Masalaha Siyaasadda cusub + Maaweellada Muxaafidka + Isdhego-marinta Madaxweynaha + Mad-madowga Komishanka iyo Masuuliyada Baarlamanka
Hargeysa(Hubaal)-Marka la eego siday marba marka ka dambeysa u sii kulullaanayso Doodda salka ku haysa wel-welka dib u dhaca Doorashada u mudeysan badhtamaha Sanadkan ee Madaxtinimada iyo baarlamaaniga ah, waxa muuqata inay jiraan duruufo khasbaya in yooyootankani bilaabmo, taasoo hadii ay dhacdo sababteeda farsamo ay ka imanayso laba dhinac oo midkood xilligan karahsanayo hadal-qaadka dhawaanshiyaha dhamaadka muddo xilleedka Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.
Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo ay shiddayso xummada ugu kullul ee qabsoomida Doorashadu, ayaa todobaadkan daboolka ka qaaday inaanay ogolaan doonin in Maalin qudha wakhtiga loogu kordhiyo labada hay’addood ee Fulinta iyo Xeer dejinta oo hore loogu heshiiyey in lays-raacin doono Doorashada Madaxweynaha, waxanay taas bedelkeeda ku dhawaaqeen in la dhiso dawlad wadaaga oo Waddanka Doorasho gaadhsiisa, sida ay goobo fagaareyaala ka iclaamiyeen labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaridku.
Labada hogaamiye Xisbi Mucaarid, ayaa ku baaqay in la dedejiyo howlaha farsamo ee ku gedaaman qabsoomida Doorashada, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan dalka looga fuliyo Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha si doorashadu u dhacdo wakhtigeeda. Iyagoo dhanka kalena ku taliyey in qorshe cad laga yeesho is-waafajinta Diwaan-gelinaha medeniga ee socota iyo ta codbixiyeyaasha ee aan wali la cayimin.
“Haddanu nahay asxaabta waxaanu soo saaraynaa baarlamaan, baarlamaankuna waa inay dawlada ilaaliyaan laakiin marka ay dawladii iyo baarlamaankii is raacaan oo ay ku heshiiyaan inay sharciga jabiyaan, wakiilkii la soo doortay ee shanta sano fadhiyi lahaana uu in ka badan fadhiyo oo sharci kasta oo dawladu keento u saxeexo markaa cidna wakiil kama aha ee dawlada ayuu wakiil ka yahay waana waxa maanta dalkeena ka taagan.” Sidaasi waxa goob fagaare ah kaga dhawaaqay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Khud-bad u jeediyay jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jarmalka oo uu kulan la qaatay.
Sidoo kale Guddoomiyah Xisbiga Mucaaridka ee waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo khamiistii la soo dhaafay beyaan ka jeediyay kulan uu Xisbigiisu ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa dib u dhaca doorashada iska-taagay mowqif la mida kan Faysal Cali Waraabe, waxaanu Guddoomiye Cirro sawir ka bixiyey saameynta ay arrinta dib u dhacu ku yeellan karto geedi socodka Dimuquraadiyada iyo degenaanshiyaha waddanka.
Haddaba, iyadoo ay aara’da Xisbiyada Mucaaridku ku soo uruurtay “ma aqbali doono muddo kordhin”, taasoo ay kaga gaashaamanayaan qorshe sida muuqata Xukuumadda iyo Gollaha Guurtidu si tartiib-tartiiba ugu saameelayaan Dib u dhaca Doorasahda, ayaa marka la sarifo jawaabaha ka soo yeedhaya Siyaasiyiinta Muxaafidka oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Kulmiye, xubno wasiirro ah iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, kuna saabsan arrinta doorashada, siiba qodobka Muddo kordhinta, xaalladoodu u eegtahay hal-haysta Soomaaliyeed ee tidhaahda “beerka Jecli Xaydha necbi”. Waxaanay wali adkaysanayaan inaanay dhankooda ka imannayn dib u dhac, taasoo ay dhinaca Hay’addaha Xeer-dejinta iyo Guddida Doorashada isu dhaafinayaan.
Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo shalay Warbaahinta la hadlay, isaguna aragti kale oo hor leh ku furay xiisada ka alloosan Doorashooyinka, waxaanu ka dhawaajiyey inay xisbiyada Mucaaridku soo jeediyaan in Doorashooyinka lagu galo Diwaan-gelin la’aan, hadii ay diidanyihiin inaan wakhti dheeraada lagu darin muddada Doorashada ka hadhay .
Md. Baashe, waxa kale oo uu ka san-qadhiyey hadal si toosa looga dhadhansanayo rabitaanka biyo kama dhibcaanka ah ee xukuumadda iyo xullafadeeda Muxaafidka,waxaanu yidhi “waa in guddida doorashooyinku ay qabtaan doorashada golaha marka guddida doorashooyinku ay ku dhawaaqaan wakhtiga la qabanayo doorashada golaha, waa markaas wakhtiga la galayo doorashada golaha haddii guddida doorashooyinku qaban kari waayaan doorashada waxa la marayaa shuruucda dalka iyo dastuurka.”
