Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan Cabdi Nuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay in howlgallo ay Ciidamadooda oo kaashanaya kuwa Dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaanka Buulogaduud ay ku dileen, Sheekh Maxamed Maxamuud Dul-yadeyn oo ka tirsanaa Hoggaamiyeyaasha Al-shabaab.
Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay goob ay kusoo bandhigeen 4 qof oo meyd ah oo mid kamid ah uu sheegay in uu yahay Sheekh Max’ed Max’uud Dulyadayn oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay howlgalka ku dileen nin lagu magacaabo Farxaan iyo Macallim Isxaaq oo uu sheegay in Al-shabaab ay u qaabilsanaan jireen qaraxyada.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan arintani.
Deegaanka Buulogaduud ayaa qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, waxuuna kamid ahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.