Sir Ka Fakatay Diblumaasi Ka Tirsan Dawladda Soomaaliya Oo Fashiliyay Ajendaha Ay Xukuumaddiisu La Tegayso Wada-hadallada Somaliland Iyo Xamar

0
25

Gudaha Ka akhri: Wargeyska The East African Oo Dibeda Soo Dhigay  Qoddobo Ay  Ku Dheggen Tahay In Aan Laga Reebin Ajendaha Wada-hadalka

Hargeysa (Hubaal)- Dawladda taagta daran ee Somaliya ayaa sheegtay in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee Turkiga ku qabsoomaya 31 May lagaga wada hadli doono dhawr qodob oo kala duwan, iyadoo sheegtay in midnimada wixii la isku odhan jiray Somaliya aan marna laga wada hadli karin.wadahadalada

Safiirka dawladda Somaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Xasan, ayaa wargeyska The East African ee dalka Kenya u sheegay in wada hadalada Turkiga ee 31 May lagaga wada hadli doono arrimaha farsamo ee isu socodka dadka, ganacsiga, baasaaboorada iyo cidda meteli doonta shacabka Somaliland oo uu ula jeedo cidda Somaliland u meteli doonta Baarlamaanka Somaliya ee la dooranayo dhawaan.

Wuxuu safiirkani sheegay in mawqifka dawladda Somaliya uu yahay in Somaliland tahay qayb ka tirsan Somaliya,. “Midnimada, madax banaannida iyo sharafta dhuleed ee Somaliya maaha wax laga wada xaajoon karo, wada hadaladuna waa inay aakhirka isugu biyo shubtaan midnimadii.” ayuu yidhi, isagoo intaas raaciyay in wada hadalladan Turkiga lagaga wada hadli doono oo keliya dhisitaanka iskaaashi xoog badan, isagoo xusay in wada hadalada midnimada mar dambe laga wada hadli doono.

Wargeyska The East African, ayaa geesta kale wuxuu sheegya in ilo xogogaali u sheegeen in dawladda Turkigu ay rajo weyn ka qabto midnimada Somaliya, iyadoo eeganaysa danaheeda siyaasadeed ee ay ka leedahay gobalka Geeska Afrika.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here