Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo kamid ah mudanayaasha aqalka wakiillada Somaliland, ayaa si adag uga digay dhibka ganacsatadu ku hayso bulshada reer Somaliland iyo cuno-qabataynta ay dhaqaalaha dalka ku hayaan.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo u warramay Telefishanka Star Tv, ayaa sheegay inay dalka majaraha u hayaan ganacsato kooban oo ujeedadoodu tahay kaliya inay dhaqaale aburaan, isagoo ku hanjabay inuu maalintii loo baahdo sheegi doono ganacsatadaa,“siyaasadda Somaliland Ganacsataa wadda haddii loo baahdana maalin baanu caddayn doonaa, waana koox gaar ah oo dhaqaale uun hadafkeedu yahaye ma aha ganacsatada Somaliland oo dhan”ayuu yidhi Xildh. Siciid Cilmi Rooble.
Xildhibaanku waxa uu dhinaca kale si weyn u dhaliilay siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland iyo jihada ay ku socoto, waxana uu tilmaamay inay qaloocatay jihada siyaasaddu haatan u socotaa.
Siciid Cilmi Rooble waxa uu canaan u jeediyey wasiirka Arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire, waxana uu tilmaamay in looga baahan yahay siyaasad cad oo uu wada-hadallada ku wajaho, taas oo uu baarlamaanku ansixiyo, waxana uu yidhi,“xukuumadda in lala xisaabtamo weeye, wasiir sacad-na waxan leeyahay waxa lagaa filayey siyaasad cad oo aad dalka ku hoggaamiso oo wada-haddallada khusaysa oo aad barlamaanka soo dhigto oo la anxisiyo, lagaama filaynin shaqadaada ugu horraysaa inay noqoto inaad tidhaahdid isdhex gal iyo isu safar baanu samaynaynaa.