Isku shaandhayntii ugu yaabka badnayd oo salaadii subax wax yar ka hor madaxtooyadu shaacisay oo fajiciso ku noqotay shacbi weynaha Somaliland.
Umadu waxa aay la yaabtay saacada wax la shaaciyey hadana waxeey kasii yaabeen sida wasiirada la isu waydariyey oo run ahaantii wax lagu qoslo noqotey.
Waxaa maanta aad loo hadal hayey suuqa ayaa noqtey isku shaandhayntan aan haba yaraatee wax isbedel ahi kaba muuqan hadana saacadaha qolooca warsaxaafadeed madaxtooyada uga soo baxdey een lahayn wax saamayn ah hadana madaxtooyadu ku hurdo seegtay.
Maamul xumida xukumadan ee caamka ah ee xataa ilmaha sabiga ahi ka war qabo ayaa waxa ugu fajaca badani tahay wakhtiga xun ee isku shaandhaynta aay shaaciyaan oo aaney umadu garan waxa kalifey in saacadaha umadu hurudo ku kalifey oo aan ka wadi waayay markaan dhan walba ka rogey in malaha cilmi falagu wakhtigaas u qoondeeyey.
Markii aan arkey wasiirada iyo agaasimayaasha la is weeydariyey ayaa waxaan u bogey in madaxweeyne siilaanyo hada uun asiibay wasaaradii ku habooneyd iimaam Samaale oo run ahaantii ah booskii ugu dhawaa ee iimaamka ” criteria ” hiisa ah. Dhanka kale lakiin siyaasad ahaan amaba hanashadii umada wax kasbasho ah uma yeelan oo bartaa waxaa ka muuqda in madaxweeynaha ku xeeranyiin lataliyayaal aan lahayn fikir fayo qaba.
Hase yeeshee dhabacsanaanta umadu u sahashay talaabo xumida aan saamayn ku yeelan hogaan xumida xukuumadan turunturo badnida qaranka ku wiiqday.
ADEN DEEQ