Hargeysa (Hubaal) Cali Maxamuud oo loo yaqaano Cali Baashe isla markaana ka mid ah siyaasiyiinta waa weyn ee dalka ayaa ka xog-waramay siyaasadiisa guud iyo halka uu yoolkiisa siyaasadeed gaadhsiisan yahay. Siyaasi Cali Baashe oo Waraysi siiyay wariyaha HCTV ee magaalaada Ceerigaabo ayaa sheegay inuu si buuxda ugu soo noqday isla markaana uga dhex muuqan doono saaxada siyaasada ee Somaliland, waliba marka dawladda ta haatan ku xigta timaado oo uu si toos ah siyaasadiisa ugu qorshaysan tahay. Siyaasi cali baashe oo sida uu waraysigan ku sheegay muddo dheer oo gaadhaysa ilaa kow iyo toban sanood kusoo jiray amaba mashquul ku ahaa siyaasada Koonfurta Soomaaliya, ayaa imika ku sugan Somaliland kadib markii uu kusoo hungoobay siyaasada Muqdisho.
“Run ahaantii muddoo ilaa kow iyo toban sano ayaan siyaasada Koonfurta ku mashquulsanaa, waxaanan kala soo noqday anoo hungo ah oo runtii wakhti badanina iga lumay, wax aan qabtay oo haatan aan ku faraxsanahayna aanay jirin.” Ayuu yidhi Cali Baashe, waxaanu intaasi sii raaciyay, “Hayeeshee halkan hadaan imid oo aan kusoo noqday dalkii, aad iyo aad baan ugu farxay sida ay xaaladuhu ukala socdaan, marka loo eego dhanka Koonfurta. Waxaa jirta nabad kazoo go’day dadka dhexdiisa, waxaanay leeyihiin khad u jeexan oo lagu kala dambeeyo maamul oo runtii raggaas jeexay nidaamkaas aan aad iyo aad ugu mahadcelinayo, iyo raga haatan gacanta ku hayaba, markaa waa wax lagu faani karo meesha ay bulshada reer Somaliland marayso maanta, wax badan bay qabsadeen wax badana waa dhiman yihiin.
Siyaasi Cali Baashe ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee gayiga soomaaliyeed ama Somaliland, kana mid ahaa raggii dhidibada u taagay xukuumadda Somaliland ilaa 1991-kii halkii laga aasaasay, waxaanu ka waramay waxa wakhtigan keenay inuu ka dhex muuqdo saaxada siyaasada dalka, “markaan aad uga fikiray, arkay taageerayaasheeda, markaan arkay deegaanka baahida uu u qabo nin siyaasiya oo dan laawe ah, oo siyaasiyiintu dantooda gaarka ah kama shaqeeyaane, markaan la tashaday saaxiibaday, waxaan go’aansaday inaan siyaasadii si buuxda ugu soo noqdo.” Ayuu yidhi Cali Baashe waxaanu intaasi sii raaciyay “laakiin waa goorma?. Dawladda soo socota een tan ahayn oo ta haatan waa la shaqeynaynaa, lana shaqeynaynay, balse dawladda soo socota ee doorashada lagu kala heli doono, si buuxda ayaa uga qaybqaadanayaa.” Waxaana uu bulshada reer Somaliland gaar ahaan deegaannada uu kasoo jeedo ee Bariga iyo sidoo kaleba dadweynaha taageereyaashiisa ah usoo jeediyay baaq la xidhiidha soo rogaalcelintiisa siyaasada. “Waxaanan u sheegayaa dadweynaha iyo taageerayaashayda inay u diyaar garoobaan.
Siyaasi Cali baashe waxa kale oo uu tilmaamay intii uu dalka kusoo laabtay inuu waxyaabo badan ku darsaday siyaasada dalka “intaan dalka kusoo noqday runtii waxaan ka shaqaynayey goboladan bariga aad iyo aad uga hadhay markii ugu horaysan ee aan imidna oo waan soo maray goboladan bariga ka dibna waxaan u gudbay magaalada hargeysa waxaan la kulmay madaxweynaha Somaliland iyo wasiiradiisa rag kamida sidii ugu fiicnayd ee arinta bariga ama gobolkan Sanaag bari, Sool iyo Buuhoodle sidii ugu fiicnayd ee lagu xalin lahaa oon muddo dheer ka fikirayey waanan u sheegay aad baanu wax isula fahanay waanan isla garanay natiijo fiican-na way dhashay run ahaantiina waan uga mahad celinaya isaga iyo ragii kale ee hawshaa igala shaqeeyey taasi waa waxaan ku darsaday oon u tusaaleyey.” Ayuu yidhi siyaasi Cali Baashe
Ugu dambayn Waxa uu soo dhaweeyay shirar badan oo siyaasadeed oo ka dhacay gobollada bariga Somaliland iyo shirka uu madaxweynuhu ku baaqay in wada hadal lala galo qolada khaatumo “ khayr baan ka rajaynayaa shirarkaa dhacay iskama dhicin ee shirar laga soo shaqeeyey ayay ahaayeen oo anigu ka mid ahaa oon dadka wacyi galinay tusaaleynay talidii xumaatay ee ahayd marna puntland baynu nahay mar khaatumaynu nahay mar Somaliland baynu nahay dadkii kala daadsanaa ilaa muddo sadex sanadood ah baanu ururinaynay waa laga soo shaqeeyey shirarkaasi iskamay dhicin ee hadaanu rag u bixin run ahaantii rag fiican oo caqli keenay baa u baxay oo anigu aan ka mid ahaa oo uu ka mid ahaa wasiirka biyaha Somaliland oo uu ka mid ahaa xildhibaan koore iyo kuwo kaleba.”