Hargeysa (Hubaal)-Musharraxa Jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka Hadlay xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu ka digay inay xukuumaddu hoggaanka kusii dhegsanaato xilligan qarka loo saaran yahay dhammaadka Muddo-xileedkeeda. Jamaal Cali Xuseen oo u warramay HCTV, ayaa carrabka ku adkeeyey in haddii ay yihiin axsaabta mucaaridka ah oo ka turjumayaan Dareenka iyo rabitaanka shacaka, isla-markaana qaadayaan tallaabo kasta oo shacabku u heellan yahay, “Annagu haddaanu mucaaridka nahay shacabkaanu metelnaa wixii ay doonayaan ayuun baanu samaynaynaa, Haddii ay na yidhaahdaan waxayagii waa la duudsiyaye na korkaca waa horkacaynaa, dareenka haatan jiraana waa mid aad ku kacsan.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Waxa uu Md Jamaal Xukuumadda Talada Haysa ku dhaliilay inay sharciyaddii baalmartay, isla-markaana Guurti iyo Baarlamaan uu sharcidarro ku sheegay kaashanaysa, waxana uu yidhi,“Dawladdani way ka Bad-badisay, dhibaatada jirtaana Waa sharciyaddii dalka ee Dawladnimo ayaa lagu tuntay, waxaynu maraynaa Guurti bilaa sharci ah, Baarlamaan Bilaa sharci ah iyo Dawlad sharciyadeeddii ay inyari ka hadhsan tahay,” Aqoonyahan Jamaal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa si cad u sheegay in marka la gaadho Dhamaadka Bishan Jully oo muddo-xileedka xukuumaddu ku egtahay aanu Madaxweynuhu sharciyad buuxda u haysan hoggaaminta Dalka, waxana uu walaac ka muujiyey sida xukuumad shaki gelisay heshiiskii dhawaan ay axsaabta la gashay ay doorasho dalka uga samayn karto, “27-Ka Jully Haddii la gaadho siilaanyo cidna kama xigo dalka, waayo qandaraas baa la siiyey oo intaasaa la doortay, Hadii uu ku guuldarraystayna ma aha micnaheedu anigaa Khasab kusii haysanaya. Nimankii Heshiiskii yaraa ee iyaga loogu kordhinayey ee Caalamku ogaa carqaladeeyey ma waxay idinla tahay inay doorasho samaynayaan anigu ma aaminsaniye.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Waxa uu intaas ku daray aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen in mucaaridka maanta jira uu Samirkoodii gabaabsi yahay, isla-markaana ay ka baaraandegi doonaan Tallaabooyinka ay qaadanayaan, waxana uu yidhi, “haddaanu xisbiyada mucaaridka nahay samirkii wuu naga soo dhammaaday mana aragno Dawlad doorasho doonaysa oo sharci ku shaqaynaysa oo xalaal ah, Tallaabadeedana waanu iskaga imanaynaa.”
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN “Siilaanyo Qandaraas Baa La Siiyey, Haddii Uu Ku Guul-daraystana Micnaheedu Maaha Anigaa...