Siyaasi Cali Gurey Oo Eedihii Ugu Cuslaa Huwiyey Guddoomiye Cirro Iyo Saleebaan Gaal

0
192

“ninka Saleebaan Gaal la yidhaahdaa waa waslad xun oo inagu dhex jirta, ilaa iyo faqashtiina xumaanta dadka wax aan ahayna intii uu noolaa kama uu shaqayn, Cirro-na Wixii Golaha ka dhacay isagaa ka Masuul ah..”Cali-gurey

cali guray

Hargeysa:(Hubaal)-Cali Maxamed Yuusuf Cali-gurey oo katirsan saraakiisha sar sare ee xisbiga KULMIYE, ayaaa dhaliilo culus dusha ka huwiyey guddoomiye-yaasha labada aqal ee guurtida iyo wakiillada, waxana uu xusay inay sabab u yihiin meelmarinta heshiiska Imaaraadku Berbera kaga samaysanayo saldhigga Militeri uu ku tilmaamay mid qaranka halis weyn ku ah.

Ugu horrayn waxa uu Cali-gurey cambaareeyey guddoomiyaha golaha wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo uu ku sheegay inuu hormood ka yahay dhibaatadii iyo ismaan dhaafkii maalmo ka hor golaha aqalka guurtida ka dhacay, waxana uu xusay inaan laga aqbali Karin cambaarayntii dambe ee uu dhacdadaas kaga fal celiyey, waxana uu yidhi,“saldhigga Imaaraadka ninka koowaad ee dambiilaha ka ahi waa guddoomiyaha golaha wakiillada, madashuna inay  ama Khudbad-sanadeedkii madaxweynaha noqoto iyo inay mooshin sharci oo golaha wakiillada la hor keenayo midkood noqdo uun bay ahayd, ninka ina hoojiyey waa ninkaas madaxweynenimada u ordaya, oohintiisii dambena wax la dhegaysan karo ma aha.”

Waxa uu eedo culus u jeediyey guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu shir-guddoominayey kulankii labada gole ku meel mariyeen nuxurka heshiiska xukuumaddu doonayso inay Berbera kaga kirayso saldhig militeri, waxana uu xusay inaanau guddoomiye Saleebaan wax wanaag ah ku lahayn taariikhda Somaliland,“ninka Saleebaan Gaal la yidhaahdaa waa waslad xun oo inagu dhex jirta, ilaa iyo faqashtiina xumaanta dadka wax aan ahayna intii uu noolaa kama uu shaqayn taariikhdiisana kuma jirto habeen qudha oo nadiif ahi, imikana Saleebaan aqalkiisii baa dhammaanayaa, waxoogaa buu qabyoobi doonaa, haddana waa loo dhiibi doonaa”ayuu yidhi Cali-gurey.

Isaga oo sii wata hadalkiisa waxa uu Cali-gurey intaas ku daray,“ninkii Isaaq ee SNM ugu dagaal badnaa waxa uu ahaa Saleebaan Gaal, dabadeedna isaga oo SNM sagaal sadanadood la dagaallamaya ayuu baqday oo Xamar kasoo baxsaday, dabadeedna siduu usoo ordayey ayuu yidhi golaha dhexe halla igu daro, xeerkuna waxa uu qorayey in laba sano ururka ka tirsanaado, waxana uu qaatay waslad xaaraan ah oo uu golihii dhexe ku  noqday, xumaan dalkaas ka dhacday oo uu ka faro madhan yahayna ma jirto.”

Waxa eedo gaar ah u jeediyey beesha dhexe(isaaq) ee Somaliland, waxana uu tilmaamay inay daawasho kaga jiraan dhibaatada dalka ka socota,“Wasladda xun ee umadda Soomaaliyeed ku dhex jirtaa waa reerka Isaaq la yidhaahdo oo isagu qaba inay dadka ka wanaagsan yihiin, haddana waxaasaa xukumaya oo ay daawanayaan, wixii ay usoo baaba’een baa hortooda lagu iibinayaa, xumaantana umadda khamiisyada xidhan baa ugu sheekhyo ah”ayuu yidhi Cali-gurey.

Isaga oo hanjabaya Cali-gurey waxa uu xusay inaanay jirin cid awood u leh inay Berbera kasoo dejiso Imaaraatiyiin, haddii ay taasi dhacdona uu u yeedhi doono Ethiopia, waxana uu yidhi,“Car waa ninka madaarka Berbera keena Carab ee ku dhici kara, annaguna Ethiopia ayaanu madaarka siin oo Ethiopia siin oo nala xorayn doona.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here