SIIRAANYO iyo ZHEIMAR. Qalinkii: XAMSE SIYAAD AW CABDI UK ENGLAND

0
50

dunida aynu ku noolnahay sidedaba waa dhib, iyo meel imtixan waxan jeclaysta maanta inan wax ka iftiimiyo xalada cafimad ee madaxwayne siiraanyo ee mudoyinkan danbe isa soo taraysa taas oo ah mid aan indhaha laga qarsan karin.

hadaba tan iyo afar sano iyo badh kahor marku xilka qabtay maxadwayne siiraanyo waxa dadku ku xaman jiren inu madaxwaynuhu xanuun sanayo oo aanu wadanka katalin hadaba si aynu u ogano maxa sababay in madaxwayne siiraanyo lagu xanto inanu wadanka katalin, waxa taas jawabteda kugu filan sownaga ogana marka wasir lamagacabayo ama labadalayo.
sirtuna meelkale kama timade dadka madaxtoyada ku xeeran ayuunba soo tabiya arin layaaban noqon mayso hadi cafimadka madaxwayne siiranyo wax laga shego waxi jiray ayuunba lasoo tabiyay.
hadaba aan is waydino wamaxay xanunka haya siiraanyo marka aad ogato xanuunku waxa u yahay waxa kuu cadanaysa inad arki doonto astamo badan oo qofka cadiga ah ee dibada ka joga xayn daabka madaxtoyada uu garankaro in madaxwayne siiranyo xanuunkasi hayo

IMG_4569

HADABA WAA MAXAY (Alzheimer),

waa xanuun aan dawo loo helin ilaa imika, kuna dhaca dadka aay da’a ahaan gadha 65-90 inta u dhaxaysa waxa la helay xanuunkan 1906 waxana logu magac daray Dr. kii ogaday xanunkan (Aloysius
Alzheimer)

dalka maraykanka waxa u asibay dad gadhaya 4,5 million oo qof shaqsiyadka caanka ah ee u kudhacay waxa kamid ah
(RONALD REAGAN, USA) (YASIR ARAFAD, PALESTINE) (HABIB BOURGIBA, TUNISE)
iyo dad kale oo aad u badan waxanu kamid yahay xanunada aadka logu warwarka badan yahay sababto ah dadka wawayn ayuu kudhaca walina wax dawo ah loma helin.
waxay hayada qabilsan xanuunkan ee USA sheegtay inu qarnigan kala badhkisa in dadka u kudhay noqon donan 14 million maraykanka o qudha
xanuunkani waxa u qofka ka halela maskaxda taas oo sanabta inu qofku ilawshiyo bato kaas oo marba marka ka danbaysa soo kordhaya dadka u asibay badankisuna waxabay ku geriyodan marxalada ugu horeysa ee xanuunka
xanuunkani waxa u mara sadex marxaladod

1-marxalada kowad waxa qofka ku badata inu ilawshiyo bato hadi aay noqoto qof u labalamay ama alab u meel dhigay taaso u xasusto wakhti kadib, dharkisa oo u idha anigu malihi. marxaladan dhamad kedana waxa u ku daneya inu kali noqdo oo u iskaga hadlo hadal aan lahayn wax macno ah sido kale aad ayuu u cadho dhawada, dadka guriga kunol oo u qaar kor dafiro

2-waxa lagu arkaa caajis fara badan iyo wahsi iyo inu qofka xanunkan la nool u kawahsado inu xidho shadhka u xidhan yahay badhamadisa
waxa kale lagu arka inay ku adkato ahanka kalmadaha qaar tusale ahaan hadii aad kutidha manabad qabta uu is waydiiyo (Nabad waa maxay)
marxaladan marku kasii baxayo waxa lobahan yahay in qofka lajogo oo u timihi u feedho shadhka u xidho oo u kabaha xasusiyo.

3-waa marxalada ugu xun qofka xanuukan ALZHEIMER lanool, mana qaban karo qofkani dhaman waxi uu qaban jiray qofka cadiga ah hadii aay noqoto suuli tagida iyo inu jidhkisa maydhointasba ma qaban waana qofkas sarirta saran.

hadaba qofka xanuunkan lasoo darso ee aan ahayn qo caadi ah ee xil dawladeed haya sida madaxwayne ama raysal wasare
waxa maamula hawshi loo igmaday dadka ka ag dhow, sida qarabadisa hawgu horayso oridiisu kuwaas oo siday donan ka yeela xukunka dalka, dadkena waxad ka maqlaysa madaxwayne siiraanyo ma mamulo dalka ee waa lagu dul mamula qokasta oo akhriya qoralkan waxa u garan kara stage ka uu jogo siiraanyo iyo halka uu lamarayo xanuukani.
waxa cad in madaxwayne siiranyo inti uu xilka hayay hal mar moye aanu lakulmin jaliyada somaliland ee london waxanad hawgu danbayso tii Ramadanti mesha kudafada ah lasoo fadhisiyay ee dadka yari jogen hana ku xigto tii maxamed haarun su’asha uu waydiyay uu aad uga cadhoday waxi u ku hadlayna la ogaa waxa kale ee marag madoon ah markasta waa lagala meraysta in su’alo toos ah lawaydiyo sidi dhacday malinti dhawayd ee saarkisa uu ka soo laabtay, ama waxa qolyaha u kaba qaadka ah sameyan waxay soo xulan in qof su’al iska dabacsan waydiiya lakeno mesha  arimaha ka dhacaya dalka ee leh dagaal iyo arinta bariga ka taagan ee lagu doortay ali khalif ilayn waliged may dhicin in Somaliland mamul aan ahay laga dul dhiso wali wax war ahna arinkas kamu soo saarin marka laga reebo shaqsiyad kaso jeda gobolada bari oo kursigoda ilashanaya  waxa ee ino cadaynaysa inu madaxwayne siiranyo u xanuun sanayo goorma idinku danbaysay inu tv ga soo fadhisto oo u jediyo khudbad.

isagaynu ogayn inu inoo balan qaday inu 6 dii bilodba mar soo fadhisan dono tv ga hadaba waxan baaq usoo jeedinaya gudomiyaha parlemant ka ABDIRAHMA ciro isaga ayay hawshani khusaysa inu sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabto oo u gudi soo xaqijisa cafimadka madaxwayne ha u saaro lana kulanta Dr kisa khaaska ah ee halkan LONDON dagan, hada ayay qabasho ledahay.

guurtida iyadu warkedu wuu cad yahay oo sax iyo khaladba waa madaxwayne ha garabkisa  dalka adiga mucarid u ah hala badbaadiyo oo halaga kaco fadhiga

XAMSE SIYAAD AW CABDI UK ENGLAND

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here