“Siyaasaddu Maanta Uun Maaha’e Hadii uu [Cirro] Ogolaan-Waayo Natiijaddii Doorashada Waxaa Iman Doonta In……”

0
67

Amb. Xuseen Cali Ducaalle [Cawil] Oo Khibrad Siyaasaddeed U Sheegtay Cabdiraxmaan-cirro, Ummaddana Hogatusaalleeyey Awoodda Hoggaaminneed Ee Hankiisu Joogo

 

 

Hargeysa (Hubaal) La-taliyihii hore ee Madaxweynihii hore Mudane Axmed Siilaanyo Ambassador Cawil Cali Ducaalle ayaa tallooyin waayo-aragnimo leh usoo jeediyay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), una sheegay in waddanka ay masuuliyad ka saaran tahay.

Ambassador-ku waxa uu ka soo sheekeeyey sidii uu Axmed Siilaanyo uga tanaasulay doorashadii 2003-dii iyo waliba sumcada uu ku helay waliba hoga tusaaleyey sidii beesha uu ka soo jeeddo Axmed Siilaanyo aanay haba yarate ka hadlin natiijadii uu aqbalay wakhtigaas.

Ambassador Cawil ayaa sidoo kale waxaa uu Cabdiraxmaan Cirro kula taliyey inuu beeshiisa u sheego in laga helay doorashaddii oo uu geesinimadii uu Siilaanyo yeeshay uu yeesho, haddii uu ogolaan waayo natiijaddii uu wali ka hadlayo in aanu mar dambe dalka waxba ka qaban doonin.

La-taliyihii hore xukuumaddii Axmed Siilaanyo ayaa sidaasi ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishenka HCTV, waxaana isaga oo arimahaas iyo qaar kale ka hadlayaa uu yidhi: “masuuliyad baa saaran Cabdiraxmaan Cirro oo aqlabiyad xoogga lagaga guulaystay, way inna soo martay 2003-dii murashaxii Axmed Siilaanyo oo Daahir Riyaale kaga helay siddeetan cod, Axmed Siilaanyo wuxuu geesinimo u yeeshay inuu yidhaahdo waa layga helay oo uu aqbalo siddeetankaa cod. Qofka shaqsigii waa inuu ku xisaabtamo inuu geesinimo u yeesho marka laga guulaysto inuu aqbalo, taasi waxay keenaysaa inay dadku ku kalsoonaadaan, Axmed Siilaanyo kalsooni xooga ayuu ka helay berrigaa, murashax siddeetan lagaga helay oo si sharafleh u aqbalay xitaa beesha uu ka soo jeeddo ayaa sharaf heshay, waayo markii siddeetankaas lagaga helay beeshii wadatay ee Burco Bari, walla suldaan walla siyaasi walla ganacsato ka hadashay ma jirto, waa sharaf weeyi, waa qiimayn keentay kalsooni mar dambe Axmed Siilaanyo Madaxweyne dalka ka noqdo, taas baa keentay kalsoonidaas iyo dadkeenna oo ka daalay siyaasad buuq ku dhisan, oo ku farxay murashaxii siddeetankaas aqbalay, beeshiisiina ku garab gashay oo aqbashay iyadunna oo qof qudha aannu hadlin, maanta siddeetan kun oo cod baa laga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro waanna inuu beeshiisa iyo taageerayaashiisa u sheegaa waa layga helay, oo geesinimadaa uu Siilaanyo yeeshay uu isna yeesha [Cabdiraxmaan Cirro], oo aannu odhan sidan imika uga hadlayo ee ah waan amaahiyey, siyaasaddu maanta uun maaha ee berrina wey jirtaa, haddii uu ogolaan waayo, Faysal wuu ogaaladay murashaxii UCID, hadii uu ogolaan waayo natiijaddaa [Cabdiraxmaan Cirro] oo uu wali ka hadlayo, taageerayaashiisu iyo beeshiisu ay wali ka hadlayaan waxaa iman doonta inaannu mar dambe dalka waxba ka noqon.”

Waxa sidoo kale uu ambassador-ku ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka tukaraq iyo sida uu u arko waxaanu yidhi: “horta marka u horreysa dawlad kasta oo Somaliland ka dhisan waajib baa saaraan, inay xuduuddeeda sugto, tan imika tukaraq-na dalkeennii uun beynu ku jirnaa oo Somaliland gudaheeddii, meel aan maamulkeedu gaadhin uunbuu ciidankeedu gaadhay, xuduuddeedana waa la sugi doonaa waa hubaal taasi.”

Ambassador Cawil Cali Ducaalle ayaa dadka qurba joogta ah uga digay inay ka dheeraaddaan colaadaha gudaha maadama ay qeyb laxaad leh ka qaateen dhismaha waddanka labaataneeyaddii sanno ee la soo dhaafay: “ dareemada aad arkayso ee buuqa abuuraya dadkeena dibada ayaa lug ku leh, oo lacag soo diraya oo leh salaadiiney  hadla, hebelow hadal oo aad moodo wixii wanaaga ahaayee dalka u qabteen eek u sharafaysan yihiin ee ummaddu ugu ducayn jirtay, inay maanta gubayaan oo ummaddan u hor seedayaan khasaare iyo iska hor imaad iyo buuq siyaasaddeed, iyagoo aaminsan inay bannaanka ka joogaan oo xaasaskooda iyo caruurtoodu dibada u joogaan.”

Ugu dambeyn waxa uu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland kula taliyey inuu wax walba ka horaysiiyo caddaalada iyo sinnaanta iyo jiritaanka ummadda reer Somaliland unna tago dadka wax ka cabanaya waxaanu yidhi: “ waxaan madaxweynaha kula talinayaa inuu wax walba ka horraysiiyo caddaalada iyo sinnaanta, jiritaanka ummaddana gacanta ku hayo, dawladnimadda hubka gabigeeda lagu wadaa maaha qoryo iyo taangiyaal waa fulaynimo, qofka kaa soo hor jeedda markaad u tagtid eed kuwii ku garaacdid, cid allale cidii wax tabanaysa madaxweynuhu guryahooda ugu tago oo ka bogsiiyo waxay ka cabanayaan, oo albaabku u furnaado oo meelaha uu isleeyahay dareen fog baa yaala uu tago oo taasi noqoto mid uu caadaysto.” Ayuu yidhi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here