2010-kii ayay ahayd kolkii xusbigii mucaaridka ahaa ee kulmiye ku guulaystay hanashada maamulka dalkan Somaliland oo si buuxda loogu wareejiyay kursigii madaxweynenimo madaxweynaha haatan talada dalka haya mu. Axmed Maxamed Maxamuud -Siilaanyo-.
Xafladii xil wareejinta ka dib waxa madaxweynuhu bilaabay sidii loo kala xulan lahaa xubnihii soo bandhigay aqoontooda xirfadeed iyo kartidooda gudashada waajibaadka qaranka ee xiligaas loo baahnaa in la dhamaystiro buuxinta boosaska iyo haykal dawladnimo maadaama oo dawladii waqtigaas talinaysa lagaga guulaysta cod ka badan 50% dadkii codeeyay.
Markii nidaamka dawladnimo hirgaly isla jeerkaana la dhameeyay dhismaha dawlada cusub ee uu horkacaayo madaxweyne Siilaanyo ayaa kadib la bilaabay in xilalka lagala wareego masuuliyiintii hore usii hayay xilalkaas ee maamulkoodii ku guul daraystay hanashada shacbigii ay mudadaas kusoo hortaagnaayeen maamul xumo iyo musuqmaasuqa.
Dawlada xusbiga kulmiye ayaa si balaadhan u bilowday dhismayaasha wadooyinka, wasaaradaha, MCH-yada, saldhigyo bilays, xarumo badan oo qaranku u baahna looguna adeegaayay bulshada sida madaarada Berbera, Hargeysa, kastamyada xuduudaha iyo goobo kale oo fara badan.
Dib u furista ururada siyaasiga oo ahayd arin ku dhaceeda iyo badheedhkeedu uu yeeshay madaxweyne siilaanyo, arinkan oo ahaa mid keeni karay khalkhal iyo dhibaato badan hadan baahida shacabka iyo doonista iyo dareenka dadweynaha markii la ogaaday loona saaray gudi madax banana oo kasoo talo bixisa ayaa uu madaxweynuhu tix galiyay rabitaanka bulshadiisa ku maamuustay xilka uu haatan u hayo ee ah madaxweyne nimada.
Qabashadii doorashooyinkii golaha deegaan oo in badan oo dawladii hore xilka haysay soo mudo dhaafay oo ay ku qabsoomtay waqtigii ugu haboonaa ee la gali karay doorasho, si dhex ah ayaa doorashada loo galay umadaana go’aanka lahayd ay ciday doonto ku dooranaysay.
Hadaba dadku waxay u qaybsamaan labo, qaybta koowaad oo indhahoodu aysan arag wax wanaagsan wax xun mooyaane kuwaas oo aan marnaba laga yaabin inay kaaga marag kacaan wixii waxqabad ah ee aad qabatay iyo dedaalka had iyo goor aad hayso, qaybta labaad waa dad wanaagsan arimaha waxay u qiimeeyaan si dhexdhexaadnimo ah iyagoo indhahoodu wanaaga arkaan hadbana tix galiya wixii harumar umada u horseedi kara danahooda gaarka ah ka horaysiiya danta qaranka oo rabitaankoodu ku xidhan yahay rabitaanka bulsho weynta Somaliland dareen midaysana ka leh dhan danta guud.
Axmed naasir
ahmed.naasiir@gmail.com