Hargeysa:(Hubaal)-Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee aragtiyaha wanaagsan ee dalkani u baahan yahay soo bandhiga, ayaa si hufan uga hadlay xaaladaha kala duwan ee dalka ka jira, gaar ahaan kuwa noloshada bulshada taabanaya, isaga oo soo bandhigay istaraatiijiyado muhiim ah oo xal u noqon kara dhibaatooyin badan oo maanta shacabka haysa.
Siyaasi Cabdiqaadir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn shacabka, xukuumadda iyo ganacsatadaba u diray farriin ku aaddan in la xoojiyo dedaalka loogu gargaarayo dadka cudurrada shuban biyoodku kamid yahay dhibaatada ku hayaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Cudurrada imika dalka ka dillaacay ee abaaraha iyo roobabka ka dhashay ee shubanka u badan iyo nafaqo-darrada ee dadka waaweyn iyo carruurtaba ku dhacay, ayaa doonayaa inaan ka hadlo, waxana aan dadka iyo dawladdaba ku baraarujinayaa inay gurmadka sii wadaan oo aanay joojin.”
Sidoo kale waxa uu siyaasi Cabdiqaadir ka hadlay sicir-bararka iyo korodhka ku yimi maciishadda, waxana uu xukuumadda ku canaantay inay xal u helidda arrintan ka gaabisay, isaga oo soo jeediyey in talada wax laga siiyo si looga faa’iidaysto aragtiyo dhibkan lagaga baxayo oo uu isagu hayo, “Sicir-bararka dadkeena naafeeyey aa aanay xukuumaddu wax badan ka qabanin, Ayaan doonaayaa inaan isagana ka hadlo, caado iyo dhaqan xun baa inagu soo kordhay oo ah in arrinka lasoo gudboonaado maalin ama laba maalmood laga hadlo dabadeedna uu arrinkaasi sida soodhaha iska damo, runtii danyartii way dhimatay oo waxba way iibsan kari la’yihiine xukuumaddu arrinka waxba miyey ka qaban kari weyday oo taagteedaa u run sheegtay mise way daawanaysaa oo ogaal bay u tahay? Haddii ay taagteedu u run sheegtay waxanu leenahay talada waa la wareejiyayaaye barnaamijkii lagaga bixi lahaa waanu haynaaye talada wax hannaga siiso ama ha qaadato barnaamijyada aanu usoo jeedinayno,” ayuu yidhi Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.
Cabdiqaadir Cali Obsiiye waxa uu si kooban u sharraxay sida uu diyaarka ugu yahay inuu inuu wax ka qabto dhibaatooyinka umadda ragaadiyey ee sicir-bararka iyo baahidu kamidka yihiin, waxana uu yidhi, “Haddii ilaahay talada nagu guuleeyo waxa naga go’an inaanu bilo gudahood boqolka dollar ku gaadhsiino saddex boqol ilaa afar boqol oo kun oo Somaliland shilling ah iyo inaanu la daggaalanno labada shay ee umadda baabi’iya oo ah gaajada iyo qabyaaladdu, qabyaaladda caddaalad baa ku filan, gaajadana dhaqaale ayaa ku filan, waxana aanu xukuumadda dalka lexejeclaa naga haysee taladiisa wax hannalaga siiyo, haddii ay daawasho idinka tahayna haddii aad isleedihiin idinku dollar baad qaadanaysaan godkiinay idiinku soo gelaysaa.”
Waxa uu siyaasi Cabdiqaadir uga digay xukuumadda iyo axsaabta siyaasadda inay ka waantoobaan hadallada aanay ka dhabaynayn ee ay dadka ku beer laxowsanayaan, isaga oo shacabkana ku guubaabiyey in la gaadhay wagtigii ay dooran lahaayeen cidda dantooda wadda ee horumarkooda ka talinaysa,“Xukuumadda iyo goleyaasha iyo axsaabtaba waxan uga digayaa in laga joojiyo dadka hadalka aan laabta jirin ee maaweelada ah, dadkuna maanta waxa ay u baahan yihiin isbeddel dhab oo horumar leh oo hiigsigooda ka run sheega, shacabkana isbeddel baa looga fadhiyaaye hallaga kaco,” ayuu yidhi siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.