SIDII SONKORTII MAYDHANTAY OO KALE AYAA WAX QABADKII XUKUUMADDA KULMIYE NOQOTAY .

0
25

Waxa jirey gaadhi lawada yaqaaney oo la odhan jirey (DIBIILE) wuxuu u kala shaqayn jirey dekedda iyo bakhaarada magaalada oo alaabta u kala qaadi jurey .

888

Nin ganacsato ah ayaa gaadhigii kooxdii wadatey ku yidhi : SONKORTAA dekedda iiga rar oo BAKHAARKEYGII iigeeya oo iigu roga , dekedda iyo bakhaarkuna wax badan isuma jiraan , maalintii malaa 50 jeer baa leysaga guushi karaa .

Gaadhigii oo raran ayaa goor SUBAXNIMO ah dekeddii ka soo baxay .

ROOB ayaa bilaabmay markey dekedda isyidhaahdeenba ka dhaqaaqa , gaadhiguna wuxuu sidaa SONKON .

SONKORTII gaadhiga saarnayd way qoyday , waanay maydhantay .

Gaadhigii iyo KOOXDII wadateyba bakhaarkii waxay gaadheen iyaga oo fara madhan oo aan gaadhiga waxba saarnay , jawaanno madhan moojee .

Safarkoodii iyo xamuulkoodii dhamaa waxa uu ku dhamaadey fara madhnaan , wixii ay xalay oo dhan rarayeenna cidla ayey ku dhamaadeen , shaqadii loo dhiibteyna khasaare ayay ka keeneen , AMAANADII lagaga tegeyna hadalkeeda daa .

Waxay soo hooyeen tacab khasaar- AMAANO darro- khasaare – iyo WAKHTI LUMIS FARA BADAN .

Waxaas oo musibo ahna waxa keenay00 sababay KOOXDII wadatey gaadhiga oo garan waydey , waxa gaadhiga ku rarani ee laydiin dhiibtey waa SONKOR ee , ROOBKA SHIRAAQ KA SAARA , CAQLIGOODII may isticmaalin , manay FEKERIN .

Caqliga xukuumadda kulmiye waxa uu noqdey , sida kooxdaa gaadhiga wadatey ee sonkorta kusoo rartey , ee SONKORTII roobku helay, ee MAYDHANTAY .

Bal xukuumaddan la doortey ee shaqadeedii oo dhami noqotey , hebel meeshaa ka qaad , hebelna laaluush oo arinkaa codkaaga nasii si uu noogu meel maro .

Bal xukuumaddan hawsheedii iyo horumarkii laga sugaayey uu noqday ASQO iyo hebel dabagal MEE yay xisbigii kulmiye ee shacabku doortey , ee horumarka iyo rajada ku balan qaadey , haddii shacabku doorto , oo uu talada dalka qabto .

MEE barnaamijkii wax qabadka ahaa ee xisbiga kulmiye doorashada ku galay.

ArimihiI UU XUKUUMADDII UDUB KU DHALIILAAYEY OO DHAN BUU MAANTA ISAGU BARO DHEERSIIYEY .

Xaggey wax ka khaldan yihiin ?

Xisbiganu ma xisbigiibaa ?

Dadkan hogaaminayaa ma kuwii la doortey baa ?  mee hogaamiyihii xisbiga ?

MAXAA SIYA ?

XAGGAY WAX KA KHALDAN YIHIIN ?

ASQADAN DALKII IYO DADKIIBA LA GELIYEY WAA MAXAY ?  YAA WADA ?

YAYSE DAN U TAHAY ? WAA MAXAY UJEEDADA LOOGA DAN LEEYAHEY ?

MA GARAADKII IYO AQOON  LA AANBAA  ?

XAALKU WAA SIDEE ?

SAWNAGAN DADKEENII KU MASHQUULNAY , HALKII WAX QABAD LAYNAGA SUGAAYEY ?

XAGGEY WAX KA KHALDAN YIHIIN ?

MAXAA SOO SOCDA BERITONA ?

TAN MAANTA TAAGAN MAXAA KU XIGI DOONA ?

MA HEBEL HALA SOO DILAA XIGI DOONTA ? IYO HEBEL HA LAKHAARIJIYO ? DANAHEENII BUU KA HORYIMIYE ?

BAL ADBA ……………………

 

CALI MAXAMED BIIXI     caliwwelli@hotmail.co.uk

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here