Sidee Caasimada Somaliland Uga Dhigi Karnaa Ta Ugu Wadooyin & Nadaafad Wanaagsan Sida Dhiggeeda Rwanda Oo Kale?

0
20

Dalka Rwanda waxa uu ka mid yahay wadamada Bariga Afrika, waxaa uu xuduud la leeyahay dhinaca galbeed wadanka Jamhuurida Dumuqraadiga ee Congo, Democratic Republic of Congo{DRC}, dhinaca bariga waxaa  uu xuduud la leeyahay wadanka Tanzania, dhinaca waqooyina waxaa uu xuduud la leeyahay Dalka Uganda iyo dhinaca koonfureed oo uu xuduud la leeyahay wadanka Burundi.

Dadka dalkaas ku nool waxaa lagu qiyaasaa 11.61 million, iyada 52% ay yihiin haween sida lagu sheegay war bixintii ugu danbaysey ee uu soo bandhigay baanka aduunka {World Bank Data}, kor u kaca dhaqaale iyo is bedello xoog leh oo dalkaas ka hirgalay ayaa sabab u noqday taageerada buuxda ee ay siiso hay’ada lacagta aduunka, International Monetary Fund {IMF} iyo baanka aduunka.

1994-kii waxaa dalkaas ka dhacay xasuuqii ugu xumaa ee aduunka dhaca taariikhada inta la ogyahay, kaas loo geystey qoomiyada Tutsiga, iyada oo halkaas lagu xasuuqay dad ka badan 800,000 oo Kun muddo kooban gudeheed.

Ilaa 1994-kii dalkaas waxaa uu haystey nabadgelyo buuxda iyo horuumar dhaqaale, haweenka  ayaa ugu badan aqal baarlamaanka, xasuuqii ka dib dalkaas waxaa hoggaaminayey madaxweyne Paul Kagame, oo lagu tilmaamo hoggaamiyaha afrika ugu wanaagsan, kaasoo dalkiisa gaadhsiiyey horuumar kana xoreeyey dalkiisa gaajo iyo maamul xumo.

1994-kii ilaa 2000 Ki game, waxaa uu ahaa madaxweyne ku-xigeen iyo wasiirka difaacaha 2000 ayuu noqday madaxweynaha dalka Rwanda.

Waxaa la tilmaama horuumarka dalka Rwanda in ay hirgeliyeen sideed wasiir oo laba haween yihiin iyo madaxweyne Paul Kigame.

Mar saddexaad ayay madaxweynaha dalkaas bulshadiisu ka codsadeen in uu sii hoggaamiyo, isaga oo waqtig xileedkiisu ku ekaa sanadkii 2017, balse dalka isaga ayaa sii hoggaamin doona muddo xileed kale.

Sanadkii 2006 ayuu madaxweyna dala Rwanda Paul Kigame, la kulmay madaxweynihii Somaliland, ee waqtigaas Daahir Rayaale Kaahin, oo booqasho aqoonsi raadis ah ku marayey wadamada bariga Afrika.

Dhaqaalaha Rwanda

Dhaqaalaha dalka Rwanda, waa mid maalinba maalinta ka danbaysa kor u sii kacaya, dhaqaalaha dalka Rwanda, waxyaabaha kor u qaaday waxaa ka mid ah maamul wanaag, isla xisaabtan, musuqmaasuqa oo la xadidey iyo qaabka casriga ah ee loo uruuriyoi cashuurta dalka Rwanda.

Dowlada Rwanda, waxay samaysay qorshayaal dhaqaale oo ku dhisan aragtida mudada fog {long vision}, iyo istaraatiijiyado ku dhisan wax soosaarka beeraha dalkaas, waxay samaysay dowlada Rwanda, barnaamij loogu yeedho horuumarinta dhaqalaaha iyo tirtirida gaajada, {Economic Development and Poverty Reduction Strategy} EDPRS.

