Hargaysa(Hubaal)- Aqoon yahan Axmed Cali Xasan (like) oo kamid ah Siyaasiinta reer Somaliland, ayaa xukumadda talladda haysa ku dhaliilay qaabka loo wado Diiwaangalinta iyo sida loo maamulay qorshaheedda.
Waxaana uu sheegay inay wax badani ka khaldan yihiin, isaga oo tilmaamay in aanay ku filnayn goobaha dadka loogu tala galay inay iska Diiwaangashaan oo aad loo yareeyey tiradooda.
Aqoon yahan Axmed Cali Xasan, oo caawa telefoonka ugu waramay shebekadda wararka ee DHaymoolenews, waxa kale oo uu sheegay in uu shaqsiyan gebi ahaanba ka soo hor jeedo qoobak ay xukuumaddu u qorshaysay in dalka looga suurto geliyo diiwaan gelinta.
isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Runtii waxaan si buuxda uga soo horjeedaa qaabka ay xukumaddu u qorshaysay in dalka looga suura galiyo Diiwaangalinta iyo tirokoobka muwaadiniinta,isla markaana waa mid laga leeyahay dano gaar ah. laakiin Nidaamka ay dawladu hadda ku soo bandhigtay Diiwaangelinta waa mid aan caddaalad ku dhisnayn oo si badheedh ah loogu talagalay in lagu dulmiyo xuquuqda muwaadiniinta oo sharciga baal marsan waana mid ay xukumaddu doonayso inay sida ay iyadu doonayso u maamulato. Markaa anagu taa waanu ka soo horjeednaa oo waxaanu taageersan yahey sidii loo heli lahaa cadaalad siman iyo awood qaybsi maamul oo lagu qanci karo in deegaanka iyo dadkaba lagu maamulo .”
Markaa waxaan leeyahay madaxwaynaha waa in si deg deg ah wax looga badalaa habaka loo wado inay u qabsoonto Diwaan galintu oo ah qaab khaldan oo baal marsan shuruucda dalka waana mid ay xukumaddu ku rabto inay kaligeed maamulato si ay u fushato diwaangalin been abuur ah oo ku shubasho ah,
Waxaana uu intaasi ku daray oo yidhi.waxaan u soo jeedinayaa maamulka xukumadda siilaanyo bulshada Somaliland way badan tahay dhulkay degaan ama ay ku dhaqanyihiin oo bari ilaa galbeed ayay kala joogaana markaa beelna meel ma wada joogaan,isla markaana ma helayaan gaadiid ay dadkooda kaga soo gurtaan hadba halka ay ku dhaqanyihiin kuna sii gura iyo dhaqaale toona,sidaa waygeed waxa dawladda laga rabaa inay kordhiyaan goobaha cod bixinta oo ay meel kasta gaadhsiisaa.
Dhanka kale waxa uu siyaasi Axmed Xasan uu Xukuumada u soo jeediyey In Ay Si Buuxda U Tix-galiso Tabashooyinka Beelaha Guda-biirsi Iyo Madax-dhaqameedka Beelahaas Oo ka biyo diiday sida loo soo bandhigay Saami qaybsiga.
dhinaca kale Aqoon yahan Axmed Cali Xasan (like), ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo wax-garadka beelaha Subeer Awal in ay is-hortaagaan, isla markaana aanay ogolaanin diiwaan gelinta madaniga ah. “Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan Siyaasiyiinta iyo wax-garadka Beesha subeer Awal in ay is hortaagaan oo aanay ogolaan in la marsiiyo diwaan-gelintamadaniga ah.
Qorshaha Diiwaan-gelinta dawladu rabo in laga fuliyo goboladda dalka waa mid aan lahayn sharciyad sax ah oo lagu qorsheeyey,maxaa yeelay sida uu sharcigu dhigayo Diiwaagelinta cod bixiyeyaasha Waxa waajibiyey xeer Distoori ah kaas oo qayaxaya diiwaan gelinta codbiyeyaasha oo ka turjumaysa in qof kastaa helo doorasho xaq iyo xalaal ah,balse tani waa mid ay xukumaddu doonayso inay sida ay iyadu doonayso u maamulato.
waxaan ku soo gabagabaynayaa oo aan leeyahay Shacbiga Somaliland waxaan u sheegayaa in qofkasta oo muwaadiniin u siman Xuquuqda waxaana uu xil ka saaran yahay difaaca sharaftooda iyo Xuquuqdooda aas-aasiga ah Xukuumada Somaliland. ”