Siyaasi Bakayle Oo Eedo Culus U Jeediyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka

0
66

Hargeysa:(Hubaal)-Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Muuse(Bakayle) oo katirsan siyaasiyiinta waaweyn ee reer Somaliland, ayaa eedo kulul u jeediyey guddida doorashooyinka Somaliland, waxana uu tilmaamay in warbixintii ay laba maalmood ka hor axsaabta qaranka usoo bandhigeen ahayd mid aan sal iyo raad toona lahayn.siyaasi-bakayle-oo-dhaliilay-xis

Siyaasi Bakayle oo u warramay Telefishanka Star, ayaa hoosta ka xarriiqay in tiro-koobkii ay komsihanku ku sheegeen in dadkii codayn lahaa intoodii badnayd barko kaceen ahaa mid aan la hubin oo male awaal ahaa,“Komishanku marka uu leeyahay 57% baa dadkii isdiiwaangeliyey maqan, waxanse leeyahay waraaqihii ay dadku isku diiwaangeliyeen bay haystaan, marka ay kaadhadhka qaybiyaan ayey sheegi karaan inta maqan way sheegi karaan oo waxa ay odhan karaan meesha waa laga maqan yahay, laakiin iyaga oo aan arag inay yidhaahdaan inay wax iska qiyaastaan waa rabshad u jeed, komishankana waxan leeyahay taas dib ha uga noqdaan” ayuu yidhi siyaasi Cabdilaahi Bakayle.

Hadalka siyaasi Bakayle, ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ay komishanka doorashooyinka Somaliland hoggaanka axsaabta qaranka u sheegeen in tiradii ugu badnayd ee dadka la doonayo inay doorashooyinka soo socda ka qayb qaataan abaaro jira darteed u baro kaceen, isla-markaana aan codkooda lagu xisaabtami Karin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here