Siyaasi Macno Soo Jiidasho Leh u Sameeyey Mansabyada Murugsan Ee Garabka Xirsi Lagu Taxay

0
34

“Waxaan Qabaa In Mansabyada Hoggaamiye Iyo Guddoomiye Ay  Yihiin Geel Laba Awr Leh, Haddii Geellu Laba Awr Yeeshana Aakhirka Xero LA’aan Uun Baa Leh”

 cabdiqaadir cali obsiiye

Hargeysa:(Hubaal)-Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye(madaxweynaha mustaqbalka), ahna siyaasi si weyn ugu ololeeya in distoorka la furo, isla-markaana  la ogolaado in la helo murrshax madaxweyne oo madax bannaan, ayaa ka hadlay xubnihii xukuumadda iska casilay ee dhawaan ku biiray xisbiga WADDANI, waxana uu ku tilmaamay qaar aan waxba soo kordhin Karin.

Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye oo la hadlay Telefishanka Bulsho Tv, ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey inaanu jirin wax farqi ah oo u dhexeeya mansabyada Hoggaamiye iyo Guddoomiye, waxana uu hoosta ka xarriiqay in hal mansab loo wada dhiiibay labadaas shakhsi.

Cabdiqaadir waxa uu ku sifeeyey siyaasiyiinta qaarkood isku mansabka yihiin ee dhawaan ku biiray xisbiga WADANI Awr baarqabbo ah oo geel lagu wada daray, “anigu waxan u arkaa mansabyada hoggaamiyo iyo  Guddoomiye isku mid, waayo dee hoggaamiye waa Qaa’id, Guddoomiyena waa guddoomiye, mid walibana waxa uu leeyahay shaambaddiisa iyo saxeexiisa, waxana aan qabaa inay yihiin geel laba awr leh, haddii uu geelu laba awr yeeshana aakhirka xero la’aan uun baa leh oo xerada way ka dareeriyaan sida ay isku laynayaan, mana arko inay wax badan oo khilaaf ahayn iyo baarqabadii oo kusoo batay xisbiga oo burbur iyo khilaaf u horseeda wax aan ahayn, waayo hooraa loo yidhi xeradayadu waa wada Ul oo Ul la qaato ma leh.” Ayuu yidhi siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye.

Siyaasi Cabdiqaadir waxa uu sheegay in xubnaha WADDANI ku biiray yihiin shakhsiyaad in badan umadda hortaagnaa, isaga oo intaas ku daray in waddanku u baahan yahay dhiig cusub, waxana uu yidhi,“saddexda xisbi ma arko mid keli ah oo baahiyihii iyo galdaloolooyinkii umadda ma jiro,  ragga WADDANI ku biirayna inaguma cusba taariikhdoodana waynu haynaa, maantana waddanku waxa uu u baahan yahay rag dhallinyaro ah oo waddanka dhiig cusub ku shuba oo riyadooda dadka u rumeeya.”

Waxa uu si weyn u ammaanay waxqabadka madaxweyne Siilaanyo, balse waxa uu ka codsaday inuu madaxweynuhu isku dayo sidii distoorka loo furi lahaa, isla-markaana loo heli  lahaa jawi ogolaanaya in cid madax bannaani kursiga madaxweynaha isu soo sharraxdo,“waxqabadka xukuumadda haddii aan la helin cid halkii kasii wadda, nusqaan baa imanaysa oo wixii inay burburaan baa dhacaysaa, markaa waxan madaxweynaha odhan lahaa distoorka ha furaan Baarlamaanka oo haku daraan qodobka odhanaya musharrax madax bannaan halla helo.” Ayuu yidhi siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye.

Ugu dambayntii waxa uu xukuumadda iyo ganacsatadaba ugu baaqay inay dadka abaaruhu saameeyeen u gurmadaan, waxana uu yidhi,“haddii aad ganacsatada tihiin iyo haddii aad xukuumadda tihiinba waa in gargaar degdeg ah la gaadhsiiyo dadka abaaruhu aafeeyeen, waayo xasanaad iyo ajar badan baad ka heli doontaan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here