“Fanka loo tawaawacay, Dhiijee tilmaamani ( DJ), Markuu tumayo heesaha, Tabta aad u boodee Taangada u dheeshiyo (Tango), Taab dhaaniskaagaa….|” – Akhri Midhaha Maanso Casriyaysan Oo Uu Curiyey Cabdillaahi Cismaan Geeljire
Marka aad dibada joogto sida Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, waxaad arkaysaa wixii aynu gabdhaha ku amaani jirtney oo wax xun loo yaqaano. Waxaa ka mid ah quruxda gabdhaha waa iney aad u dhuubnaataa inagana waa iney hilib cudoon lahaataa, timaha dheer subax kasta lama maydhi karo wakhti looma hayo hagaajintooda, kawa gaaban baa fiican, deganida talaabada wahsi baa loo yaqaan, xaadda gacmaha iyo kubabku waa ceeb. Dayaxa shan iyo toban joogaa waa habeen xun oo qori is mariska bahalka noqdaa soo baxa, roobku waa karaahiyo, oo waxa hal hays ah, ?Gabadhan ayaan ku dhaafayaa ayaamaha roobka? Halka aynu ka nidhaahno ayaamaha jiilaalkaan ku dhaafayaa, Gu? haddaad maqashana waa xili xasaasiyad iyo sanboor dadku wada qabo oo la neceb yahay, beerleyda mooyaane, halka uu innaga ka yahay xilliga nolosha iyo cusbooneysiinta dhulka. Sida jidhka gabdhuhu u qurxiyaan waa si cusub oo qalab badan la iska lulo dhegaha iyo sanka ama khadaab iyo khadka la isku sawirayo, ciyaartu waa nooc cusub. Cirka bilaa daruurta ah ayaa fiican ,Markaa su?aashu waa , sidee loo amaanaa gabadh waxaad qurux u taqaan foolxumo u taqaan, waxaad fool xumo u taqaanana qurux u taqaanna?
Tooxyarida dhuubnaan
Dhexdaad taako moodiyo
Tagoogaha ku miiqani
Taws caashaq igu ride
Timahaaga gaabane
Inba dhinac tilmaantee
Taalooga loo jaray
Wadnahay I taabtaan
Waxaan kugu tilmaamaa
Torontoo ah jiilaal
Uu barafku tuulmoo
Dadku tegey garoomada
Tabaaganin ku dheeleen.
Tabta aad u socotee
Tuluxda isu yeeshiyo
Dheerayn talaabada
Tog tog taadu wacanaa
Tobankaa wasaaqee
Dhegahaaga taxan iyo
Taa tuuga kugu yaal (Tattoo)
Hablaa tahan ku dhaaftee
Fanka loo tawaawacay
Dhiijee tilmaamani ( DJ)
Markuu tumayo heesaha
Tabta aad u boodee
Taangada u dheeshiyo (Tango)
Taab dhaaniskaagaa
Taaj lagugu siiyaa
Waxaan kugu tilmaamaa
Torontoo ah jiilaal
Uu barafku tuulmoo
Dadku tegey garoomada
Tabaaganin ku dheeleen.