“Siilaanyo Waxaan Afkiisa Ka Hayaa Meesha [Talada] Intaan Sii Joogi Doono Allaa Oge Dhaxal Baan Doonayaa Inaan Uga Tago”

0
34

“Anigu Hargeysa Haddaan Tago Waxan U Tagayaa Danta Umaddayda”-Cali Khaliif.

cali-khaliif-galaydh

Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweynaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa waraysi uu siiyey Telefishanka Universal, ku muujiyey sida uu ugu jeellan yahay inuu ku qanco sidii uu wax ula qabsan lahaa jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo hoosta ka xarriiqay  oo caddeeyey in la iska dhaafi karo midnimadii Soomaaliyeed oo ay waa horeba iilka ku duugeen shacabweynaha reer Somaliland.

Cali Khaliif waxa uu ugu horrayn daaha ka fayday inaanay midnimadii luntay ee hore u dhexmartay Somaliland iyo Somaliya aanay waxyi ay khasab tahay in la fuliyaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Midnimada Soomaalidu waxyi ma ahee waa wax dad ku heshiiyeen oo umadda Soomaalidu ku heshiisay, shacabkuna eed kuma lahee waxa marba meesha wax marayaan leh maamulka jira.”

 Waxa uu shacabka Khaatumo iyo kuwa Somaliland ku dhaqanba usoo jeediyey inay wada-hadallada labada dhinac u bilaabmay taageeraan, isaga oo xusay inuu Hargeysa ku iman doono danta dadka ku nool deegaannada uu ku nool yahay,“Anigu Hargeysa haddaan tago waxan u tagayaa danta umaddayda, Axmed Siilaanyo-na afkiisa waxan ka hayaa meesha intaan sii joogi doono ilaahay baa og laakiin dhaxal baan doonayaa inaan uga tago, shacabka Reer Somaliland iyo kaayaga Khaatumo waxan usoo jeedinayaa inay wada-hadalladaas taageeraan, annaguna haddaanu miyir qabno Yurub baa ay khasab ku noqotay inay isu tagto  oo Jarmal iyo Faransiis oo colaad iyo dagaal ka dhexeeyey ayaa imika isu dawlad ah oo  u socda inay dawlad gaar ah Yurub yeelato” ayuu yidhi Cali Khaliif.

Dhinaca kalena waxa uu Cali Khaliif hogo-tusaaleeyey waxyaabaha ay aaminsan yihiin shacabka ku dhaqan jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay qaddiyadda ugu adag yihiin, waxana uu soo jeediyey inay in baahi loo qabo sidii wax badan loo beddeli lahaa, waxana uu yidhi,“70% dadka Somaliland ku nool da’doodu waa 30-jir iyo wax ka yar, kuwaasina waxa ay ku barbaareen oo ay dugsiyada ku barteen Somaliland waa muqaddas, waa nala xasuuqay, kaadidayadaanu usoo Cabnay iyo ictiraaf baanu adduunyada ka helaynaa, laakiin aynu waaqica usoo noqono oo aragti intaas ka fog in la isla raadiyo weeye, iyaguna wax badan bay tahay inay iska beddelaan”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here