Siyaasi Gobolka Awdal Kasoo Jeeda Oo Daboolka Ka Qaaday Aflegaaddooyin Qaawan Oo Xubno Beesha Guddoomiye Cirro Kasoo Jeedaa Kaga Tiraabeen Shirkii Golaha Dhexe Ee WADDANI

0
95

“Markii aanu ambsaddor galnay niman masuuliyiin ah oo hayb u sheeganaya xisbiga WADDANI waxa ay igu yidhaahdeen saaka laan-gaab halkan loogama baahna, Guddoomiye goormaad tirisay in dadka reer Borama ay laan-gaab yihiin.”Maxamed Abiib.

maxamed-abiib

Hargeysa:(Hubaal)-Siyaasi Maxamed Abiib Yuusuf oo ah sarkaal katirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, isla-markaana ku jirey xubnihii  samaystay garabka caddaaladda iyo toosinta ee uu hoggaamiye guddoomiye Axmed Muumin Seed, ayaa soo qufay ceebo hoose oo ku gedaanaa shirrkii golaha dhexe ee xisbigaas, kaas oo xisbiga laba garab u kala jabiyey.

Siyaasigan oo ka hadlay madal uu garabka uu hoggaamiyo Axmed Muumin Seed ku qabsaday hutel Mansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa xisbiga WADDANI ku tilmaamay mid kooto ugu xidhan casaabad kasoo jeedda qoyska guddoomiye Cirro, isaga oo magacaabay xubnaha dhibkaas ka dambeeya,“Xisbiga WADDANI oo taladiisu ururto ama mus-dambeed lagu sheego waxa ugu dambaysay maalintii ay Duur iyo Siciid Sulub yimaadeen, nin aafo ah oo aan xanjo afka ka dhigaynin oo Duur la yidhaahdo baa xisbiga kusoo biiray, kaasaana xisbigii dilay.” Ayuu yidhi siyaasi Maxamed Abiib.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay dhacdooyin foolxumo ahaa oo ka dhex dhacay shirkii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI dhawaan ugu soo gebogeboobay hutelka Ambassador ee magaalada Hargeysa,waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Markii aanu ambsaddor galnay niman masuuliyiin ah oo hayb u sheeganaya xisbiga WADDANI waxa ay igu yidhaahdeen saaka laan-gaab halkan loogama baahna, nasiib-darro anigu kamaan xanaaqin, waxana aan idhi waa garaadkii reer Hawdka oo kii dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka ma aha.”

Siyaasi Maxamed Abiib mar uu ka hadlay xubno aan golaha dhexe ku jirin oo shirkii Ambassador ka codeeyey, ayaa waxa uu yidhi,“shirkii golaha dhexe ee Ambassador dadkii meesha joogay waxa ku jirey oo kaadhkii golaha dhexe xidhnaa hablihii jaariyadaha ahaa ee guriga nooga shaqaynayey, inankii istoodhka noo hayey iyo weliba inankii xafiiska ilaalinayey, dadka hoolka ku jireyna”

Waxa uu Maxamed Abiib Yuusuf sheegay in hammigii deegaanka reer Borama ku doonayeen inuu Cirro dalka hoggaamiyo ay hor istaageen xubno beeshiisa ah oo dhaawacay dadaal kasta oo arrintaas ku saabsan,“Annagu Cirro madaxweyne ha noqdaanu lahayne rag baa dhexda u galay hayb u sheeganaya, mana aanu diidan inuu Cirro madaxweyne noqdee waxanu diidnay dadka dibjirka ah ee uu meesha kusoo ururisay ee qabyaaladda ku codeeyey, adiguna goormaad tirisay in dadka reer Borama ay laan-gaab yihiin.” Ayuu yidhi Maxamed Abiib.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here