Siyaasi Madax Bannaan Oo Cambaareeyey Qabyaalladaynta Ay Beesha Caalamku Ku Cunsuriyadaynayso Somaliland

0
45

Cabdiqaadir Cali Obsiiye Oo Beesha Caalamka Ku Eedeeyey In Ay Xuquuqdii Somaliland Meel Kaga Dheceen Oo Ay Muddo 25 Sanno Ah Aqoonsan La’yihiin

Hargeysa (Hubaal)- Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo  ah siyaasi madax banaan oo reer Somaliland Ah ayaa  farriin u diray beesha caalamka oo uu u soo jeediyey in ay Somaliland aqoonsadaan, isaga oo ku eedeeyey in ay beesha caalamku xuquuqdii Somaliland meel kaga dheceen oo ay muddo shan iyo labaatan sanno ah aqoonsan la’yihiin.cabdiqaadir cali obsiiye

Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda hargeysa, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in uu goleyaasha baarlamaanka ugu baaqayo in ay furan distoorka dalka, isla markaana ay dib u eegis ku sameeyaan, waxaanuu sidoo kale ka hadlay qorshihiisa siyaasadeed ee uu doonayo in uu sameeyo haddii uu mar uun talada dalka ku guulaysto

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Beesha caalamku waa ay ku doodaan in ay ilaaliyaan xuquuqda mani aadamka, waxaan leeyahay xuquuqda aadamaha iyaga ayaa meel kaga dhacay oo weliba tii Somaliland ayey meel kaga dheceen oo waddan buuxiyey shan iyo labaatan sanno  shuruudihiisii, amaankiisii iyo xuquuqihiisii iyo dhamaan wixii looga baahnaa ayey maanta aqoonsan la’yihiin, 25 sanno ayey inagu daawanayaan beesha caalamku, markaa iyaga ayaa beesha caalamku xuquuqal insaankii meel kaga dhacay hana ka soo noqdaan ayaan leeyahay oo Somaliland maanta way dhaqaaqday oo waa in wax lala qabto, ciddii wax nala qabsanaysana beesha caalamka iyo waddamada jaarka ah waanu soo dhaweynaynaa, ha ku soo dhiiradaan haddii ay maal gashi tahay oo waxaan leeyahay ha is yeeshaan ficiladiinu ayaan leeyahay beesha caalamka, umadda Somaliland waxaan leeyahay aqoonsigii wuu soo urayaaye yaan la daalin oo aan la quusanin ayaan leeyahay, dedaalkana ha la laban laabo ayaan leeyahay, waxaan leeyahay goleyaasha wakiilada iyo guudtida ha la furo distoorka dalka oo ha la eego in loo baahan yahay distoorka dalka, shacabkana waxaan leeyahay waad ku khasbi kartaan in distoorka la furo haddii aad eegtaan in ciddii wanaagsani dibedda joogaan”

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Anigu murashax madaxbanaan ayaan ahay haddii distoorka la furo, mana ihi nin wax lagu shubto, waxaana hawshan I gelinaya in dalkan iyo dadkan wax loo qabto ayaan u samaynayaa hawshan oo igu kellifay, Hadalkan aan idhi imaaraadku ha inu caawiyaan saamiga ay dekedda berbera ku yeelanayaan oo ha inagu caawiyaan, ciddii wax qabanaysana waan soo dhaweynayaa, arrintanna cidna maal iyo magac kagama doonayo, xukuumadana waxaan ugu baaqayaa in Saxaafadda la ilaaliyo oo aan la xidhin kuwa xidhanna la sii daayo oo ha lala shaqeeyo xad gudubkana ha laga daayo aniga oo ah madaxweynihii mustaqbalka waxaan leeyahay saxaafadda ha sii daayo”

Ugu dambayntiina waxa Cabdiqaadir Obsiiye ka hadlay qorsheyaashiisa siyaasadeed waxaanu yidhi “Haddii ilaahay nagu guuleeyo xilka waxaanu samayn doonnaa Guurka oo aanu fududayn doonno, lixdii biloodba waxa noo qorshaysan in aanu gobol kasta lixdan dhalinyaro ah isku guurin doonno anaga oo horta u samayn donna meeshii ay ku noolaan lahaayeen iyo shaqadii ay lahaayeen, guurkana waanu fudidayn doonnaa oo meherka iyo gabaatigaba waanu fududayn doonnaa, waxa jirta in ay dalka dahriibku batay, waxa iman doonta anaga oo barnaamijkayaga ka mid ah in dalkeena loo soo tahriibo oo shaqada dadka lagu khasbi doono oo lagu raafi doono.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here