Hargeysa:(Hubaal)-Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo caan ku ah ka-hadalka iyo Hogo-tusaalaynta Arrimaha Taagan, ayaa si hufan uga Hadlay Xaaladda haatan ee dalku marayo, waxana uu farriimo waayeelnimo u kala diray xubnihii wasiirrada ee dhawaan xilalka iska casilay iyo Madaxweynaha laftiisaba.
Siyaasi Cabdiqaadir oo u warramay warbaahinta, ayaa sidoo kale ka Hadlay cabashooyin siyaasadeed oo kasoo yeedhaya Gobollada Awdal iyo Saaxil, waxana uu ugu baaqay shacabka deegaankaas inay si nabdoon tabashadooda ugu illimo bixiyaan.
Mudane Cabdiqaadir sidoo kale waxa uu si qoto dheer ugu dheeraaday Qiimaha ay leedahay nabaddu, waxana uu shacabka ugu baaqay inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay nabaddaas u ilaashan lahaayeen,
“dalka maanta meel fiican buu marayaa, shacabkana waxan ugu baaqayaa inay nabadgelyadooda muhiimka ah ilaashadaan taas oo ah yididiiladeena. Qiimaha baddana maanta waxa si fiican u yaqaanna waddamo badan oo shalay barwaaqo ku noolaa balse aan maqaaxiyaha laga sheekayn Karin. Qof walibana ha dareemo qiimaha nabadda.” Ayuu yidhi Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.
Mar uu ka Hadlayey dareenkiisa ku aaddan Xubnaha wasiirrada ah ee iska casilay Xilalkooda, waxana uu xusay inay siyaasaddu tahay giraan is-bedbeddesha oo marba meel taagan, waxana uu yidhi,“Siyaasaddu waa wax isbedbeddalaya oo aan meel iska taagnaan Karin waana mar ay iskugu kaa toosan tahay iyo mar ay ku diidan tahay, Xubnaha iscasilayna ha ilaaliyaan Nabadgelyada doorkii ay kasoo qaateenna dib ha uu eegaan taariikhdooda iyo magacoodana ha eegaan.”
Siyaasiga oo madaxweynaha u diraya Farriin qiimo badan, ayaa waxa uu yidhi,
“Madaxweynahana waxan leeyahay intii karaankaaga ah wixii cabatin la yimaadda xaq baa laguugu leeyahay inaad la eegto oo aad dhexdhexaad ka noqotid xa baa laguugu leeyahay, waayo madax meel kasarraysa oo la taabtaa ma jirto inaad caddaalad iyo sinnaan ku maamusho ayaana lagaaga fadhiya.”
Waxa uu sidoo kale Farriin kale u diray Gobollo dalka ah oo dhawaan tabashooyin muujinayey, waxana uu ugu baaqay inay si toolmoon wixii ka maqan udoontaan, isagoo sidoo kale xusay inay Magaalada Berbera tahay meel dalka qiimo ku leh,
“Gobollada waxan leeyahay si asluubi ku jirto oo ixtiraam ku jiro halloo doono, rabshad iyo buuqna maanta ma qaadi karno, waxana aynu maanta u baahanahay sidii wixii danta guud ee inaga dhiman aynu u baadi dooni lahayn, umana baahnin. Berbera-na waa Soddoh, waana Halbawlihii Somaliland oo hadduu Wadnuhu istaago nololi jiri maysee arrinta aynu dejeno oo wixii inaga maqan si hufar u raadsano.”