Wasiir Xigeenkii Hore Ee Xanaaanada Xoolaha, Dhirta Iyo Daaqa Ee Dawladii Cigaal, Oo Farta ku fiiqay Halista Ay Leedahay Dadka Jinsiyadaha Waddamo Kale Haysta Ee Xilka Usoo Doonta Somaliland
Hargeysa (Hubaal) Wasiir ku-xigeenkii hore ee xanaaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee dawladii Cigaal, Maxamuud Ismaaciil Maxamed ayaa ka hadlay dhibaatooyin bulshada somaliland inteeda badani aanay fahamsanayn, isla markaana inta badan timaada marka doorashooyinku yimaadaan, taasi oo ah in had iyo jeer dadkeenu tixgaliyaan dadka ka yimaada qurbaha ammaba qurbajoogta ee xilka ka qabta xukuumadda markaasi la doorto amma jirtaba.
Maxamuud Ismaaciil Maxamed oo saaxada siyaasadda somaliland ay ugu dambeysay muddo labaatameeyo sanno ah ayaa sheegay in ay halisteeda leedahay in hogaanka dalka gacanta loo galiyo dad dhalashada waddan kale sita oo ay dadku reernimo codkooda ku bixyaan.
Masuulkan oo xarunta wargeyska Hubaal nagu soo booqday ayaanu waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa warbixin yar oo kooban oo uu kaga hadlay dhibaatooyinka ay qurbajoogta dalka ku keenaan marka ay xilalka usoo doontaan dalka, iyadoo inta badana ay xisbiyadeenu ka dhex muuqdaan siyaasiyiin dalka gudihiisa jooga, balse marka xisbigaasi uu tallada ku guulaystana la arko dad farabadan oo iyagu qurbaha jooga amma waddan kale muwaadinkiisa ahi soo gaalaan xilalka xukuumaddaasi, taasi oo uu masuulkani ku tilmaamay waxyeelo aan la fahamsanayn inta badan, balse ay tahay in fiiro gaar ah loo yeesho oo ay tahay in siyaasadda dalka kursigeedu aanu noqon cid meel kale laga istaadho oo ay noqoto muwaadin dalkan iyo dadkan xaaladiisa o goo ka warqaba. Sidoo kalena waxaa uu tusaale usoo qaatay saddexda xisbi ee haatan dalka jira oo uu sheegay in mid mooyee labada kaleba dadka musharrixiinta ka ah ay yihiin kuwo ajnabiya oo waddan kale jinsidiisa wata.
Maxamuud Ismaaciil Maxamed waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan;
“waxaa jiray taariikh ahaan dalka markii Koonfurta lays eeday ee dil iyo xadhigba lagu smeeyay ummadda reer Somaliland ee ay xaqeedii lasoo wareegtay, waxaa samaysmay madaxweyneyaal, madaxweynihii ugu horeeyay wuxuu ku guulaystay in dalka la xoreeyo, wuxuu ahaa mraxuum Cabdiraxmaan Axmed cali (tuur), waxaa ku xigay madaxweyne marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo isna ahaa kii labaad oo sugay nabadii, oo xoogahaa dhibaatooyin jiray oon wali aan dhammaan dhameeyay. Waxaa ku xigay Daahir Rayaale Kaahin oo dhaxlay dhimashdii Cigaal, oo isna ku guulaystay inuu doorashadii u horreysay dalka ku dhiirada in la qabto, waxaa ku xigay madaxweynaha maanta jooga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo isna ku guulaystay inuu waxqabad badan dalka ka sameeyo oo lawada ogyahay. Maanta waxaa taagan markaa nimankaa aan sheegay, Rayaale mooyaane saddexdaa kale waa nimanka taariikhda halganka somaliland qayb weyn ka lahaa, waa niman la yaqaanay ummadda oo dhami taqanay sidaana lagu doortay.
Qodobka aan doonayo inaan ka hadlo waxaa uu yahay, ummadda Somaliland waxaan dareensiinayaa, waxa layidhaa muwaadinnimada inay fahmaan, oo muwaadin yaa ah?. Waxaad aragtaa had iyo goor ninku markuu wax ka doonayo, reer hebel oo kaliya ayuu wax kaga doonaa. Waxaa innagu batay immika, innamadii yaryaraa ee hooyadood la carartay 1988-kii ee Maraykan iyo Yurubtaa lala tagay, oo markii la geeyay meel aanu garaynayn intuu ku barbaaray isagoon dal iyo dadtoona aan garanayn soo cararay oo halkan itii yimid yidhi baarlamaan halaydoorto, reer hebel baan ahaye. Dadku may odhan waar ninkani garan maayo dalkii iyo dadkiiba e’ oo jinsiyad meel kale ayuu sitaa oo waddan kale ayuu kusoo barbaaray, waa ay doorteen, dabadeed waxa ka dhacday inuu lacag uun uu urursado oo halkiisaa iska joogo, dalkiina u tagin kuwii doortayna aan u tagine, ee halkan markuu wakhtigu kaga dhammaado halkiisii ku noqonayo. Waxaa kaloo jira niman badan oo noocaas ah oo ajnabi ah oo wasiirro laga dhigay, oo gaasimayaal guud laga dhigay oo aan iyaguna dal iyo dadtoona garanayn, oo naftaada u shaqayso mooyaane dad baad masuul ka tahay oo dalbaa xilkiisii haysaa aan garanayn. La sheegi maayo nin qurbajoog dadkii soo doortay intuu ku noqday lasoo shiray, maxaad u baahan tihiin yidhi majiro.
Maantana waxaa sharraxan niman musharriix ah oo madaxweyne doonaya saddexda xisbiba. Waxaa kamid ah kuwaa aan sheegayo laftoodii baa kamid ah, oo Ucid iyo Waddani labadaba waxa murashaxiin ka ah qurbajoog jiniyad waddan kale ah sita, dalbay u dhaarteen sharcigaasa oo kaasay sitaan, wax allaaliyo wax waddaniyad muwaadin ah oo halkan u yaalla ma jirto, marka sharciga la eegana waa niman ajnebiya labadaas xisbi musharraxoodu. Markaa dad aan dalkaba ogayn in madaxweynaha oo halka ugu saraysa ah loo doorto halisteeda ayay leedahay. Waxaan ummadda Somaliland u sheegayaa ku aamini mayno nin waddan kale u dhartay inuu dalkan madaxweyne ka noqdo oo masiirkeenna aanu u dhiibano.
Ninka saddexaad ee sharraxani waa Muuse Biixi, waa nin muwaadin ah oo dalkan naftiisa usoo huray oo dalkan xaaladiisa dhinac walba ka warqaba, oo isagiyo dadkii lasoo halgamay oo waxna dhinteen waxna nool yihiin ayuu ka mid yahay, abaalbaanu ku leeyahay reer Somaliland oo raggan aan sheegayaa midna dalkan abaal kuma leh oo garanba maayaan dalkan iyo dadkiisu waxay soo mareen, markaa ummadda Somaliland waa inay garataa ka xaqa ugu leh inay doortaan oo talada dalka u dhiibtaan.” ayuu kusoo gunaanaday hadalkiisa