SIR CULUS: Warqad Khaayinul Waddaninimo Ah Oo Guddoomiye Cirro U Diray Dawladda Findland Oo Uu Ku Dalbanayo Dhaqaale + Nidaamka Federaalka Iyo Qorshaha Xisbigiisa

0
69

Guddoomiye Cirro Oo Dawladda Iyo Shacabka Finland ka  Dalbaday Dhaqaale,Isla Markaana Ka Noqoshada Madaxbanaanida Somaliland Kaga Ololaysanayo Dalka Finland

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku kacay arrimo dhabar jab ku noqonaya qaranimada somaliland iyo madaxbanaanideeda ay muddadaas 24-ka sanno shacabka Somaliland tacab iyo tamarba ku bixiyeen,ka dib markii guddoomiye Cirro uu warqad u diray dawladda dalka Finland taas oo guddoomiye Cirro si uu dhaqaale uu doorashada ku galo iyo weliba taageero kale oo dawladda Finland iyo shacabkeeda ah uga helo,isla markaana waxa uu guddoomiye Cirro ku tilmaamay waraqda uu u diray dawladda Finland in Somaliland in badan raadinaysay aqoonsi,adduunkana adag tahay sidii looga dhaadhicin lahaa aqoonsiga Somaliland,sidaa daraadeedna guddoomiye Cirro waxa uu u soo bandhigay dawladda Finland iyo shacabkeeda qorshaha u degan haddii uu doorashada madaxweynenimo ee soo socta ku guulaysto taas oo uu ku sheegay inuu qaadanayo nidaamka federaalka ah oo uu cadaadiska saari doono sidii nidaamka Federaalka ah Somaliland u qaadan lahayd.

Hadaba wargeyska HUBAAL oo gacanta ku soo dhigay nuqulka warqada uu guddoomiye Cirro u diray Finland oo ku qoran luuqada Ingiriisiga,isla markaana aanu u bedelnay Soomaali ayaa u dhignayd sidan:Images-CIRRO12

Marka hore waxa aniga iyo dawladda Finland sharaf iyo guul u ah in muwaaddin haysta dhalashada Finland oo uu xilal muhiim ah ka hayo dalka asal ahaan ka soo jeedo ee Somaliland oo muddo 23 sannadood ah adduunka ka waayey aqoonsi caalami ah, kana hayo xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo si xor dadweynuhu u soo doorteen sannadkii 2005, sidoo kalena aan ahay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo ka mid ah saddexda xisbi qaran ee Somaliland leedahay, iyadoo ay weliba labadaas xil waaweyn ii raacdo in aan ahay murrashax u taagan tartanka doorashada madaxtinimada Somaliland ee u qorshaysan inay qabsoonto badhtamaha sannadka 2015.

Marka xiga waxaan dawladda iyo baarlamanka dalkayga labaad ee Finland uga mahad-celinayaa kaalinta iyo dhiirrigelintii ay marar badan igu siiyeen inaan mansabyo sare oo siyaasadeed ka qabtay waddankayga koowaad ee Somaliland oo dunidu dhegaha ka furaysteen inay aqoonsadaan muddo dheer.

Maamulladii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland way guuldarraysteen inay  dunida ku qanciyaan xaqa dadkayagu u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan, noqdaanna qaran madaxbannaan, iyadoo aanay jirin sababo si fudud loo fahmi karo oo beesha caalamku ku aqoonsadaan Somaliland oo 23 sannadood oo ay Soomaaliya ka madaxbannaanayd ku tallaabsatay horumar aad u ballaadhan oo indhaha adduun-weynaha ka yaabiyey.

Aragti ahaan waxa aniga iyo xisbiga hoggaamiyo diblomaasiyan noo muuqatay in siyaasadda hoggaaminta Somaliland u baahan tahay  jiho cusub oo looga wareego go’doonka ay adduunka kaga jirto muddo rubuc qarni ku dhow, iyagoo dalalka caalamku sabab uga dhigtay in aqoonsiga Somaliland yahay arrin u taal Soomaalida dhexdooda [Soomaaliya iyo Somaliland oo go’aan ka gaadha midnimadooda amma kala-go’dooda].

Haddaba, anigoo ah murrashax u taagan jagada madaxweynimada Somaliland ee doorashada soo socota waxa ii qorshaysan haddii aan doorashada ku guulaysto in aan qaato nidaamka fedaraalka ee adduunku nagu qasbayo, kadibna aannu caalamka ka dalbano afti dadweynaha reer Somaliland ugu codeeyaan inay goonni uga go’aan Soomaaliya inteeda kale inay ka sii mid ahaadaan mustaqbalka, arrintaas oo aan u arko inay fure iyo guul taariikhi ah u noqon doonto horumar iyo badhaadhe ay gaadhaan bulshada Somaliland ee go’doonka ku jiray muddo ku siman 24 sannadood.

Sidaa darteed, waxa aan dawladda iyo baarlamanka dalkayga labaad ee Finland marti uga ahay inay taageero dhaqaale iyo mid farsamaba igu siiyaan sidii aan ugu guulaysan lahaa doorashada madaxtinimada ee Somaliland ka dhacaysa sannadka soo socda, si aan dadkayga iyo dalkaygaba ugu jeexo jid cusub oo ay caalamka wax kula qaybsadaan, iyadoo aan rumaysnahay in taageeradaasi dawladda iyo shacabka Finland u noqon doonta tallaabo taariikhi ah oo wax weyn ka beddeli doona dhibaatooyinka, colaadaha iyo dawlad la’aanta daba dheeraatay ee dalka Soomaaliya ka jirta 23-kii sannadood ee la soo dhaafay,  caalamkuna ku jaha wareeray dejintiisa.

Dawladda iyo shacabka reer Finland waxaan u rajaynayaa guul iyo barwaaqo.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada SomalilandWarqadda Cirro

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here