Siyaasi Ka Tirsan Mus-dambeedka WADDANI Oo Shaaciyey Aragti Cusub Oo Qawadsan Mawqifkii Uu Xoghayahooda Guud Ka Istaagay Heshiiska Berbera

0
51

Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo soo Bandhigay Ra’yi  uu Sheegay In Xisbiga WADDANI Uu Marka Horeba Ka Lahaa Heshiiskaas

“Heshiiskaas waxa ansixiyey oo sharciyeeyey xukuumada somaliland, goleyaasheeda qaranka, xisbiyada iyo shacabka somaliland, waxaanan….” – Xoghayeha Guud Ee WADDANI

++++++++++

 “Aniga iyo xisbiga WADDANI ra’yi ayaanu ka lahayn heshiiska lala galay DP World, waxaanan u arkay inaanu ahayn mid sax ah, siddeedabana  arrimaha noocaas ahi….” Siyaasi Ka Tirsan Musdambeedka WADDANI

Hargeysa (Hubaal) – Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Heshiiska Maalgeshi ee Dekedda Berbera lagu samaynayo ee ay dhawaan Magaalada Dubai ku kala saxeexdeen Somaliland, Shirkadda DP World iyo Dawladda Itoobiya. Mr. Buubaa oo shalay la hadlay Telefiishanka BULSHO TV, ayaa sheegay inay khalad tahay in Somaliland ay heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ay ku yeelato boqolkiiba 30, Shirkadda DP World-na 51%, halka Dawladda Itoobiyana yeelato 19% isaga oo sheegay in saamiga haatan la siiyey somaliland aanu ahayn mid sax ah oo ka turjumaya inay leedahay dekeda Berbera.  “Aniga iyo xisbiga WADDANI ra’yi ayaanu ka lahayn heshiiskaas lala galay DP World, waxaanan u arkay saamiga la siiyey somaliland inaanu ahayn mid sax ah iyada oo Berberi ay qiimo weyn ku fadhido,  sideedaba arrimaha noocaas ah ee ay ku xidhan tahay siyaasadda, madax bannaanida iyo dhaqaallaha wadankaba, marka la qaybsanayo saamiga maaha inay Somaliland ka yaraysato 51% waayo marka ay fadhiisanayaan guddida maamulka ee ay cid kalana leedahay aqlabiyada waxay doonaan ayey ka yeeli karaan.” Ayuu yidhi siyaasi Buubaa.   Sidoo kale Ismaaciil Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxa laynoo sheegay  in 19% qaadanayso Itoobiya DP World-na ay qaadanayso 51% inta soo hadhayna ay somaliland qaadanayso, heshiiskana maaha mid aynu hada maqalnay ee hore ayeynu u ogayn oo somaliland Iyo DP World ayaa kala lahaa saamiyo, waynu ogayn in DP World lahayd 65% halka somaliland ka lahayd 35% imikana waxa la yidhi somaliland 30% ayey leedahay DP World 51% halka Itoobiya la siiyey 19% laga keenay 14 laga soo qaaday DP World iyo 5 laga soo qaaday Somaliland.”

Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa sheegay in marka hore-ba ay ka soo horjeedeen saamigii ay somaliland ka heshay heshiiskii markii ugu horaysay “Markii hore-ba annaga oo qawadsanayn in Somaliland hesho 35% oo aanu lahayn waa inay 51% yeelataa hadana in waliba laga sii qaado oo la yidhaa DP World ayaa saami ka iibisay itoobiya, hadii ay maanta ka iibisay Itoobiya berri inay ka iibiso Israa’iil maxaa u diidaya ileen aqlabiyadii ayey haysataaye, anagu waxaanu u aragnaa in saamiga Berbera ku lug leh waa in ugu yaraan 51% ay yeelataa somaliland.”.

Hadalka Siyaasigan Musdambeedka u ah xisbiga WADDANI Ee ismaaciil Buubaa ayaa ku soo beegmay xilli uu maalintii dorraad uu xoghayaha guud ee xisbigoodu MD. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde uu sheegay in xisbi ahaan ay heshiiskaas u arkaan mid sharciyadda ku fadhiya oo ay goleyaashu ansixiyeen. Xoghaye Uurcadde oo  geesta kale si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya

Xoghaye Uurcade oo ugu horayn ka hadlaya heshiiska dekeda Berbera ayaa waxa uu yidhi “Heshiiskaas waxa ansixiyey oo sharciyeeyey xukuumada somaliland, goleyaasheeda qaranka, xisbiyada iyo shacabka somaliland, waxaanan maqlaynay oo lagu cel celinayey raysal wasaaraha soomaaliya oo si aflagaado ah oo cay ah  ula hadlayey shacabka Somaliland oo danahooda uga tashaday kaas oo u hadlayey si dadnimada ka baxsan oo ay shacabka somaliland la yaabeen, waxaanan u sheegaynaa in somaliland, goleyaasheeda, madaxdeeda iyo shacabkeeduba ay yihiin umad jirta oo aduunyada ka mid ah, adiga iyo qayrkaa toona talo ka waydiin maayaan dalkooda.”

Gebogabo

Hadalka ka soo yeedhay Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa noqonaya mid khilaafsan dhawaaqa hore uga soo yeedhay xoghayaha xibsiga WADDANI kaasi oo sheegay in heshiiskani ku sallaysan yahay sharciyadda isla markaana ay xisbi ahaan ogolaadeen hase ahaatee dooddan dambe  ayaa dhadhankeedu noqonaysaa mid shacbiga ku dhalisay su’aal ay iska weydiinayaan laba boglaynta xibsigaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here