Lascaanood(Hubaal) Wararka Naga soo gaadhay Magaalada Lascanood ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in Baabuur Nooca Dagaalka oo Qori saran yahay oo la Socday Kolonyo Ciidamada Qaranka oo mareyey Duleedka Magaalada Kalabeydh ee gobolka Sool uu ku Qalimay halkaasi kuna dhaawacmeen Siddeed Askari oo ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland.
Dhaawac Askartaasi ayaa la sheegay in la Keenay Magaalada Lascaanood iyada oo Cisbitaalka Magaaladaasi lagu daweynayo, halka qaar ka mid ah dhaawaca oo Culus loo soo Gudbiyey dhinca Magaalada Burco.
Wararku waxay intaasi ku daryaan in wax khasaare oo intaasi ka baddan aanu dhicin.
Waaheen media