Hargeysa (Hubaal) Waxa maanta istiqaalad uu xubin-nimadii iyo xilkii uu xisbiga kaga tegayeyba shaaciyey xoghayihii Siyaasadda ee Xisbigaas Md Maxamuud Raage Ibraahim oo kamid ahaa Aasaasayaashii tiirarka u taagay xisbigaas.
Siyaasi Maxamuud Raage oo si dhaw saaxiib ula ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, isla-markaana ay muddo dheer soo wada shaqaynayeen, ayaa qoraalkiisa si maldahan ugu muujiyey inuu muran dhinacna u dhici waayey oo ijiid aan ku jiidee ahi ka aloosan yahay xisbiga dhexdiisa, isla-markaana go’aan jilicsani fagaaraha Waddani kasoo shaac baxay.
War-saxaafadeedka uu Siyaasi Maxamuud Raage Iscasilaaddiisa ku sheegay, ayaa Guddoomiyiye Cirro ugu sheegay inaanu rabin inuu dhaawaco Himiladiisa iyo rabitaankiisa, isla-markaana uu door biday inuu Xisbiga Gebi ahaanba isaga tago.
Is-casilaadda Xaghaye Maxamuud Raage, ayaa u dhignaa sidatan:
Ujeedo. Xil Ka tegid
Ku Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdirahman Maxamed Cabdullahi
Ku Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani ee heer qaran
Ku Dhamaan Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani
Ku Wargeysyada Maxaliga ah ee Somaliland
Gudoomiye Waxaan kula socodsiinayaa in aan iska casilay xilkii Xoghaya Siyaasada Xisbiga Waddani, Xubinimadii golaha dhexe iyo fulintaba, aniga oo aan jeclayn in aan dhaawaco himiladaada iyo hadafkaaga siyaasadeed waxaan kula socodsiinayaa in aad u magcaabato xubin kuu buuxisa xilka Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Waddani , Waxaan kaaga mahad celinayaa wadashaqeyntii mudadii koobnayd , waxaan kaloo u mahad celinayaa dhamaan walaalihii iyo asxaabtii aanu is baranay mudadii aan ka tirsanaa xisbiga waddani, waan ogahay in badan oo idinka mid ahi aa dhibsanaysaan xil ka tegidan, laakiin waxa timi daruuf keentay in aan xilkan baneeyo. Runtii waa go,aan aad u adag laakiin waxay xal u noqonaysaa arin mudo taagnaa oo dhinacna u dhici waayey. Waxaan Waddani iyo asxaabtaba u rajeynayaa guul . Waxaan kaloo sii wadan doonaa shaqadeydii in aan qaranka reer Somaliland usii shaqeeyo inta suxulkaygu ciid ka sareeyo.
Xoghayihii Hore ee Xisbiga Waddani
Mudane Maxamuud Raage Ibrahim
Hubaalmedia.net
Hargeysa, Somaliland