“Siyaasi kasta oo hoggaanka umadda uu hunguri ka hayo waxan ku martiqaadayaa inaanu Galno dood galno oo aanu umadda usoo bandhigno, barnaamijkayaga oo haddii ay hayaan barnaamij kayga ka fiican aan ballan ku qaadayo inaan ku dabo faylo….”Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye
Hargeysa:(Hubaal)-Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo ku rajo weyn inuu mustaqbalka dalka madaxweyne ka noqdo, ayaa si cilmiyeysan bulshada ugu soo bandhigay baahida loo qabo inuu dalkani helo hoggaamiyo dadkiisa danaynaya, isla-markaana aqoon u leh ka midho-dhalinta rabitaanka shacabka.
Siyaasi Cabdiqaadir oo u dooda in distoorka la furo, isla-markaana la ogolaado murrashax madax bannaan oo iskii isu soo sharraxa, ayaa si mug leh u sharraxay in umaddu baahi u qabto inuu hoggaamiyo siyaasi dalku halka uu taagan yahay ka dhaqaajin kara, isla-markaana meesha ka saari kara qabyaaladda iyo nin-jeclaysiga umadda naafeeyey, “waxa la gaadhay maanta wakhtigii aynu ka kori lahayn qabyaaladda ee aynu ka dhaqaaqi lahayn halka aynu taaganahay ee dawladaha khayrkeen ahi ee mar xorriyada inala qaatay halka ay inagaga tageen aynu ka kici lahayn ee aynu jabin lahayn dayrka nin-jeclaysiga, qaybaaladda iyo hunguriga ku dhisan ee inagu xeeran,”ayuu yidhi siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Cabdiqaadir Cali Obsiiye soo jeediyey inuu diyaar u yahay madal furan oo uu dood shacabku markhaati ka yahay kula galo dhammaanba ragga u tago-xaydan inay umadda hoggaamiyaan, isla-markaana hadii barnaamijkiisa lafa wanaagsanaado uu iyaga taageeri doono, waxana uu yidhi,“taasina waxa ay ku imanaysaa inaan diyaar u ahay oo aan doonayaa in siyaasi kasta oo masiirka iyo hoggaanka umadda Somaliland uu hunguri ka hayaa inaan martiqaad u fidinayo murashixiinta, sida KULMIYE, WADDANI iyo UCID-ba iyo aniga oo ah murrashax madax bannaan aanu dood galno oo umadda usoo bandhigno, barnaamijkayaga oo haddii ay hayaan barnaamij kayga ka fiican aan ballan ku qaadayo inaan ku dabo faylo, haddii aanay haynina ay aniga igu daba faylaan.
Siyaasi Cabdiqaadir waxa uu hoosta ka xarriiqay in shacabka iyo hay’adaha kale ee qarankuba marag ka noqdaan doodahaas, waxana uu hogo-tusaaleeyey nooca hoggaamiyaha dalku u baahan yahay,“Shacabweynaha, baarlamaanka, guurtida iyo shacabkuba waa inay garsoor ka noqdaan, maantana waxa aynu u baahanahay hoggaamiye wanaagsan oo diin leh oo inaga dhaqaajiya halka aynu taaganahay umadduna waxa ay u baahan tahay hoggaamiye wanaagsan oo qiiradiisa iyo fikirkiisa wax-qabadba sarreeyaan oo ka run yihiin, kaasna insha allah anigaa ah.”ayuu yidhi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.
Mar uu ka hadlayey barnaamijyada uu umadda u hayo, waxa uu yidhi,“Barnaamijyadaydu waa qaar aan hore adduunka loogu arag oo aan doonayo in waddankani laba sano gudahood uu barwaaqo-sooran ku noqdo.”
Waxa uu tilmaamay inay shacabka caafimaadkooda iyo bilicdaba dhibaato ku hayaan ateenooyinka shirkadaha is-gaadhsiintu suuqyada ka taagtaan, isaga oo xusay inuu dagaal la gelid ono,“biraha ateenooyinka ah ee meel walba oo xaafadaha magaalada ah ka taagan, kuwaas oo xagga caafimaadka iyo bulshadaba dhibaato badan ku haya oo annaga noo qorshaysan inaan lagu arkin wax ateeno ah oo suuqyada iyo xaafadaha dhexdooda ka taagan iyo xadhkaha laydhka dhulka maraya ee foolxumada iyo halistaba dadka ku haya oo aan doonayo inay xukuumaddu wax ka qabato.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.
Cabdiqaadir Cali Obsiiye, ayaa kamid ah siyaasiyiinta faro-ku-tiriska ah eek u dooda in qaranku u baahan yahay ogolaansho murrashax madax bannaan, waxana uu inta badan soo bandhigaa afkaar waxqabad oo caqabadaha Somaliland hortaagan wax lagaga qaban karo.