Muusaha halkan lagu soo halqabsanayaa waa Muuse Yuusuf Ismaaciil nin la odhan jirey oo noolaa muddo ka badan 200 oo sannadood ka hor. Sida la weriyey yaraan buu ku kaalin-galay oo ku gaashaan-qaaday, ka arriminta iyo talada tolkiisana wax ka go’aaminteeda geedka u fadhiistay.
Waxa uu noqday abbaanduule ku-dhacdiisu badan tahay oo degaankiisa iyo kuwa kale ee la ollogga lehba caan ka noqday . Talada reerka ragga looga dambeeyo ayuu foolaadka iyo hormoodkooda ka mid noqday.
Hiyigiisa waxa galay hanka in saldanada reerka isaga dummaddiisa la saaro. Wuu isa soo sharraxay. Olele ayuu aloosay, jawaab dheerrigelisana wuu helay.
Faraax Khayrre nin la odhan jirey oo ay Muuse Yuusuf isku asaag iyo ayni ahaayeen, ragga taliyana ka mid ahaa oo ay xagga abtirsiinta ilma-adeer isugu toosnaayeen, ayaa ka hor yimid sharraxaaddiisa. Olole uu hanka Muuse ku jebinayo ayuu Faarax faraska u heensaystay.
Waa rag ilma-adeer iyo isu wada adeer ah oo is yaqaanna. Nin kastiba halkiisa roon iyo gol jilicdiisaba waa la masanuunin karayey. Faarax Khayrre oo xulafaysanayey Axmed Yuusuf Ismaaciil oo Muuse walaalkii rumaad ahaa, ayaa wada dhigaya shaxdii iyo shirqoolkii Muuse karkaarka lagu waydaarin lahaa ee laga wareemi lahaa.
Faarax Khayrre oo qudhiisa hunguri kaga jiro isu soo caleemo-saarka jagadaas gadhwadeennimo ee beesha ee faraska Muuse Yuusufna u garmaamaynayo, ayaa go’aansaday inuu guluf siyaasi ah oo Muuse ka dhan ah gondaha dhigo.
Tolweynihii oo ladqabaynaya, ayaa Faarax waydiiyey sababta uu Muuse u caaridsan yahay. Waa nin ka sii tabaabulshaystaye, waxa uu Faarax Khayrre hoosta ka xarriiqay oo tolkii uga tibaax bixiyey in aanu Muuse lahayn dulqaadkii hoggaamiyennimo ee loo baahnaa.
Laye Faaraxow “burhaantaada keen oo caddee Muuse in uu dushii loo baahnaa lahayn”!
Hore ayay taas Faarax Khayrre iyo Axmed Yuusuf isula sii bisleeyeen oo Muuse dushiisa daawaha u saareen. Maalintii Muuse Yuusuf la caleemo-saarayey, ayaa Faarax iyo Axmed diyaariyeen, sida la weriyey, fulintii shirqoolkooda.
Inan yar oo Muuse adeer u ahaa oo qaawan ayaa subag loogu maydhay oo haddana kor iyo kal danbas iyo cammuud jidhkiisa loogu dhoobay!
Ilmihii oo subag iyo cammuudi ka da’ayaan ayay ku sii daayeen masalllihii Muuse lagu boqrayey. “Ku fadhiiso oo weliba ku gelgelimayso” ayay ku adkeeyeen. Isna sidii buu yeelay.
Waa sidii ku tala-galkoodu ahaaye, markii uu Muuse arkay ilmaha yar ee uskaggu ka dareerayo ee masallihiisii isku camcaminaya, ayuu inta uu shaabuuggiisii la soo degey jeedal ku dildillaaciyey!
Goobtii caleemo-saarka oo ilyartu is qabatay, ayaa Faarax Khayrre inta uu ka kacay kaga dhawaaqay maalintaas halqabsigan taariikhda galay “Habar-jecloy Muuse waa qaabaddaas” oo la adeegsado marka oo la doonayo in la tilmaamo dulqaad yaraan iyo fudayd weliba loogu duur-xulayo qof mas’uuliyad ama xil wadar u haya ama u doonyaysan in uu qabto, una loollamaya haddii uu taraaraxo.
Bal adba ka sitee, inta goor ee murtadaas aynu nolosha kufaa-kaceeda u adeegsan karno?!
Waxa Soo Tabiyey: Maxamed Baashe X. Xasan