Dadka dalka Rwanda, qiyaas ahaan 9% ayaa ku nool nolol hoose inta kale waxay gaadheen nolol isku filaanshiiyo ah, waxayna ka gudbeen dhaqaale yaraan iyo saboolnimo waxayna ku nool yihiin nolol la isku halayn karo.

 Nadaafada Caasimada Kigali

Caasimada Rwanda ee Kigali, waxaa ku nolol dadka badan 1millon oo qof, Mayor, ka Kigali, waa Mrs. Monique Mukaluriza, waana caasimada kugu nadaafada fiican caasimadaha Afrika marka la barbar dhigo, sidoo kale waa caasimad hesha biyo nadiif ah oo ku filan iyo wadooyin aad u fiican, waxayna samaysteen shirkado qaabilsan naafada, taasoo maamusha, ururisa qashinka shirkadan oo lagu magcaabo {Kigali Sanitation Waste Management Company}.

Dowlada hoose caasimada dalka Kigali, waxay samaysay siyaasad cad oo loogu talo galay nadaafada, wadooyinka iyo biyaha, iyada oo dowlada hoose hirgelisay barnaamijka ay isku kaashanayaan shirkado waaweyn, kuwaasoo ay siisay dowlada  hoose qandaraasyo ku saabsan bilicda caasimada iyo horuumarinta wadooyinka.

Barnaamijkaas oo lagu guulasystey ayaa ah in shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo dowlada hoose iskaashadaan, iyaga oo samaystay nidaamka loo yaqaano, Public Private Partnership {PPP}, taas ayaa ah siyaasada lagu horuumariyey wadooyinka iyo naafada caasimada Kigali.

Taasoo ka dhigtay caasimada ugu naafada fiican qaarada Afrika, sidoo kale dowladu waxay samaysay mashruuc balaadhan oo ah qashin ururinta iyo biyo ballaadhinta dalka oo dhan, kaas oo lagu yeedho Water and Sanitation Corporation {WASAC}, mashruucaas oo ay ku kacday lacag lagu qiyaasay $75 million oo doolar, waana mid ka mid ah mashraariicda lagu guulaystey ee dalkaa ka hirgalay.

 

Sidee Hargeisa Uga Dhigi Karnaa Ta Ugu Wadooyin iyo Nadaafad Wanaagsan Sida Caasimada Rwanda Ee Kigali Oo Kale?

 

Waxaa muhiim ah in Dowlada hoose ee Caasimada somaliland, ay ku tayato qaabka lagu hormariyo caasimadaha, iyada oo kaga dayanaysa wadamada dhisay caasimadohooda, sida caasimada Wadanka Rwanda ee Kigali oo kale.

Sidoo kale waxaa la gudboon Dowlada hoose ee Hargeisa, in ay la timaado qorshe cad oo lagu dhisayo wadooyin tayo leh oo wata meelihii biyo mareenada si aanay markiiba biyaha roob u burburin wadooyinkii la dhisay iyo in ay dowlada hoose, ay hirgeliso suuqyo cusub si culayska looga qaado dawooyinka ay dadku xidheen eek u ganacsadaan.

Dowlada hoose, waxaa la gudboon in ay samayso nidaam lagu ururinayo qashinka magaalada, iyada oo u xil saaraysa shirkado gaar ah, si ay looga boxo qashinka aan ilaa hada xalka loo helin, kaasoo ka mid ah dhibaatooyinka haysta caasimada Hargeisa.

Waxaa kale oo muhiim ah in dowladda hoose au dhamaan guryaha, meheradaha iyo dhismayaasha waaweyn ku amartaa in aan hortooda lagu arag wax qashin ah iyo dhismo sharci darro ah toona, waana in ay ku amartaa in ay horteeda ka dhigaan marmar si ay u soo baxdo bilicda magaalada.

Dowlada hoose waa in ay shirkada laydhka iyo kuwa isgaadhsiinta ku amartaa in ay xadhkaha mariyaan dhulka hoostooda si looga badbaado khatarta laydhka iyo foolxumada ay magaalada ku hayaan.

W/Q: Cabdilaahi Axmed Caarshe

Hargeisa, Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here