Sidee Fantasiyaha 18-ka MAY Looga Foolladeeyey Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland?

0
30

Hargeysa(Hubaal)-Munaasibadda 24-guurada kasoo wareegtay Maalintii Somaliland madax-bannaanideeda kala soo noqotay Midowgii Soomaaliyeed, ayaa Maalintii shalay si weyn looga xusay Gobollada iyo Degmooyinka kala duwan ee Dalka. Munaasibad si heer sare ah loo abaabulay ayaa aroornimadii hore ee shalay ka Bilaabay Somaliland, waxana shacabku ay gebi ahaanba kusoo lebisteen Calanka Astaabta u ah Somaliland, waxana shacabku muujiyeen shucuur, jeellanaan iyo xamaasad heersare ah oo ay kusoo dhaweynayaan maalintan ku xarqan quluubtooda, iyadoo masuuliyiinta kala duwan ee qarankuna shacabka kala qaybqaateen dabaaldegga maalintaas. Inkastoo sanadkan ay munaasibaddani kusoo beegantay xilli khilaaf siyaasadeed waddanka ka jiro, haddana taas laga dhex arkin shacabka, waxana ay munaasibadda u xuseen si midaysan oo waddaniyad leh, iyagoo waliba gaadhsiiyey heer aanay gaadhin munaasibadihii iyada ka horreeyey.

18 mayWaxyaabaha ay munaasibaddani kaga duwanayd kuwii ka horreeyey, ayaa waxa laga xusi karaa in gebi ahaanba xuskan lagu qabto Goobo dalka ka mid ah oo aan hore looga xusi Karin, sida Deegaano badan oo Bariga Gobolka sanaag kamid ah, iyadoo sanadkanna si laxaad leh looga xusay Magaalada Laasacaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Sidoo kale waxyaabaha sanadkan la dareemayey, ayaa waxa kamid ahaa in ammaanka si weyn loo adkeeyey, iyadoo ciidamo tiro badani gaaf wareegayeen Waddooyinka Halbawlaha ah, gaar ahaan Gudaha Magaalada Hargeysa. Khudbadda uu sanadkan Madaxweyne Siilaanyo shacabkiisa ujeediyey,a yaa ka duwanayd kuwii uu sanihii hore, waxana uu diirrada ku saaray arrimaha Doorashooyinka baaqsaday ee Muranka keenay, isagoo ka sheekeeyey marxalado qallafsanaa oo uu usoo adkaystay, kuwaas oo ka adkaa kuwa maanta mucaaradka joogaa ku jiraa. Ugu horrayn aynu ku bilowno Caasimadda Hargeysa iyo sidii xusku uga dhacay. Waxa munaasibadda badankeedu bilaabantay Goor aanu waagu si fiican u beryin, waxana shacabka intiisa badani waddooyinka Ciidamada iyo gaardiskaba laga samaynayo intooda badani buuxsameen xilli aan dadka intiisa badani soo toosin, iyadoo ciidamad ammaankuna si weyn xil iskaga saareen sugidda ammaanka iyo kala hagidda shacabka jibbaysan ee aragtida ciidamadiisa u hammuunta qaba. Abaabulka musaabidda Hargeysa, ayaa mid si weyn u shidan, waxana madaxweynaha iyo marti-sharafka kale loo qoondeeyey barxadda madaxtooyada horteeda, halkaas oo ay kaga qaybqaateen munaasibadaas qaaliga ah, isla-markaana uu madaxweynuhu ka jeediyey khudbadiisa uu shacabka ugu talo galay. Ciidamo loo soo xidhay dirays cusub oo casri ah, qalabkoodana si weyn looga soo shaqeeyey oo ka kala tirsanaa Qaybaha kala duwan ee Ciidanka, sida Qaranka, Asluubta, Booliska, Xeebaha iyo Laanta socdaalka, ayaa halkaas ku sameeyey gaardis shacabka iyo masuuliyiintaba soo jiitay, iyagoo muujiyey heerk xirfaddooda tababar halka ay gaadhsiisan, waxana salaan ka qaatay madaxweyne Siilaanyo. Shacabka ayaa intoodii fursadda u heshay ku nuursaday haybadda iyo quruxda ciidanka, iyagoo ku tiraabayey erayo ay dhiirrigelin uga dan lahaayeen oo ay dhegaha ciidanka ugu talogaleen. Sidoo kale wasaaradaha kala duwan ee Dalka qaarkood, ayaa halkaas soo maray, iyagoo qaarkood muujiyey wax soo saarkooda iyo shaqada ay qaranka u hayaan, isla-markaana siyaabo kala duwan ugu lebistay calanka Somaliland. Sidoo kale ganacsato kala duwan oo dalka ah, ayaa wax soo saarkooda soo bandhigtay, iyadoo shacabka qaybihiisa kala duwanina iyo si tartiib tartiib ah halkaas usoo mareen. Waxyaabaha kale ee indhaha masuuliyiinta iyo kuwa shacabkaba sida weyn usoo jiitay, ayaa waxa kamid ahaa dhallinyaro astaanka calanka jidhkooda kusoo midabaysay, kuwaas oo bulshadu si weyn indhaha ugu daalisay, isla-markaana intooda badani uqireen heerka waddaniyaddu ka gaadhay. Madaxweyne Siilaanyo ayaa shacabka khudbad dheer u jeediyey, waxana uu khudbadiisa diirrada ku saaray baahida loo qabo in Samir iyo dulqaad laisku yeesho, isla-markaana danta guud laga taliyo ee midda gaarka h la iska ilaaliyo.18may

