Siilaanyo Wuxu Noqday Madaxweynihii Kowaad Ee Mushahar Ka Qaata Shacabkiisa Oo Sabool Ah

0
35

By .Mowliid Aadan Cumar   Hargeysa 4410898

MAWLIID-DHEEREMadaxweynihii kowaad ee xilka madaxweynenimo ku mushahar qaataa wuxu noqday Md. Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo, isaga oo ah madaxweynihii Afraad ee dalka somaliland ka dib madaxbanaanidii 1991.

Hadaba qormadan oo aan ku faalayn doono Hadii Alle yidhaa dhawr qodob oo ka mid ah aasaaska dawladnimadu ku waarto iyo horumarka adeegyada shacabka somaliland.

Waxaan marka hore dib u jaleecaynaa Afar iyo labaatan sano ka hor marxaladihii taagnaa iyo waxaynu horumar ka gaadhanay Afar iyo labaatan sano kadib, Sidaasi awgeed xaqiiq ahaan qofkasta oo goobjoog u ahaa dhismaha qaranimada somaliland iyo marxaladahay ka soo gudubtay, maraaxilkii ugu adkaa ee dalkani soo maray haday noqoto xaga nabadgalyada iyo midnimada shacabka somaliland iyo ddhismaha nidaamka dawladnimada intaba waxaynu ku soo aasaasnay wadajir iyo iskaashi guud oo aan loo kala hadhin, hadaba marka aynu isbarbar dhig ku samayno,

Marxaladii kowaad ee lagu dhisay xukuumadii u horaysay ee uu madaxweynaha ka ahaa madaxweyne Marxuum C/Raxmaan Axmed Cali .Allah Ha u naxariiste, waxaynu ognahay in madaxweyne C/raxmaan ay ka hortimid marxaladii ugu adkayd ee ay la kulmaan hogaamiyayaashii u kala danbeeyay madaxweynanimada somaliland, Sidaasi awgeed marka la barbardhigo hogaamiyaha wakhtigan ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud iyo wakhtigii marxuum C/raxmaan Axmed Cali AHN Waxaan tusaae kooban ugu iftiiminayaa inta aan waxba ka ogayn sooyaalkii isbedel ee uu soo maray dalkan somaliland waxaan is leeyahay dhalinyarada wadanka usoo kacday ama usoo kortay ee saddex iyo labaatan sano ka hor ahayd dhalaanka yaryar ha ogaadeen in madaxweynihii u horeeyay ee somaliland Marxuum C/Raxmaan Axmed Cali Allah ha u naxariiste uu dalkan jiritaankiisa usoo dhabar adaygay wax kasta oo dhibaato iyo dhaawac kusoo marayba waxaanu u samray dhibaato kasta oo lagala hortagayba inuu maruu xilka ku wareejiyo madaxweyne umadani doorato nasiib wanaag taasina way u rumawday shirweynihii labaad ee beelaha somaliland oo lagu qabtay gobolka Awdal caasimadiisa Borama 1993, Marxuum Madaxweyne C/Raxmaan Axmed Cali Allah ha u naxariiste, Wuxu ku garnaqsaday xilwareejinta madaxweynenimo markii la gaadhay dhamaadkii shirweynihii beelaha somaliland oo wakhtigaas hogaamiye madaxweyne loo doortay Marxuum Maxamed X.Ibraahin Cigaal Allah ha u naxariiste, waxaana ka mid ahayd khudbadiisi Marxuum MadaxweyneC/Raxmaan, waxaan maanta 1993 may 3. ku wareejinayaa xilkii madaxweynenimo ee aad ii doorateen18 may 1991, madaxweynahan aad doorateen ee walaalkay Maxamed Ibraahin Cigaal, Sidaasi awgeed waxa ii sharaf ah wax kastoo mucaaridad iyo dagaal laygala hor yimidba maanta waa ii sharaf inan xilkii dalkan ku wareejiyo laba sano kadib madaxweyne xilka igala wareega waxaana iga dardaaran ah in madaxweynahaas aad doorateen hadaydaan la shaqayn waa Biyo coldhaaanshay madaxbanaanideenu ee shacab iyo guurtiba hala shaqeeyo. Hadaba markaan intaas kaga gudbo hadalkaa kooban ee madaxweyne Marxuum C/Raxmaan Axmed Cali aan ka soo qaatay khudbadiisi xilwareejinta uu ka hor akhriyay dhawr boqol oo guurti iyo baarlaman iyo ergoba isugu jirtay waxaan leeyahay dhalinyarada usoo barbaartay dalkan iyo shacabka somaliland ee usoo dhabar adaygay duruufihii adkaa ee aynu kaga soo gudubnay wadajirka ilaalinta nabadgalyada iyo midnimadeena waxa wali dalkeenan iyo dadkiisaba sugaya sidaynu u noqon lahayn umad ka maaranta Doonyo bariis iyo baasto inoo soo waarida waxana waajib inagu ah dawlad iyo shiciba inaynu ka xorowno saboolnimada waxsoosaarka midhaha sidaasi awgeed;.

WAA INOO QORMOOYINKA DANBE Hadii ALLAH Yidhaa Iyo Khamiista

By: Mowliid Aadan Cumar

Hargeysa 0634410898

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here