“ninkii isagu xoog ku kala diraya golaha wakiilada iyo dawlada oo ciidan wata inqilaab samaynayaa isaga ayey jirtaa laakiin haddii dastuurka somaliladn lagu dhaqmayo gole la kala diri karaa ma jiro, gole xukuumad ah oo la kala diri karaana ma jiraan, xukuumaduna waxay fadhiyeysaa ilaa inta doorasho la qabanayo.”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Dhanka kalena, Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran-cadde oo maalmihii la soo dhaafay si gooni-gooniya warbaahinta ula hadlay, ayaa doco kala duwan ka fad-gutiyey iyagoo ka hadlaya arrintan. Tusaalle ahaan Wasiir Waran-cadde waxa uu eed dusha u saaray Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka oo uu ku dhaliilay inay la fadhiyaan dhaqaalihii lagu qaban lahaa Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha.
Muuse Biixi, ayaa isna Madaxtooyada iyo Xisbigiisa ka fogeeyay damac muddo-kordhineed.
Marka dhinac laysaga leexiyo Jawaabaha ka soo yeedhaya Siyaasiyiinta dhinaca Bidix u jan-jeedha ama Muxaafidka ah ee aan iyagu lahayn jaan-goynta go’aamada Qaran ee arrimahan ku saabsan, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo sida nidaamka dawladdeed u dhisanyahay awood u leh dejinta bii’ad lagaga maarmo yooyootan dhaliya qas iyo qardoofo nabad-gelyo xumo iyo dabcan Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ah hay’adda u xilsaaran hagida howlaha Doorashooyinka, ayaan midkoodna ka hadal arrinta muranku ka taaganyahay labadii bilood ee u dambeeyay.
Dadka lafo-gura arrimaha Siyaasadda iyo ku xeel-dheerayaasha xagga Maamulka, ayaa aaminsan inay Siyaasiyiinta difaaca ugu jira eeddeymaha Mucaaridka, uguna dambeeyay Guddoomiye ku-xigeenka Wakiilladu, ay qar jafayaan, kana botorinayaan kaalintii Madaxweynuhu ku xasilin lahaa xiisada ka aloosmaysa qabyada doorashada.
“Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu Xisbiyada Mucaaridka ku qanciyo xaalad kasta oo jirta. Waxa waajib ka saaranyahay dersida duruufaha ku gedaaman qorsheyaasha Mustaqbalka dhow iyo ka fogba, waxaanay ahayd inuu isagu ka jawaabo shakiga Xisbiyada Mucaaridka si shacbigu u helo dareen dhaba oo ka turjumaya hufnaan Maamul iyo istaraatiijiyad hogaamineed.”sidaas ayey aaminsanyihiin Tacliiqiyeyaasha Siyaasada iyo Maamulku.
Hase-ahaatee, marka diirada la saaro sida uu hada yahay Jawiga waddanku, waxa meesha ka maqan masuuliyadii curin lahayd degenaanshiyaha, isla markaana kala badbaadi lahayd Mucaaridka dalka iyo kooxaha isbar-bar yaacaya ee go’doominaya jar-jarooyinka maamul, kuwasoo aan xataa isku hadaf ka lahayn dib u dhac Doorasho hadii uu yimaado.
Waxaana marka xaaladahaas jira la weedhaamayo Bulshada reer u iftiimiya in loo baahanyahay in faro-gelin lagu sameeyo hogaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, islamarkana la hubiyo howl-gudashadiisa Maamul iyo xaaladihiisa gaarka ahi inay u saamaxayaan inuu dalka ka bad-baadin karo mushkiladaha dabeecigaa ee ay foosha Doorashooyinku leedahay, siiba marka lagu tartamayo Kursiga ugu sareeya Qaranka.
Taasoo hadii aanu Madaxweynuhu marka dabaysheedu soo dhacdo la iman taxadir fara badan, tanaasul , talaabooyin xallineed, iyo inuu si siman u qiimeeyo Musawirrada hortiisa ku soo dhacaya, sida kuwa iminka socda oo kale , waxba aanay ka dhaxayn in Golleyaasha Xeer-dejintu qiimeyn kaddib, hadii xaalkiisu noqdo talax gab xilka loo igmaday gudan Karin, inay ku sameeyaan maamus ka xayuubin Dastuuriya, iyo inay taas cakiskeeda ay hogaamintiisu ku dambeyso xumbo Daad cusko, iyadoo labadaas qodob midkii la door-bidaana kii kale ka miisaan culusyahay.
xigasho:gobanimonews