SIR CULUS:- Gabogabada Dagaalka Xisbiga KULMIYE iyo God-kasoo baxa Wasiir Xirsi
[Dagaalkii ka dhex Socday Xisbiga Kulmiye oo ku soo gabogaboobay Wasiir Xirsi oo Godka kasoo baxay shir-doceedyo uu la qaatay qaybo badan oo bulshada ahna u caddeeyay hunguriga kaga jira inuu musharax ka noqdo xisbiga KULMIYE]
Hargeysa(Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa la sheegay inuu tan iyo intii uu is casilay wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, isla markaana ka baxay gebi ahaan golaha xukuumadda Md. Axmed Siiraanyo, uu ku hawlanaa sidii uu godka uga soo bixi lahaa, isla markaana uu u cadaysan lahaa badheedhihiisa siyaasadeed iyo hungiriga ka haya sidii uu u noqon lahaa musharax madaxweyne oo ka dhex tartama xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE.
In kasta oo aanay jirin fagaarayaal ama saxaafad uu wasiir xirsi ka sheegay ama uu soo mariyay damaciisan musharaxnimo, haddana warar xog-ogaal ah oo uu helay wargeyska Hubaal, oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ee uu muddooyinkii ugu dambeeyay ku hawlanaa Wasiir xirsi kulamo gaar gaar ah, isla markaana uu la qaatay kulamadaas qaybo kala duwan oo ka tirsan beelaha reer somaliland, kulamadaasina ka kala dheceen meelo kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba leh.
Wararkan xog-ogaalka ah ee uu helay Wargeyska Hubaal ayaa tibaaxay in Wasiir Xirsi shir uu dhawaan la yeeshay qaar ka mid ah odayaasha beesha Axmed Faarax(Habar-jeclo), isla markaana kula qaatay magaalada Burco ee Gobolka togdheer, uu ku cadeeyay inuu damaciisa siyaasiga ahi gaadhsiinsan yahay sidii uu musharax Madaxweyne uga dhex noqon lahaa Xisbiga Muxaafidkaa ee Kulmiye, isla markaana ka codsaday in lagu taageero rabitaankiisa siyaasadeed.
Waxa kale, oo wararku intaa ku dareen in wasiir Xirsi la yeeshay kulamo gaar gaar ah, dhalinyaro iyo siyaasiyiin kala duwan oo kasoo kala jeeda galbeedka iyo bariga caasimada Hargeysa, kuwaas oo iyna la soo xaqiijiyay inuu kala hadla
Waxa kale, oo wararku intaa ku dareen in wasiir Xirsi la yeeshay kulamo gaar gaar ah, dhalinyaro iyo siyaasiyiin kala duwan oo kasoo kala jeeda galbeedka iyo bariga caasimada Hargeysa, kuwaas oo iyna la soo xaqiijiyay inuu kala hadla sidii looga taageeri lahaa inuu noqdo musharaxa xisbiga kulmiye u tartamaya mudooyika dhaw ee soo socda.
Sidoo kale, waxa ay wararka aadka u dhuun daloola ee laga helay dhaqdhaqaaqyada wasiir xirsi, in dhawaan markii uu u baxay safarkii dalka Ingriiska uu kula shiray gudida jahliyadaha ingriiska ka dalbaday sidii looga taageeri lahaa tartanka ka dhex socda xisbiga kulmiye, isla markaana loo taageeri lahaa, maadaama uu yahay nin dhalliyar ah oo doonaya inuu musharax ka noqdo xisbiga kulmiye.
Isku soo wada duuboo xogahan iyo wararkan isasoo taraya ee laga helay orodka iyo dhaqdhaqaaqa wasiir xirsi ayaa noqonaya gabogabadii dagaalkii mudada badan socday ee Xisbiga kulmiye iyo god ka soo bixii wasiir Xirsi.