Hadalku waa farshaxan u baahan in laga fiirsado heerka erayadda miisaanka fariimaha uu xanbaarsan yahay noqdaan, kuwo run ah, wax-tar leh, lagana dheehan karo kal-gacal ay ku la’dhan yihiin fikrado wanaagsan , oo loo meel dayey goobtii iyo wakhtigii ay ku haboonaayeen.
Dadka aaminsan fikraddaha caqli galka ah ee ujeedadoodu wanaagsan tahay, waxa ka sii fiican dadka anshaxa iyo akhlaaqada leh, sababtoo ah, hadallada wacani waxay kobciyaan wanaajinta iskaashiga xidhiidhka bulshada iyo qalbiyadda aadamaha.
Waxa dhagahayaga soo gaadhayey hadallo xanaf leh, oo ujeedaddeedu abuuraysay, tacluusta, tawsta, cunfiga iyo xumaanta, waxaana muhiim ahayd inay illaaliyaan ficiladda ay qaadayeen dareenadda maskaxahoodu, waxaana habooneyd in tamarta hadalladoodaas u isticmaalaan inay ku baabiiyaan awoodaha dadaaladda aan faa’iidadda inoo lahayn ee ay isku dayayeen dunidu, taasoo, wax weyn ka tari lahayd inay u hoggaasanaadaan qawaaniinta iyo himiladda uu hiigsanaynayey markabkii aanu saarneyn.
Wakhti, ay neefsasho mooyaane aanay jirin wax sanqadh ah, oo ay wada aamusan yihiin dhamaan dadkii saarnaa markabkaas, ayaanu maqalnay dhawaaq cod khafiifa oo ka soo baxaya sida, god biyo ay ku dhex jiifaan oo kale, oo aad moodo codka taaha, dadka qaba xanuunnada haggaasiya fahanka nolosha, ee ay keenaan, cidhiidhiga iyo rajo la;aanta muddo dhaafta.
Sababtoo ah, haddii aynu si toos ah labadeena gacmood baabacaddooda mid ka mid ah u dul saarno qalin, muddo 5-daqiiqadood ah, wax dhibaato ah ma’laha, laakiinse, haddii aynu ku hayno in uu dul saarnaado qalinku baabacadda, muddo 48-saacaddood ah, shaki kuma jiro inaad dareento kabuubyo iyo xanuun badan, isla markaana, ay qalasho gacantu.
Run ahaantii, waynu ognahay in qalinku aanu lahayn wax culeys ah, laakiise, wax-yeeladdaasi ay ka timid muddadii dheerayd ee qalinku saarnaa baabacadda dusheeda, haddaba, marka aynu eegno, xanuunnada haggaasiya fahanka nolosha ee inta badan hayey dad badan oo saarnaa markabkaas, waxa sabab u ahayd mudaddii dheerayd ee ay ku jireen cidhiidhiga iyo rajo la’aantu.
La soco….
Qalinkii: Maxamed Faarax Qoti