Qofku haduu siyaasi yahay waxaa looga baahan yahay deganaan ka fiirsasho badan iyo masuuliyad culus, xishood iyo akhlaaq waana inuu ahaadaa qof noqon kara hogaamiye dulqaad leh kana dhawrsoonaada sifooyinka aan wanaagsanayn sida cayda aflagaadada, isnkana ilaaliyaa waxyaabaha wiiqi karan siyaasadiisa hiigsigiisa mustaqbal si aan turun ruro lahayna uu u fuulaa salaanka hanashada siyaasada.
Siyaasadii Somaliland maanta waa qariban tahay waxaana qaribay cid kale maahee niman siyaaasiyiin ah oo mucaarid isku sheega ragg waa weyn ah qaarkood laba xil isku hayaan qaarkood aqoonyahano sheegtaan qaarkood mujaahidiin sheegtaan kuwo kamidina ay beri hore ku fashilmeen siyaasada oo hada ku asqoobay islamarkaana uu ka lumay jiheeyii oo hadba dhinac u dabaalanaaya, siyaasadii mucaaridku waxay noqotay mushkilad dadku ay dhibsadaan maqalkeeda, akhriskeeda iyo daawashadeedaba, waxay noqdeen kuwo la karho ka dib markii ay siyaasadii ka dhigeen xumaan qabyaalad, reer reer, been abuur, cay aflagaado caado noqotay afxumo joogto ah, iska daa nin masuula oo kursi ku fadhiyee xitaa haweenka quryahooda joogaybaa ka baxsan waayeyey raga qaar mucaarid isku sheega .
Siyaasada halkaas maraysa ma siyaasadbaa mise waa wax kale, Somaliland intii ay jirtay Ingiriiskiina ku dhahoo ilaa yoomul haadaa wali lama arag taariikhda laguma maqal mucaarid ka liita oo ka taag iyo tamar daran abid soo mara Somaliland , lama sheegin oo lama arag mucaarid ka siyaasad xun oo ka qabyaalad xun oo ka cay iyo aflagaado xun, Somaliland masoo marin mucaaridka maanta jooga mid ka indho adag oo ka qadiyad yar , hadii maanta lagu yidhaahdo Somaliland naga iibiya lacagtaana qaata waxaa marag ma doona inay gelin ku xaraashayaan , waxay ku doodaan in dalka lexe jeclo ka hayso taasi waa afka baarkiisa Cumaha uma dhaafsiisna nimankaasi waxaanu leenahay waar waxaas aad wadaan ka waan tooba oo siyaasadan aad ka sinaysanaysaan iska daaya, sidan aad wax ku wadaana kursi laguma helo dadku waa idin barteen ee intaan laydinka il bixin mustaqbalkiina u tudha.
Qarankii baad qabyaaladeyseen ciidamadii Qarankaad qabyaaladeyseen, siyaasadii baad qabyaaladayseen, nimaadkeenii baad qabyaaladeyseen, Dawladii baad qabyaaladayseen dalka mixnad baad ku tihiin iyo xaalad abuur, aafo idinkama soo horayn iska daaya hanjabaada ileen dalka faqash ma joogtee kuwii faqash xoreeyey looma hanjabee, cuqaashan iyo salaadiintan aad Tv-yada soo fadhiisinaysaan ee qabyaalada uun hadal haya ka daaya oo ilaahay ka baqa dalka iyo dadka u tudha hankiinu ha dhaafo qabyaalad, garaadkiina iyo maskaxdiinu ha shaqayso oo ha sarayso oo keena siyaasad wax tar u leh dalka iyo dadka.
W/Q:- Cali Xasan
Calixasan806@gmail.com
Ceerigaabo/Somaliland