1991 kii, koontroolka ay fadhiyaan maleeshiyo beeleed ad isasoo taagto ee ad jabhadka jooga ku tidhaa ma ciidankii reer hebel ayaad tihiin, uu xanaaqi jirey, inu wax ku yeelana wey u dhaweyd. Wuxu ku odhanayey, Guutada koodbuur ayaan nahay, Guutada 4aad ayaan nahay, Guutada Sancaani ayaan nahay, Guutada 99 ayaan nahay iyo magacyo kale oo la mida. Siyaasiga manta joogaa uu ka khajili waayey inu karti iyo aqoon iyo dedaal ku shaqeysto, waxaanu ka doorbidey inu qabiil adeegsado umadda intii kalena sumeeyo.
Dawladda maanta joogta, siyaasiyiinta mucaaridka ah badankooda iyo warbaahinta waxa ay taariikhdu ku xusi doontaa kuwii sharciyeeyey in qabiilku yahyay xeerkeena siyaasiga ah oo weliba qabiilku sameysto calan iyo Boodh.
Girifgiriftan ad aragtaan waa siyaasi beeledkii oo ay naftii ka sii baxeyso. Shaki igagama jiro in mustaqbalka dhow ay meesha ka bixi doono Siyaasi beeledka, Dawlad beeleedka, urur beeledka oo ay dhalinta soo kaceysaa talada mustaqbalkooda gacanta ku gabsan doonaan.
Qore:- Maxamed Cali Bile