Sixir Baraka Waxaa Masuul Ka Ahw Maaliaya Iyo W Ganacsiga Qalinkii: Maxamed Jaamac Ciise (Buraalle)

0
58

Sixir Baraka Waxaa Masuul Ka Ahw Maaliaya Iyo W Ganacsiga

Qalinkii: Maxamed Jaamac Ciise (Buraalle)

Qormadeenan maanta waxa aan kaga hadli doonaa kaalinta ay ku leeyihiin sixir-bararka, W_MAALIYADA iyo

 W_GANACSIGU, labadaasi hayadood oo qaranka u haya shaqooyin mihiima, inta badana ay ku tiirsan yihiin dhaqalah dalku, dhinackasta oo laga eegaba,

ugu horayn waxa aan is way diin doonaa labadan wasaaradood rooll shaqo ma ku lee yihiin mise kuma laha

SIXIR-BARARKA

Si aan jawaab waafiya ugu helno su’aasheenaa waa in aan ka warbaixinaa kaalinta shaqo ee ay qaranka ugu jiraan labadan wasaaradood.

 W_MAALIYADA

   +++++++

W/Maaliyadu waa mid kamida hayadaha ugu balaadhan dawlada hadanay noqon ta koowaadba waxa ay ka howlgashaa dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka,

 kaliya waxa ay ku koobantahay cashuur ururin laga qaado in kooban oo ganacsataa,

dakhli kordhin, iyo samaynta miisaaniyada, kuwaasi oo dhamaantood ka qayb qaata

sixir-bararka, markasta oo ay korodho miisaaniyada qaranku waxa yimaada sixir-barar taasi oo ay sabab u tahay kordhinta cashuuruha.

koradh miisaniyadeedka wasaaradu waxa uu markasta ku salaysan yahay kordhinta cashuuraha oo kaliya,

Wasiiradeenuna malaha xirfad kale oo kor loogu qaado miisaaniyada,

sida kharash dhimista, qaadista cashuuro aan hore loo qaadin oo halkooda ku baaqsada,

 in kasta oo cashuur la kordhiyaana waxa ay dulsaarantahay sixirka lagu iibinaayo alaabooyinka la cashuuray,

 buraalle  HADABA

   _________

Halkaasi waxa aan ka fahmi karanaa markasata oo la kordhiyo cashuuraha dalku in ay kordhaan qiimaha lagu iibiyo alaabooyinka waxaana halkaa ka abuurmaaya SIXIR-BARAR.

W/Maaliyadu masamayso maalgalin, mana abuurto ilo dhaqaale, intabadana masamayso shaqo abuur, ku waasi oo ah wax yaabah lagula dagaalamo sixir-bararka,

Dhanka kale ma kaantoroosho lacagaha qalaad ee dalka soo galaaya iyo kuwa uu soo daabacaayo bangigu, oo aan xadi lahayn waxaana ay asal u yihiin lacagahaasi qalaad iyo kuwa la daabacayaaba kor u kaca sarifka,

shaki la’aan waxa aan odhan karana

 W/Maaliyadu waxa ay baylihisay shaqooyin mihiima oo ay u ahysay qaranka waxaana ay qayb ka tahay shaqo la’aanta

sixir-bararka, kor u kaca sarifka,

✔Wasiirada soomara wasaarada maaliyadu waxa ay ku tartamaan sidii ay u kordhin la haayeen miisaaniyada, una gaadhsiin la haayeen halkii uu gaadhsiiyay wasiirkii ka horeeyay waana sababta keentay in sanadkasta maceeshadu sii korodho sixir bararkuna kor u sii kaco

 W_GANACSIGA

  __________

W/GANACSIGA- qaybta labaad ee qormadeenan waxa aan ku eegi doona kaalinta ay ku leedahay W/Ganacsigu sixir-bararka ka jira dalka, maadaama oo ay tahay wasaarada ku shaqada leh ganacsiga dalka,

W/Ganacsigu kama ay hirgalin dalka kala xadaynta ganacsiga, mana jiro min qiyaas ama halbeeg lagu kala saaro gancsatada dalka kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn ee muwaaridkaa    JUMLADLE” iyo TAFAARIIQLE”,

Wax yaabaha khatarta ku ah ganacsiga sahlana in uu yimaad sixir-barar waxa ka mida kala xadayn la’aanta ganacsiga, kii keenay ama soo waariday alaabooyinka ayaa taafaariiq ku iibinaaya badeecadii taasina waxa ay sabab u tahay in suuqii iibku xumaado sixirada iibabkuna is gaadhaan,

Iibkii suuqyaduna waxa ay noqdeen jaantaa rogan, halkaasina waxa ka dhashay in gacsigii uu ku yimaada faashil iyo kantorool la’aan, taasina wax ay abuurtaa sida ka muuqata suuqyada somaliland qiimo dhac, iyo kor ukac, sababa in uu yimaado SIXIR-BARAR,

✔Ilaalinta iyo jaangoynta sixirada iibka suuqyadu waxa ay ilaaliyaan in qiimaha maceeshadu ama sarifku kor u kacaan taasi hirgalinteeda waxa iska leh wasaarada ganacsiga,

haba yaraatee waxa ay ka qabatayna ma jiraan, qadiyadaasina waxa ay faashil siyaasiya ku tahay xukuumada iyo wasaaradeeda ganacsiga, marka si mugle loo qiimeeyo duruufaha keena sixir-bararka waxa asal u ah xukuumada oo aan uga shaqayn sidii loogu talo galay xaaldaha dalkana aan ugu kuur galin si dhab ah oo ka turjumaysa baahida dalka iyo dadka wax yaabaha mihiimka ah ee xukuumada iyo wasaaradeeda ganacsigu aanay waxa ka qaban dhibaatan ku haya iibka maceeshada waxa ugu horeeya xaraynta raashinka

kaasi oo ah qaab kor laagu qaado iibka ascaarta,

  GABAGABO

———————

Qormooyinka mataanahaa waxa aan ku soo afmeerayaa kuna soo koobayaa labadaasi qormo ee ah wax yaabaha rasmiga ah ee keena sixir bararka iyada oo masuuliyada koowaad ay leedahay xukuumadu,

waana midh waajib ku ah qofkasta oo mu waadin ah in uu ka hadlo hadba xaaladah ina horyaala ee manfaca iyo waxtarka u leh bulshada somaliland si looga baxo duruufaha nololeed, ee lagu jiro waxaana wacan in qofkastaa qaato kaalintiisa insha aalaah

WAA QALINKII:BURAALE JAMA ESSA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here