waxa weeye wali waxa qalbigaaga igu jira ixtiraam aan arko inuu haatan marayo meel haddii aan si dugsado isku si dhajiyo aan aakhirka arki doono Cadnaan oo kalmado adag igu leh toosna igu sheegaya inaan ka baxo khadka. Taa laakiin ma sugayo. Lagama yaabo in ay heerka gaadho. Anu waan is canaanta. Qaladkan isa saara laakiin Cadnaanow runtu waxay tahay bilaash bad i karhaysa. Bilaash bad u lulonaysa intod filin iga dooratay anuu dhib kuguma hayo. Xaasha. Facebook aniga dartay uguma jirtid haddaad necebtay iyo haddaad jeceshayba. Awalba wad ku jirtay waanad ku jiri doonta. Kaliya waan ku jeclay wanan kuu soo bandhigay safarna waan ugu ban baxay si aan taa uga dhabeeyo haddiise xoogaga waqtiga ka hadhay qorshahayga aad dhibsatay chatting ka yare aan kula yeesho. kaba rayso anigu gabadh maskax leh waliba kala fahmi karaysa waxa jira. Waan dareeamaya inaan kugu farabatay. Imika iyo hatana. waxaan kaaaga baxaya siduu mustaqbalka xidhiidhkeenu noqonayo.
Xidhiidhkeenu wuu jirayaa. Wuu noolnayaa. Cadnaan iyo Caasha waligood ma kala go’ayaan. inta noloshayda ka hadhay raali ka ahaanayaa Cadnaan waxaan ku garanaya qoraalka farahan leh aan kala xulayo erayada aan qorayo iyo salaadi subax eedankeedi socdo aan indhahayga eegayaan iftiinka mobilka yar la ilmaynaya ee haddana aan u hayo niyad aan ku qoro suulka aan keyboardka mobile ka ku qoraya i daalay ee gacan kaloo nasinaysa caawa jirin madaama tii kale jabtay iyana qudheedu Cadnaan intay ku ordaysay jabtay. Waxaso dhan waxay i tusayaan in an waligay ka rali ahaan adoono. Lagama yaabo inaan Cadnaan la Coloobo ama aan naco. Cadho haa. Waa laga yaaba inan mararka qaar u cadhoodo laakiin waan ka raali ahaan doonaa intaan noolay ee isaguna iga raali yahay .waxaan caawa qaatay in an bedelo qorshihii aan is idhi Yurub ku tag. Looma baahna. Halkaygaan iska joogaya. Cidhiidhigan aan is galiyay ayaan ka baxaya. Adigana wan ka saaraya. Arrinkaasi dhalanteed ayuu aha. labadeenu xidhiidh kan ka wanaagsan ina farax galin jiray ayaynu lahaan jirnay. Kiibaynu soo celinayna. Sidan waligay ku danayn jiray si ka wayn ayaan ku danayn doonaa wanaan huba inaan ku tuso insha allah inago cid inaga farxad badani jirin. I cafi ana waan ku cafiyay. wallaahiya Subaxaa kaaga niyad samay inta aan xidhiidhkan dhibta badan kujirnay ma jirto. Waxaynu nahay walaalo. Aniga iyo adig. Waxaynu nahay saxiibo isku dheer. Waa iga niyad bilaa cuqdad ah walaahiya. Waan ku faraxsanay waxaan dareemaya in markii saaka aan is dhiibay aan aqbalay fashilka ku yimi xidhiidhkan qabyada ah an helay xooga degananshiyo ah. Haa. Cadnaan waxaad tahay tiir wayn oo noloshayda kamid ah. Dabcan lix saacadood ka hor waxaan aaminsanaa inaad maalin igu soo dhaweynayso magaalada aad ku nooshay. Laakiin hadda waxaan ka fikirayaa maalintay doontaba ha ahaato malintaad Nairobi timaado sidaan kuu soo dhawayn laha. Waan kaa yaabin doona isha allah. Haddana waad hurdaa ana waa soo jeedaa laakiin go’an muhiim ah ayaan kuso jeeday. Hadda waaga soo baryaya. Waan seexanayaa. Anigo ah walaashaa adna walaalkayga qaaligaa weligaa.
Ladna Rashiid Cabdillaahi
Email: ladnafarax@hotmail.nl ama ladnafarax@hotmail.nl
SI-ARAG © Weedhsan Corporation

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here