Waxa la yidhi “Ninka waxa jooga aan garanini, waxa soo socda-na ka melefan” waxa cadaatay in uu si wacan ugu kashimay Madax-weynaha hadda kursiga ku fadhiyaa, waa madax-weyne Bad-macaanshe’e (Siilaanyo), maamullkii Gudaha iyo kii Debedda labada-ba, waana tan xaqiidu ee hoo:-
* Xaabsade wuxu dib ugu noqday Dugaagland ( waa budhlande), lana yaabi maayo, sababta oo ah, waa lagu kelifay in uu sidaa ku kaco, waxana ka dambeeya Madax-weynaha laf-tiisa iyo inta geesaha biciidka, ka taagta madax-tooyadda, kuwaas, oo aan ka talin danta Somalialnd ee ku mashquulsan, Jeebab-buuxsi iyo hebel la colaw, waa inta doobta ka tuurta madax-tooyadda’e, arinta Xaabsade wixii ka yimaadda iyaka baa tuurta u ridanaaya ee ha ogaadee, Xaabsade aniga xagayga waa nin jira:-
(a) Waa nin Damac leh siyaasadeed, oo raba in uu muuqdo, intii uu ahaa wasiirka warfaafinta wuxu qabtay-na waa kuwan:-
* Tv-ga Qaranka intuu uu joogay wasaaradda Warfaafinta baa uu u soo daayey Aduunka, hore Caasimadda oo Qudha buu ahaa, haddii aad runta rabtid, meel akle oo dhaafsan xataa oorame, burco, Berbera muu gaadhi jirin.
* Idaacadda Hargaysa ( Rido Hargaysa), oo ah idaacadda Qaranka, Hargaysa lagama wadad maqli jirin, waa isga ka caalamaka gaadhissiyey, ee idaacadan weyn keenay.
* Waa ninka Dejiyey Sool oo dhan iyo sanaag badan-keedda ee ku soo dhiiri geliyey, ku soo biiridda Somaliland,
* Ninka Amaan-keedda sugay weeye, iyadda oo malain walba wax lagu dilo,
* Waa nin ay ku kalsoon yihiin dad-kiisu, haddii kale inta aan sare ku sheegayi may dhacdeen ( oo waa arin cad).
Markii Wasiirka hawlaah-guud laga dhigayna:-
* Wuxu sameeyey liisanka baabuurta ee balastiga ah, sida kan Ingiriiska ee swairka leh ama Yurub.
* Isaga oo Hantidda Dawladda ee ma guuraanka ah, sidda guryaha dawladda oo uu yidhi, ha la soo celiyo, taas oo ah arinta laga raacay, ee uu Bad-macaanshe ka hor yimi.
– Ninka sidaas ahaa, baa waxa laga doortay qaar aan wax samayn karin, waxay qaban karaana aanay jirin, baa lagu bedelay Xaabsade, sidaas awgeed buu ugu galay Xaabsade mar labaad Dugaagland.
* Akhristaw waxa arimahani ay si cad u sheega-yaan, in uu maamulka Bad-Macaanshe uu si waadix ah u kashifmay, wixii ka yimaadana isaga ba aka mansuul ah.
* Sool oo uu dejiyey, baa imika ay fari ku mudan tahay, oo haduu ficil-tanka iyo iska dhiska Budhland ku dhaqaaqayaa in uu dib ugu soo celiyo Budhland, Ummadda Reer Sool ee uu Markii hore soo xareeyey, siddii uu imika bad-macaanshe iyo maamul-kiisu u xaqiijin lahaayeen, baa u taala ee ha ka sheekeeyo Taladda Al-Qasiir Basiir ( Xirsi Gaab)*
* Waxa kale oo dib u noqday, Kayse oo ah ninkii ka dambeeyey Sama-Saluuga Cuqda-daysan ( SSC) in ay burburaan, Xagle Toosiye weli boohuudle muu keenin.
* Garaad Saleebaan oo Al-Qasiir- Basiir ( Xirsi-gaab) kula kulmay Taleex, oo Baabuur-na la ii siiyey, isna dib ugu noqday, waayo dadka haddii milga-hoodda la marin waayo, dee way danaysa-nayaan.
Ugu damabayn Maamulka Bad-macaanshe, Ha u diyaar garoowo dhibtii ay iska hor taageen, oo imika ku soo furmi doona, hana ogaado in uu ku kashifmay siyaasdddii. gudha,
Siyaasadda Debedda:-
* Itoobiya oo Xidhatay Xad-keeddii, ahayd-na dalka inoogu saaxiibsan.
* Jabuuti oo isku keen xariifisay iyana oo, xidhatay itaal-baaska xadkii, aynu inaku xidhi jirney.
* Badeenii oo loo dhiibay Hay’yad ay maamusho UN-tu.
* Hawadda Somaliland iyo Cirka oo Al-shabaabland lagu wareejay ( Somaliya).
* Amaankii oo kharibmay, oo Al-shabaabl inagu dhex nooshay, inoona sii dhaaftay Jabuuti oo ay qarxisay,
* Ciidamaddii Loo qorey Qodi-taanka Shidaalka Ilaalin-toodda, la inagu haysto, maamul-kuna uu sharixi kari la’yahay, kuna qancin kari la yahay Caalmaka shaqadda looq orey.
* Somaliland oo Berbera iyo Hargaysa uun La yidhi waa la tegi karaa, inta kalena looga digay.
Akhristaw arimaha aan sare ku qaadaa-dhigay, iyo qaar kale oo fara badan-ba, oo aan la soo koobi karin, oo ciidaa camaarey ahba way ku kashifantay xukuumadani, is amaanid iyo meel aan loo jeedin kolba u fadhaq-bood, majaro habaabin ay been iyo ciiro isku qarin, sidda jirji-roolaha kolba midab ummadda tusta, Wado ku mashquulid, iyo marka ay hawlo ku furmaan oo ay u dhaqan noqotay in ay dalka debedda uga baxaan, kana indho qarsadaan qayladda iyo Rebshadaha dalka ka taagan, inta uu dhegaha duubto, madax-weynuhu uu ku af-gobaad-sado Arimo caafimaad ban u baxayaa been ah, laakiin ay tahay runtau in uu ka nasto arimaha isku walaaqmay, ee ka abuurmay maamul xumi-doodda.
Abdi-Shotaly,