Sidee Bay Bulshadu U Aragtay Isku-Shaandhayntii Uu Dhawaan Sameeyey Madaxweyne Siilaanyo?

0
31

madaxweyne-axmed-siilaanyo-aftahannewsHargeysa:(Hubaal)-Bulshada ku dhaqan guud ahaan geyiga Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalka, ayaa si weyn u hadal haysa isku-shaandhayntii uu  toddobaadkan sameeyey Madaxweyne Siilaanyo, taas oo kor usii qaaday tiradii golaha xukuumaddiisa, isla-markaana  u muuqatay mid tayadii iyo muunadiiba ka qaadday xukuumadda haatan jirta.

Dadka intooda badan, ayaa aragtiyo isku dhaw ka bixinaya isku-shandhayntaas, waxana ay tilmaamayaan inay ka leexatay marinkii loogu talo galay, isla-markaana ay noqotay mid bulshada dhexdeeda, xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda dhexdeedaba ka dhalisay jaah-wareer siyaasadeed iyo is fahan waa aan xad lahayn.

Kuwa siyaasadda sida weyn u naaqisha, ayaa tilmaamaya in isku-shaandhayntani ahayd mid si weyn loo sugayey, isla-markaana nashqadayn iyo farshaxan-nimo dheeri ah u baahnayd, maadaama lagu jiro wakhti xaasaasi ah oo dalku doorasho u diyaar garoobayo, iyadoo maanka lagu hayo in xubnaha tareenka xukuumadda soo koraya iyo kuwa  laga tuurayoba lagu salaynayo baahida xisbiga oo haatan si weyn ugu nugul in loo diyaariyo doorashooyinka soo socda.

Aragtiyaha sidan aaminsan, ayaa isku-shaandhayntan u arka mid majarihii ay lahayd la baalmariyey, isla-markaana aan sinaba uga tarjumaynin siyaasaddii xisbiga KULMIYE, “isku-shaandhayntan anigu maan fahmin, waxana ka muuqata inaanay la tallaabsanayn siyaasaddii xisbiga iyo tii xukuumaddaba, waxan u malaynayaa inay cid ujeeddo gaar ah leh oo weliba xumaan u dan lihi samaysay” ayuu yidhi Yaasiin Jaamac Faarax oo kamid ah shacabka ku nool magaalada Hargeysa.

Dadka aaraadooda ka dhiibtay isku-shaandhayntan, ayaa sheegaya in gacmo badani ka muuqdaan magacaabista iyo xilka-qaadistan, waxana ay tilmaameen inay meelo badan oo iska soo horjeeda wax ka socdaan, “meesha wax aka muuqata inay gacmo badani ku jireen isku-shaandhayntan, waxana aan ku sheegi karaa maahmaahdii odhan jirtey (haddii ay kariyayaashu bataan cuntadu way xumaataa), markaa waxa dhadhankii iyo damcaddiiba ka qaaday isku-shaandhayntani waa taas oo meelo badan oo hawsha magacaabista iyo xilka-qaadista laga wadaa” ayuu yidhi Siciid Jaamac Muuse oo arrintan ka hadlay.

Waxa jira iyaguna dad kale oo ka eegaya cidda diirrada la saaray ee xukuumadda laga tirtiray, waxana ay xusayaan inaan tareenka laga dejinin dad badan oo aan siyaasadda xisbiga KULMIYE la jaan-qaadi Karin, isla-markaana kuwii la tuhmayey ee doorashooyinka soo socda wax katari lahaa meesha laga nadiifiyey,

“cidda isku-shaandhayntan dejisay may eegin danta xisbiga iyo danta qaranka midna, waxa meesha laga saaray siyaasiyiin xisbiga wax badan usoo kordhin lahaa, waxa la keenay dad aan aragtida iyo siyaasadda xisbiga la jaan-qaadi Karin, ciddaasi dan kama laha guusha iyo guuldarrada xisbiga, waxana ay eegtay wax aan danta xisbigu ku jirin” sidaana waxa yidhi Maxamed Faarax Saleebaan oo arrintan aragtidiisa ka dhiibtay.

Iyada oo maanka lagu hayo muddada kooban ee xukuumadda u hadhay iyo doorashooyinka dalku geli doono, ayaa  marka reeraha  la eegayo waxa meesha laga tirtiray  siyaasi kasta oo metelayey reeraha la saadaalinayo inay xisbiga KULMIYE cod siin doonaan, waxana lagu beddelay kuwo aan laga filaynin inay xisbiga cod siinaan doonaan, waxana taasi keentay inuu soo baxo shaki badan oo la xidhiidha khasaaraha ay isku-shaandhayntani u geysan karto xisbiga KULMIYE.

Marka la isku soo wada duubo isku-shaandhayntan, ayaa waxa ay shacabku u arkaan aan lahayn miisaankii laga filayey, isla-markaana aan soo kordhinayey sedkii la doonayey inay xisbiga KULMIYE siiso, iyada oo xataa la iska indho tiray qancinta deegaanadii cabanayey oo wax muhiimad ah oo weyn lagu siinin, waxana ay abuurtay jawi ay shaki badan sii qaadaan dadkii quudhsanayey xilalka ay markii hore xukuumadda ka hayeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here