Tallaabooyinka ugu horreeya ee dawladnimadu waa in la dejiyo Dastuur, siyaasado iyo shuruuc dalku leeyahay. Dastuurku waxa uu qeexaa dalka xuduudihiisa, afka, xuquuqaha muwaaddinka iyo mabaadii’da waaweyn ee dalku ku dhisan yahay, i.w.m. Siyaasaduhu waxa ay hagaan qorshayaasha qaranka ee meelaha ay khuseeyaan. Tusaale ahaan, siyaasadda arrimaha dibadda ee qaranku waxa ay jaangooynaysaa sida loola xidhiidhayo dalalka kale, qorshayaasha inooga yaalla sidii aynnu ictiraaf u heli lahayn iyo sida aynnu u qaabaynaynno xidhiidhka dalalka adduunka – yaa aynnu saaxiib la noqonaynaa, yaa aynnu soo dhowaysanaynaa, yaa aynnu xidhiidh dhaqaale; mid istaraatiijiyadeed iyo mid xulufaysi la yeelanaynaa i.w.m. Shuruucduna waa xeerar dalka lagu maamulayo, laguna dhaqmayo, ciddii ku xadgudubtaana ay ciqaab la kulmayso.
Waxa aan maanta si kooban u soo qaadanayaa siyaasadaha qaranku u baahan yahay ee aan ilaa maanta si hagarla’aan ah loo diyaarin qaarna aan loo ba jeesan. Iyada oo ay tahay in aynnu siyaasad ka yeelanno arrin kasta oo dalkeenna, dadkeenna iyo bulshadeenna saamayn ku yeelanaya, waxa aan halkan ku soo koobayaa tobanka siyaasadood ee dalkeennu u baahan yahay, tahayna in dawladdu si hagarla’aan ah u diyaariso, una dhaqangaliso.
- Siyaasadda Arrimaha Gudaha (Interior Policy).
- Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka (Economic Policy).
- Siyaasadda Maamul wanaagga (Good governance policy).
- Siyaasadda Caafimaadka Qaranka (Health Policy).
- Siyaasadda Waxbarashada Qaranka (Education Policy).
- Siyaasadda Arrimaha Dibadda (Foreign Policy).
- Siyaasadda shaqaalaysiinta ee Qaranka (Employment Policy).
- Siyaasadda Maalgashiga Caalamiga ah (Investment Policy).
- Siyaasadda Horumarinta Xoolaha iyo Beeraha (Livestock and Agriculture Policy).
- Siyaasadda Horumarinta dhalinyarada (Youth Development Policy).
Dalalka horumaray waxa ay dejistaan siyaasado kala duwan oo ku fadhiya baahiyahooda. Waxa aynnu u baahan nahay in qorshayaasheenna ay hagto siyaasadi, oo aynaan marba meesha la inoo eryo u cararin. Waxa aynnu u baahan nahay siyaasado cadcad in aynnu ka yeelanno sida ay noqonayaan caafimaadkeenna iyo waxbarashadeennu dal ahaan; side ayaynnu u gaadhsiinaynaa caafimaadka iyo waxbarashada dadkeenna taagta daran – carruurta iyo hooyooyinka meelaha fogfog jooga. Waxa aynnu u baahan nahay in cid kasta oo ina caawinaysa ama wax inala qabanaysaa ay raacaan siyaasadaha qaranka uga yaalla waxa ay inala qabanayaan.
Tusaale ahaan, siyaasadaha dalkeenna ilaa hadda loo sameeyay waxa ka mid ah ‘siyaasadda arrimaha dibadda’, taas oo laga heli karo mareegta wasaaradda arrimaha dibadda, iyada oo ku qoran afka qalaad ee Ingiriisiga. Waxa aad arkaysaa marka aad akhrido in tayadeeda iyo ujeeddadeeduba aad u hoosayso, meelaha ay ka hadlaysaana aanay ahayn meelo arrimaha dibadda muhiim u ah si aynnu ictiraaf iyo maalgashi caalami ah u helno.
