Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Qaddiyada Sarkaalkii Jabhadda ONLF Ka Tirsanaa Ee Qalbi-dhagax Oo Uu Sheegay In Dalka Ku Casuumayo
Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku casuumayo Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka mid ah Jabhadda ONLF, kaasi oo dhawaan laga soo daayey Xabsi ku yaalla Dalka Itoobiya.
Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inuu soo celin doonno xidhiidhkii walaaltinimo ee u dhexeeyey Soomaalidda itoobiya iyo Somaliland.
Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu soo celinaynaa xidhiidhkii iyo biriijkii ka dhexeeyey Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland, waxaanu jecelnahay in aanu halkan ku casuuno Qalbi-dhagax oo Madaxda Muqdisho u dhiibeen cadowga (Itoobiya), waxaan caado u ahaan jirin Soomaalida in aan cadow la isku dhiibo, sidii aanu Bilo Rifle u casuunay baanu u casuumaynaa, soonaha shanaad waxa lagu difaaci karaa Soomaalinimo ee qabiil laguma difaaci karo.”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale, waxa uu Guddoomiyuhu soo dhoweeyey nabadeynta ka socota degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag, waxaanu sheegay in labaddii beeleed ee dirirtu dhex martay si fiican ula shaqaynayaan ergooyinka joogo deegaankaasi. Guddoomiyuhu wuxuu sidaa ku sheegay Shir-jaraa’id oo uu Shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo noqday degmada Ceel Af-weyn oo uu ugu maqnaa nabadaynta laga dhex wado Labada beelood ee Walaalaha ah. Cabdikariin Qalbi-dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Jabhadda dagaalka kula jirta Itoobiya ee ONLF, ayaa lagu xidhay Dalka Itoobiya, ka dib markii Ciidammada Soomaaliya ka qabteen Magaalada Muqdisho isla-markaana u dhiibeen Itoobiya, laakiin waxa halkaasi ka soo daayey Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya, ka dib markii uu liiska argagixisada ka saaray Jabhadda ONLF oo uu ninkani ka mid yahay. Mr. Qalbi-dhagax ayaa soo deyntiisa ka dib, hadal uu ka jeediyey Magaalada Nairobi wuxuu ku amaanay Somaliland oo uu sheegay inay ka hirgashay Nabadgalyo iyo doorashooyin ku dhaca Hanaan dimuqraadi ah.