Siyaasi Dar-jiidhay Oo Diinta Meel Kaga Dhacay. Qalinkii: C/raxmaan Colaad Cumar

0
32

Siyaasi Dar-jiidhay Oo Diinta Meel Kaga Dhacay Qalinkii C/raxmaan Colaad Cumar

Siyaasi darjiidhay oo diinta meelkaga dhacay, maalmihii lasoo dhaafay waxa aad loga hadlayey Magalada Hargeisa Qoraal taxxane ah oo uu qoray Maxamed C/da’uud oo ahaa Badhasaabkii Hore ee Gobalka Maroodi-jeex waxa uu ciwaan uga dhigay Heesa iyo Muusigu maxaaraanbaa? Isaga ayaa ka jawaabay waxa lakiin layaab noqotay in uu sicad inkaro Nas iyo daliil kasta oo diinta ku sugan waxana hadaladiisii ka mid aha “majiro hal Ayad ama Xadiis xarantinimayanaya Muusiga iyo Heesa) isaga oo Alle SWT Quraanka kuleh Suratul ( Luqmaan) Ayada 5aad.

CabdiHomoe

“dadka waxaa ka mida qaar iibsanaya gadanaya sheeko mideeda laysku mashquuliyo,wakhtiga laysku dhaafiyo maaweelo ah iyagga oo aan cilmi ulahayn , waxanay ka dhigganayaan jees jees waxanay leeyihiin kuwaasi cadaab dulleeya).waxaa saa ku fasiray asaxaab badan sida Turjumaannun Qur’aan C/laahi ibunu Cabaas oo Nabigu SCW ugu duceeyey in Alle Kitaabkiisa fahansiiyo Fasirkiisana baro. Waxana Xadiiska saxeexinaya Cullimo badan sida Imaamu Bukhaari uu ku sheegayo Kitaabkiisa Fii adabul Mufrad, Ibinu Shayba,Ibinu Jariir Adabari . Waxa kale oo ka sugan C/laahi Ibinu Mascuud oo Nabigu Scw yidhi qofkii doonaya Quraanka inuu u akhriyo sidii uu ku soodegay ha qaato qira’ada C/laahi Ibinu Mascuud waxanu uu ku dhaartay saddex jeer C/laahi Ibinu Mascuud in Ayadaasi ku soo degtaya Heesaha. Waxana Xadiiskaa saxeexinaya Culimo badan sida Ibinu Qayim, Ibinu Shayba, Waxa kale oo ka sugan Cikrima Mawla ibinu Cabaas oo ka mida ardaydii saxaabada inuu Ayadaa ku fasiray Heesaha. Waxa uu leeyahay Imaamu Waaxidi Culumada Tafsiirka badan koodu waxay Ayadaasi ku Fasireen Heesah su’aasha iswaydiin tale waxay tahay haddii Tafsiirkii Asxaabta, ardaydoodii iyo Salafkii saa yahay mawaxaynu qaadannaa wadaad manta jooga Tafsiirkiisa.? su’aashu waa Maya maxaa yeelay Alle waxa uu ku amaanay Asaxaabta fahanka diinta iyo Manhaj kooda. waxa kale Alle Quraanka Suratul ( Albaqra ) Ayadda 136aad. Alle ku leeyahay. “sidaad wax u rumayseen haday u rumeeyaan way hanuuneen si ka duwan haday u qaataan u way idin khilaafeen.” Sidoo kale Nabiguna SCW waxa uu xadiis saxeexa ku leeyahay “Umadayda waxaa ka mid noqon doona oo aakhiru samaanka iman doona qaar xalashada Sinada, Xariirta,Heesah iyo Muusiga.” markale waxa laga warinayaa Anas Ibinu Maalik inuu Nabigu SCW yidhi laba cod ama laba sawd oo dhegtu maqashaa way nacdalan yihiin adduun iyo aakhiraba waxana ka mida Muusiga ta labaadna waa Baroorta. Maxamed C/da’uud waxa uu ku abtirsadaa Culimada iyo ducaadda mana ah qof jahli loogu cudur daari karo lakiin way muuqataa inuu ka dhacay fahanka diinta iyo nusuusteeda, binu adamka noloshiisa ayeyna ka mid tahay wax kasta oo naftu rabto iyo aragti kasta oo aan sal lahayn ayaad inay ayiddo , waxanay tani barmadaw ku noqon doontaa Maxamed C/da’uud sida ku dhacday qaar badan oo ka horeeyey oo fara geliyey Diinta Alle Xiftiyey.

 

Waxaan ugu nasteexayn- nayaa Maxamed C/da’uud inuu Alle u soo noqdo kana Toobad keeno Xadgudubka iyo gefka uu kula kacay Diinta Islamka

W/Q: C/raxman Colad Cumar

Email: abdirahmaan002@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here