Ma jirto qayb ka mid ah siyaasaddaas oo si gaar ah u faahfaahinaysa xidhiidhka aynnu la yeelanayno dalalka jaarka ah sida Itoobiya, Jabbuuti, Yemen iyo Soomaaliya. Siyaasaddaasi si waafi ah ugama hadlayso xidhiidhka aynnu la yeelanayno dalalka Carabta, siiba Imaaraatka oo sannadihii ugu danbeeyay aynnu xidhiidh maalgashi iyo mid isxulafaysi ba lahayn.
Siyaasadda arrimaha dibbadda ee Somaliland si hufan uma astaynayso dalalka aynnu xidhiidhka istaraatajiyadeed, midka dhaqaale iyo midka siyaasadeed la yeelanaynno. Tusaale ahaan Afrika oo ah qaarad dhan oo dhawr iyo konton dal ah, siyaasaddeenna arrimaha dibaddu waxa ay kaga hadlaysaa dhawr sadar oo aan faahfaahsanayn. Iyada oo ay ahayd in ay dal kasta oo Afrika ka mid ah goonnidiisa u soo qaadato, raacisana xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo xidhiidhada kale ee aynnu la yeelanayno dalkaas. Isku soo wada duub oo siyaasaddaas oo ka mid ah siyaasadaha qaranka ugu muhiimsan waxa aad mooddaa in mashruuc laga qoray ama cid aan ehel u ahayni lacag faro guudkooda ku qaadatay.
Dhawrkaas siyaasadood ee aan tilmaamay waxa aan u soo qaatay tusaale ahaan, laakiin waxa jirta in aynnu u baahan nahay dejinta siyaasado tayo iyo aqoon leh oo dalka lagu hago. Siyaasadaha jiraa waxa ay u badan yihiin MASHRUUC hay’adi bixisay lacagtiisa, kaas oo laga yaabo in ujeeddooyin gaar ah laga leeyahay ama karti iyo dedaalkii la doonayay aan la galin, iyo qaar aan weli loo dhaqaaqin. Waxa kale oo jirta in siyaasadaha laftooda lagu qoro af Ingiriisi, marka danbana loo turjumo afkeenna. Tani waxa ay keenaysaa in siyaasadahani cidda ay khuseeyaan aanay wax badan ku darsan, fahmin, una arkaan wax cid kale leedahay.
Ugu danbayntii, waxa aan u soo jeedinayaa madaxda qaranka, xisbiyada, aqoonyahanka, sharciyaqaannada iyo cid kasta oo danaynaysa in dalku gaadho horumar iyo barwaaqo in ay xoogga saaraan sidii dalku u yeelan lahaa Siyaasado jaangooya arrimaha kala duwan ee baahiyaheenna. Si taas la mid ah, jaamacadaha dalka waxa aan u soo jeedinayaa in ardayda dhammaysanaya qaybaha iyo heerarka kala duwan ee jaamacadaha ay cilmibaadhistooda ku jaheeyaan siyaasadaha qaybaha ay dhammaysanayaan. Warbaahinta dalka, gaar ahaan muuqbaahiyayaasha ama telefishannada ayaan iyagana u soo jeedin lahaa in ay qabtaan doodo cilmi ah oo lagaga hadlayo Siyaasadaha kala duwan ee qaranka, goldaloolooyinka jira, siyaadaha ay tahay in la sameeyo, caqabadaha hor taagan, sababaha i.w.m.
Fulinta qodobbadaasi waxa ay horseedi karaan in bulshada Somaliland fahamto siyaasadaha lagu hagayo qaranka iyo sida ay uga turjumayaan ama aanay uga turjumayn baahiyaha dalka.
Cabdifataax Rashiid Maxamed
Email: crm661@yahoo.com
23/08/2018
Hargeysa, Somaliland