Siilanyo:Alla Magane waan Rabay inay kugu Adkaatood Cidna Eersanweydaa!Qore:Tahir Hussein

0
43

SIILAANYO :ALLEH MAGANE WAAN RABEY INAY KUGU ADKAATOOD CIDNA EERSANWEYDAA!
Ugu  horeyn  waxaan salaamayaa  bahda  saxaafada  iyo  guud  ahaanba  akhrsitayaasha sharafta  leh,ka  dib
Somalida  ayaa  tidhaahada  gun  hana  gargaarsan  ,howna  gargaarin  waxaan  u  jeeda  markaasi  shaqsi  iyo  habdhankiisa  oo  haduu  xumaado  ku  sifoobaaya  gunimadaasi  ay  somalidu  hore  u  sheegeen, waxaana  taasi  ka  dhigin  Oday  siilaanyo  oo  siyaasadii  meel  xun  la  mareyso  oo  qaawan.
siilaanyoSiilaanyo  manta  muu  fashilmin  waxa  uu  fashilmey  markii  uu  hantdii  ummadu  laheyd  wasiirada  xaaraan ku  naaxa  ah  ee  , wasiirka  maaliyadu  kow  ka  yahey, xirsi laba  ka  yahey, ka  hawada  iyo  duulistu  sadex  ka  yahey  ,ka  macdantu  afar  ka  yahey  iyo  cabdi aw  daahir  uu  u  fasaxey  in  ay  hantidii  ummada  guro  mareykin  iyo  yurub  ku yaala  ku  gataan  ayuu  waxa  uu  burburiye  sharcigii  iyo  nidaamkii dalka  u  yaaley, horana  waa  loo  sheegey.
Siilaanyo  waxa  uu  fashilmey  markii  uu  beeneeyey  balan  qaadadii  uu  ummada  la  galey  oo  ahaa  ugu  horeyn  in  uu  musuqmaasuqa  la  dagaalamaayo  balse  waxa  uu  abuurey  musuqmaasuqii  u  xumaa  abid  ee  Somaliland  soo  mara?
Waxa  uu  fashilmey  markuu  dadkii  doortey   xirsi  ka  doorbidey, waxa  uu  fashilmey  markii  uu  wasiir  samaale  xaaraan  ku  naax   oon  aqoon  iyo  dadnimotoona  lahey  ka  dhigey  wasiirka  maaliyada ee  uu  isna  lacagtii  ummada  reer  Somaliland  wadad  alleybadey  intii  badneyd  ugu  deeqey  waayo  samaale  waa  jaahil  aan  aqoontiisu  dhaafsiisneyn  tuulada  xaduudka  galbeed  ku  taala  ee  uu   baadiyaheeda  ku  dhashey  ama  uu  ka  yimid, waana  waxyaalaha  lala  yaabo  nin  wasiir  sheeganaya  oo  leh  wadada  reerkayagaa  mara  ee  hala  dhiso, waxase  ka sii  xun  kii  xilka  ku  rarey  aanu  aqoon  iyo  isirtoona  u  laheyn  ee  hadana  soo  taagan,  malaha  waxaan  is  idhaahdaa  wasiirka  samaale  waa kii  wadaadka   sheegan  jirey  ee  Sixirkii  suufiyada  ayuuba  Odaygan  ku  taagtey  ileyn  dadnimo  iyo  aqoon  iyo shacabiyada  kale  oo  uu  wasiir  ku  sii  ahaado  malahan  e,
Hadaba  siilaanyo  hore  ayuu  u  fashilmey  una  ceeboobey, maantana  waxa  uu  ka  dhiganyahey  bal  dayaayey  wadadkii  wa  kaa  sii dabeyshaeyd  waa  lagu  digtaa  ruux  haduu  dabaal  yahey e,  bal  aan  eegno  meesha  uu  Odayagan  asqeysani  ku  danbeeyo,  kaaga  daran  doqoniimadu  dabiib  malahan waxa  uu  shaashada  la  taaganyey  waan  tartamayaa  inta  sharcigu  ii  Ogolyahey  meesha  sharciba  ma  jiro  oo  wuu  ka  wada  talaabsadey  in  uu  sharciga  u  hogaamsamo  oo  waa  kii  diidey  taladii  xisbigii  kulmiye  ee  uu  madaxweynaha  ku  noqday  waana  kii  wasiirada  cawaanta  ah  oo  uu  madaxweyne  ku  xigeenka  Mr  sac sac horboodaayey  ee  dumarka  somaliyeed  ee  sharafta  leh  aflagaadeynaayey  isagoo  hadalo  jaahilnimo  badani  ka  muuqato  hUTEEL  MAANSOOR  KA  LAHAA.
Ugu  danbeyn  shacabka  reer  Somaliland  waa  in  ay  daaquudka  siilaanyo  iyo  rakaabkiisa  u  dhameeyaan  taageeraana  xisbiyada  mucaaridka  ah, hadey  Jamaal  tahey  iyo  hadey  cirro  taheyba.
Dhulka maalin  noo  dhaaf  dhalaankiyo  caruurtii  gidigoodba  dhoohaney  ku  leeyiin.-siilaanyo sahan xume  saqiiratey  ka  sii  soco ,oo  sanno  ha  soo  noqon
Qore:Tahir Hussein/ London /UK
Tahir hussein<waayo_aragman@yahoo.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here