Burco:Munaasibadda Magaalada Burco lagu qabtay waxa inteeda badan isku laba rogayey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, kaasoo reer Burco u jeediyey Khudbad shucuurtooda lushay, waxana uu kula dardaarmay wada jirkooda ilaashadaan, isla-markaana tafaraaruqa iska dhaafaan.

Berbera:Magaalo-xeebeedda Berbera, waxa lagu qabtay munaasibad si weyn u abaabulan, waxana shacabkeedu muujiyeen isku duubni iyo midnimo, iyadoo inta badan masuuliyiintii halkaas halallada ka jeedisay ay ay hadalkooda Bud-dhig uga dhigeen inay wada-jirkooda ilaashadaan. Masuuliyiin Mucaarid iyo muxaafid iskugu jira oo shacabka la Hadlay, ayaa dhammaantood isku raacay in si wada jir ah looga feejignaado wixii wada-jirka Bulshada wiiqaya.

Borama:Magaalada Borama ee Caasimadda Gobolka Awdal, waxa lagu qabtay munaasibad ay muxaafid iyo mucaaridba iskugu jira, kuwaas oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxan Masuuliyiintii Munaasibaddaas maamulayey oo ugu Guddoomye Raxaax ugu tunweynaa siyaasiyiintii halkaas joogtay ku wargeliyeen in Hadalkoosa ay diiradda ku saaraan arrimaha qaranka, isla-markaana ay meesha ka saaraan wixii dhaliil ama xafiiltan ah. Arrintaas waa loo hoggaansamay si fiicanna way u shaqaysay, marka laga reebo Guddoomiye Cirro oo isagu kelmad uu muddo-kordhinta ku durayo halkaas ka tuuray, waxana Hadalkaas mashxarad kusoo dhaweeyey shacabkii ku sugnaa Goobta Khayriyada Magaalada Borama. Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland mudane Saylici oo isaguna Halkaas hadal kooban kasoo jeediyey, ayaa si gaar ah ula dardaarmay Shacabka Reer Awdal, waxana uu usoo jeediyey inay nabadgeyad adkeeyaan, kana dheeraadaan wax kasta xasilooni darro abuuri kara. Mudane Saylici waxa uu Reer Borama Faray inaanay taariikh cusub oo colaado ah Somaliland u horseedin, maadaama ay caan ku yihiin nabadda iyo Kobcinta Aqoonta iyo maskaxda Dadka.

Laascaanood:Magaalada Laascaanood waxa lagu qabtay Munaasibad qiimo badan, taas oo mucaarid iyo muxaafidba loo dhammaa, waxana doorkooda qaatay dadka shacabka ah oo iyagu muujiyey dareen waddaniyeed oo ay maalintaas ku xoojinayaan.

Geerigaabo:Magaalada Ceerigaabo iyo Gebi ahaan Magaalooyinka kale ee Gobolka Sanaag waxa ka dhacday munaasibo heer sare ah oo maalintan lagu weynaynayey, iyadoo masuuliyiin xukuumadda katirsani ay shacabka ujeediyeen khudbado ay kaga sheekeeyeen qiimaha maalintani leedahay iyo sida shacabka looga Baahan yahay inay heellanaan iyo Samir u muujiyaan. Gebi ahaanba Degmoyinka iyo Tuulooyinka kala duwan ee Dalka waxa si weyn maaintii shalay looga xusay maalintaas, iyadoo shacabku xalay ku seexdeen jawi nabadgelyo oo ay maalintaas ku macasalaameeyeen. Sidoo kale maalintani waxay ka madhnayd yoo-yootanka mucaaridka, iyadoo wada-jirka iyo isku duubnida shacabka ilaalintiisa si weyn loogu dadaalay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here