Waxa aan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh, salaan ka bacdi. Waxa aan doonayaa in aan wax yar ka iftiimiyo hoos u dhaca baaxada leh ee ku yimid siyaasadii arimaha dibedda iyo siyaasadii aqoonsi raadinta ee ay somaliland ku naaloonaysay kuna hamiyeysay mudadii 23-kii sanadood ahayd ee aynu soo dhaafnay, runtii laga soo bilaabo dawladihii kala dambeeyey, sida dawladii madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur, Dawaladii Madaxweyne Maxamed Ibriihim Cigaal iyo Dawladii Madaxweyne Daahir rayaale Kaahin, sida aad ogtihiin saddexdaa Madaxweyne ee aynu soo sheegnay waxa ay gaadhsiiyeen siyaasada arimaha dibedda heerar kala duwan oo Madaxweyne kastaa xiligiisa ka qaaday meel isaga oo gaadhsiinayey heer ilaa wadanmo badan oo aduunka ahi inoo soo istaagaan. dawladii Madaxweyne Daahir Riyaale waxa ay xooga saartay in aduunka aynu ku yeelano diblomaasiyad taas oo inoo sahli karta in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah, waxa madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale in badan uu safari u galay sidii wadamada afrika uu uga dhaacin lahaa qadiyada madax-baanida Somaliland siga oo safaro siyaasadeed ku maray wadamada Zambia,Kenya, Ruwanda iyo Senegal.
Haddaba Madaxweynayaashaa xukunka u kala dambeeyey waxa ay lahaayeen Istaraatijiyad cad oo ay ku dhig u tahay ka midho dhalinta qadiyada madax-baanida Jamhuuriyada Somaliland oo ay tiir u tahay rabitaanka shacab weynaha reer Somaliland,isla markaana ay astaana kale u tahay halkankii dib u xoraynta iyo axadigii,heshiisyadii iyo shararkii loogu ariminayey madax-banaanida ummadda ree Somaliland.
Sidaad ogtihiin dawladii Daahir Riyaale waxa ay ahayd dawlad leh dhaliilo fara badan oo qof kasta oo aadame ahi yeelan karo, xukumadeenu waxa ku andacootaa waxba in aanay meesha ugu iman, dawladnimada micnaheedu maaha in aan lacag meesha ugu timaado,laakiin Daahir Rayaale waxa uu ka tagay nidaam dawladeed oo dhamaystiran, siyaasada ku dhisan diblomaasiyad oo aynu kula macaamilaynay wadamada jaarka iyo kuwa inaga fogba.
Maanta siyaasada arimaha dibadda Somaliland waxa ay maraysaa heer la kala garan waayey in ay wasaarada arimaha dibeddu jirto iyo in kale. Wadan marka uu qaato faderaal waxa hoos u dhacda siyaasada arimaha dibada sida ka muuqata Somaliland, maanta waxa aynu la fadhiisaynaa Jubland,Putland, Galmudug iyo Dowlada faderalka Somaliya oo la leeyahay waa faderaalkii Somaliya, maanta ma arkaysid wasiirka arimaha dibada oo leh waxa aan wadan hebel u tagay in aan ka dhaadhicyo ama aan kala hadlo aqoonsi raadinta Somaliland, shaqada kaliya ee maanta wasiirkeena la waraa waa Genel Energy la kulan,Balour la kulan, shirka budhac badeedka tag iyada oo ay u jeedadu tahay sidii lacag loo heli lahaa.
Somaliland waxa maanta iminaya shirkado danaynaya shidaal qodista, shirkadahaasi waa shirkado ku imanaya heshiisyo hoose oo ka dhexeeya Somaliland iyo Somalia oo ay kala hogaaminayaan Siilaanyo oo ay wadaado ku xeeran yihiin iyo Xasan sheikh Maxamuud oo ay isagana ku xeeran yihiin wadaado kale oo ay isku dan yihiin, isla markaan xidhiidh siyaasadeed ka dhexeeyo.
Waxa aan leeyahay dawlada waa in shacabka tusaa halka ay marayso siyaasada arimaha dibadu oo aad moodo in lacag lagu badalanayo himiladii umaddani lahay.